xummadaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xummadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xummadi hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xummadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xummadi hayso ahaansho. m.f.dh, xummadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xummadaysan
(tilmaame) xummad badan leh; xummadi ay hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xummadaysnaan
m.f.dh eeg xummadaysan. la-mid: xummadaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xummadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, kell) wax xummadi hayso ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqmadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Hilib wax muqmad laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqmadaysan
der. [adjective] jerked, preserved (meat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqmadaysan
(tilmaame) la muqmadeeyey ah; muqmad laga dhigay ah. Dh: luqmadaysan, oodkacaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqmadaysan
de: jerked, preserved (meat) {N & W}
lx: muqmadaysan
pd: (muqmadaysnaa)
ps: adj-der
key: muqmadaysan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feverish
/fiverish/ (adj) qandhaysan, xummadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysan
(tilmaame) xad iyo astaan lagu garto leh; daari la yaqaan leh. Beer madaysan laguma durki karo. Dh: daariyaysan, xadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xad loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xad loo yeelay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaysan
(tilmaame) xad la yaqaan oon la dhaaf karin leh. Dh: xaddidan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummaasan
geed aan qodxo lahayn oo ur udgoon iyo midho aan kuwa haylka laga garan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: ru- maysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
summadayn
vl. n. branding, marking; endorsement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
summadayn
de: branding, marking; [ext.] endorsement
initial: s
lx: summadayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: summadayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xammaysan
La xammeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax aad u ordaaya ahaansho. 2. Wax aad u raran ahaansho (gaadiid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammaysan
der. [adjective] boiled, brought to a boil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammaysan
(tilmaame) cuntooyinka badh le diiday oo laga soomiyay ah. Dh: mamnuucan.
xammaysan: (tilmaame) karkarsan oo heerka ugu kulul gaadhsiisan ah. Dh: baylsan.
xammaysan: (tilmaame) kaynaansan oo xoogu or daya ah. Faras xammaysan ayaa i waydaartay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammaysan
de: boiled, brought to a boil
initial: x
lx: xammaysan
pd: (xammaysnaa)
ps: adj-der
key: xammaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurmaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xurmo leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xurmaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xurmo leh ahaansho. m.f.dh, xurmaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurmaysan
der. [adjective] respected, honored, held in high regard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurmaysan
(tilmaame) la xurmeeyey oo si wanaagsan loo karaameeyey ah. Intaan reerka la joogay nin xurmaysan ayaan ahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurmaysan
de: respected, honored, held in high regard
initial: x
lx: xurmaysan
pd: (xurmaysnaa)
ps: adj-der
key: xurmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadaysan
(tilmaame) quwaysan; xoogan; xoogaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Muunad leh ahaansho (wax). la-mid: muunaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muunadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Muunad leh ahaansho (wax). m.f.dh, muunadaysnaan. la-mid: muunaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunadaysan
der. [adjective] beautified, made beautiful, glorified; of good quality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadaysan
(tilmaame) midabaysan oo muunad qurxoon loo yeelay ah. Dhar muunadaysan waa dhar qurxoon. Dh: naqshadaysan, midabaysan.
muunadaysan: (tilmaame) sharfisan oo la qaddariyay ah. Gacal muunadaysan gob ha ahaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunadaysan
de: beautified, made beautiful, glorified; of good quality
lx: muunadaysan
pd: (muunadaysnaa)
ps: adj-der
key: muunadaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Guri iyo wixi lamida wax nuurad marsantahay ahaansho. la-mid: nuuriyadaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Guri iyo wixi lamida wax nuurad marsantahay ahaansho. m.f.dh, nuuradaysnaan. la-mid: nuuriyadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuradaysan
(tilmaame) meel nuurad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaasaysan
(tilmaame) kacsan oo xamaasadi hayso ah. Dh: xamaasadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeladaysan
(tilmaame) tabaysan; farsamaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammuuradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xammuurad la geliyey ahaansho (dhar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. la-mid: cimaamadan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. m.f.dh, cimaamadaysnaan. la-mid: cimaamadan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimaamadaysan
(tilmaame) cimaamad xiran; cimaamadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqmadaysnaan
m.f.dh eeg muqmadaysan. la-mid: muqmadaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqmadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la murmureeyey oo muqmad laga dhigay ahaan. Dh: odkacaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaasadaysan
(tilmaame) xamaasadi hayso oo aad u kacsan ah. Dh: xamaasaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmadjabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: himmajabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax summad leh aahan; calaamadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammuuradaysad
-ka: (magac, lab, keli) xammuurad marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof ballan cid la dhigtay ahaansho. la-mid: madashan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madalsan
der. [adjective] arranged, fixed (of appointment, meeting, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsan
(tilmaame) madal fiican oo la jecel yahay ah. Maqaaxidaydu waxay ku taal madalsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madalsan
de: arranged, fixed (of appointment, meeting, etc.)
