xurgufsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurgufsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid faraheeda xoog wax uga qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurgufsii
v. seize violently, grab suddenly with hands
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurgufsii
de: seize violently, grab suddenly with hands
initial: x
lx: xurgufsii
pd: (xurgufsiiyey)
ps: v2a=tr
key: xurgufsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurgufsiin
m.f.dh eeg xurgufsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurgufsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn oo la baxsasho. Caroosaddu xurgufsiinta iyadaa raalli ka ahayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurgufsi
-ga: (magac, lab, keli) caruusad la baxsi oo madaxfurasho u qaadasho. Dhallintu kolkay arooska saluugaan xurgufsi ayay miciinsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurguf
m.dh Iska horimaad yar oo laba qof ama ka badan ka dhexeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xurguf
m.dh Iska horimaad yar oo laba qof ama ka badan ka dhexeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurguf
-ka: (magac, lab, keli) shibiro yaryar oo kooxkoox iskula socda oo cir waawayn hadhuudhkana aad u cuna. Dh: xamarre.
xurguf-ka: (magac, lab, keli) dhalin kolka ay aroosyada dhaliilaan aroosadda la baxsada oo illaa laga siiyo madaxfurasho aan sii deyn.
xurguf -ta: (magac, dhedig, keli) khilaaf hoose oo laba dhinac u dhexeeya. Xurguf baa ka jirta xadka labada dawladood. Dh: khilaaf, shaqaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgufid
(Hurgufid-da)
Habaas ama wax kale ka daadin, ka jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufid
m.f.dh eeg hurguf². la-mid: hurguf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufid
-da: (magac, dhedig, keli) boodh, habaas iyo wixii la mid ah ka daadin oo dabaysha ka raacin. Dh: hurgufis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hurgufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaruufsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Naas xoolaad cid afka ugu lisid. la-mid: qaruuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufasho
m.f.dh eeg hurgufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufasho
-da: (magac, dhedig, keli) habaaska ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaruufsiin
m.dh eeg qaruufsii. la-mid: qaruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: xuurtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax duggaal u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugsii
v.caus: make a shelter; make something weather-tight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsii
(fal) dhaxant, dabaysha, roobka iyo cadawga ka jir ama ka ilaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugsii
de: make a shelter; make s.t. weather-tight
lx: dugsii
pd: (dugsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dugsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durguf
(falkaabe) marka noole si orod iyo booddo ku jirto meel uga soo baxo. Durguf buu doofaarkii igaga soo yihi ijaarka beerta.
durguf: (tilmaame) qof waalan ama khafiifay.
durguf -ka: (magac, lab, keli) col jabay intii ka hadhay oo baydad ah ama firxad. Durgufkii ka hadhay gaaladaan doy ka ridayaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsi
duufsi: m.l la-mid: duufsasho.
dųufsi: m.l la-mid: dįifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duufsi
-ga: (magac, lab, keli) si aan daacad ahayn, dad kale wax ugu sheegid oo ku qancin.
duufsi-ga: (magac, lab, keli) siinsiga geelu siinsado isaga oo naqas weyn sanka si xoog ah uga soo tuuraya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurguf
hurguf¹: m.l Jafidda habaas, biyo iyo wixi lamida wax laga jafo. la-mid: hurgufid.
hurguf²: f.g1 (-fay, -ftay) Habaas, biyo iyo wixi lamida wax ka daadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurguf
f.g1 (-fay, -ftay) Habaas, biyo iyo wixi lamida wax ka daadin. m.f.dh, hurgufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurguf
v. shake out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurguf
-ay / tay: (v) blow or shake (dust) off or away ~ huf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurguf
(fal) wax balan kor iyo hoos u lul oo boodh iyo wax la mid ah dabaysha ka raaci; habaaska ka daadi. Gogosha iska hurguf intaanad ku seexan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurguf
de: shake out
lx: hurguf
pd: (hurgufay)
ps: v1=tr
key: hurguf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Nafley cunto uu ridmo ka goosto siin. la-mid: rudhsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudsii
(fal) sii inyar ilkaha ha ku goostee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugsii
(fal) qof kula jooga haki si uuna uga tegin cid kale oo imanaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel isugu wada keenasho. Urursi buu weli ku jiraa inlayn waa diifaysan yahay ee. Dh: urusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. la-mid: xiji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. m.f.dh, xigsiin. la-mid: xiji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruuf
m.dh.w eeg xaraf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuruuf
f. n., pl. letters of the alphabet; alphabet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuruuf
-ta: (n) [plural of xaraf] 1. letters (le-teris); character (ka-raaktar). 2. words (woordhis) ~ ereyo, kalmado
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuruuf
bw: Arabic
de: letters of the alphabet; [col] alphabet Sg: xaraf
initial: x
lx: xuruuf
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: xuruuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubsi
(Xuubsi-ga)
Xuubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubsi
m.l la-mid: xuubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xuubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursi
-ga: (magac, lab, keli) eeg burursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durugsi
(Durugsi-ga)
Durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsi
m.l la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durugsi
vl. n. expansion, moving something away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durugsi
cf: isballaadhin
de: expansion, moving s.t. away
lx: durugsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: durugsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsi
m.l la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: duudsi³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley maraq cabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuudsii
v.caus: give someone broth to sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudsii
(fal) fuud, waraabi oo raqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuudsii
de: give s.o. broth to sip
lx: fuudsii
pd: (fuudsiiyey)
ps: v2a=caus
key: fuudsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: fuuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulsii
(fal) cid kale, meel sare gaadhsii sida geed iyo gaadiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurubsi
m.l la-mid: gurubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Maro, derin iyo wixi lamida habaas, biyo iyo wixi lamida ka jafasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufo
(fal) habaaska ka qaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel hore oo bugtay caallir ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurgumi
v. infect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumi
(fal) nabar qudhmi oo ha dawayn. Dh: callaadhi, fasasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurgumi
de: infect
lx: hurgumi
pd: (hurgumiyey)
ps: v2a=tr
key: hurgumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: muursii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudsii
ditransitive v. give something to someone to suck on (as candy)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsii
(fal) si qarsoodi ah u saar; kayn jiq ah si qarsoodi ah uga dhex dusi. Marka la kala hadhgalo ciidanka muudsii. Dh: dusi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudsii
a: muursii
de: give s.t. to s.o. to suck on (as candy)
lx: muudsii
pd: (muudsiiyey)
ps: v2a=ditr
key: muudsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof afka wax u gelin si uu u muursado. la-mid: muudsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muursii
ditransitive v. give something to someone to suck; make someone suck on something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muursii
a: muudsii
de: give s.t. to s.o. to suck; make s.o. suck on s.t.
lx: muursii
pd: (muursiiyey)
ps: v2a=ditr
key: muursii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugushi
m.l Roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugushi
-ga: (magac, lab, keli) roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurunsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qudhunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarafsi
(Xarafsi-ga)
Xarafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarafsi
m.l la-mid: xarafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarafsi
-ga: (magac, lab, keli) shaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin. m.f.dh, xusuusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusi
v. remind, make someone remember
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusi
-yey / say: (v) remind (ri-maayndh); cause to remember; refresh one's memory ~ xasuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusi
(fal) qof kale wax uu illawsan yahay laabtiisa ku soo rid. Ballantii aabbo xasuusi. Dh: garansii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusi
de: remind, make s.o. remember
initial: x
lx: xusuusi
pd: (xusuusiyey)
ps: v2a=tr
key: xusuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursi
m.l la-mid: burbursasho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BURBURSI
[BURBURSI] Carphalea glaucescens 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax ergo ahaan cid u siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergeysii
v.caus: make someone an envoy; send an envoy; accept proposals ~ offers made by a delegation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeysii
(fal) qof ergo ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergeysii
de: make s.o. an envoy; send an envoy; accept proposals ~ offers made by a delegation
lx: ergeysii
pd: (ergeysiiyey)
ps: v2a=caus
key: ergeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulucsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Isha guruxeeda rogrogmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurgurid
(Gurgurid-da)
Wax meel laga qaada hayo oo meel kale la geyna hayo, oo aan isku mar la qaadin ee hadba inta in yar la qaado, loo soo noqnoqona hayo; diqdiqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurgurin
-ta: (magac, dhedig, keli) awrka marka la heeryeeyo alaab kale oo gurgur ah ku rarid. Gurgurintu waa gibilka hortii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: hurdeysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la jafay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufan
(tilmaame) gogol iyo wixii la mid ah oo la hurgufay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumid
(Hurgumid-da)
Hurgun yeelasho; caallirid; fasasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumid
m.f.dh eeg hurgun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumid
-da: (magac, dhedig, keli) hurgumo yeelasho. Dh: hurgumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumin
(Hurgumin-ta)
Caallirin; fasasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumin
m.f.dh eeg hurgumi.