lx: madalsan
pd: (madalsanaa)
ps: adj-der
key: madalsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaysan
(tilmaame) isku mid ah; siman oo waxba is dheerayn ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midaysan
-midaysnaa: (n) united (yuunaaytidh); unified (yunifaayidh) ~ mideysan, isku-duuban,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaysan
(tilmaame) isku duuban oo hal keliya ah. Li: kalategsan, kalajeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysan
Run u qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumaysan
f.g4 (-snaa, -snayd) Qof wax aaminsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rumaysan
f.g4 (-snaa, -snayd) Qof wax aaminsan ahaansho. m.f.dh, rumaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rumaysan
der. [adjective] believing, having faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumaysan
-rumaysnaa/rumaysnayd: (adj) believing (biliiv-ing) or trusting (tarasting); convinced, persuaded, trustful ~ citiqaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumaysan
(tilmaame) dhab u qirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rumaysan
a: rumeysan
de: believing, having faith
lx: rumaysan
pd: (rumaysnaa)
ps: adj-der
key: rumaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rummasan
(Rummasan-ka, Rummasan-ta)
Geed aan qodxo lahayn oo ur udgoon iyo miro aan kuwa haylka laga aqoon leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rummasan
m. n. plant species, with seeds similar to cardamom
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RUMMASAN
(Rhumusan) C,N? Loewia glutinosa Urban. Turneraceae.
C Triumfetta flavescens A.Rich. Tiliaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rummasan
de: plant sp., with seeds similar to cardamom
lx: rummasan
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: rummasan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummayan
f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Wax rummay lagu nadiifiyey ahaansho (ilko).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rummayan
der. [adjective] brushed, cleaned (of teeth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummayan
(tilmaame) rummay lagu nadiifiyay ah. Dh: cadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rummayan
de: brushed, cleaned (of teeth)
lx: rummayan
pd: (rummaynaa)
ps: adj-der
key: rummayan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ammaaradayn calaamadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sumeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sumeeyey ahaansho. m.f.dh, sumaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumaysan
der. [adjective] poisoned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumaysan
-sumaysnaa / sumaysnayd: (adj) poisoned (pooy-sinidh); poisonous (pooy-sinas); toxic (tok-sik) ~ sun leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumaysan
(tilmaame) sun lagu daray, laga dhigay. sun la siiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumaysan
de: poisoned
initial: s
lx: sumaysan
pd: (sumaysnaa)
ps: adj-der
key: sumaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xadeysan
Xad loo yeelay; la xadeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xądeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xad loo yeelay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadeysan
der. [adjective] limited
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xadeysan
-xadeysnaa / xadeysnayd: (adj) restricted (ris-tiriktidh) definite (dhe-fenit)-, limited (limitidh) ~ xaddidan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadeysan
(tilmaame) xad lagu yaqaan leh; wax la xadeeyey ah. Dh: madaysan, daariyaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadeysan
de: limited
initial: x
lx: xadeysan
pd: (xadeysnaa)
ps: adj-der
key: xadeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaysan
(tilmaame) xamaasad badani hayso o niyad u halgama ah. Dh: xamaasadaysan.
xamaysan: (tilmaame) xanuunka xamada qaba ah. xambaar: (fal) ilmo ama wax kale dhabarka ku qaad. Xambaar ilmaha yar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaraysan
-xaraysnaa / xaraysnayd: (adj) corralled (ko-raalidh)-, penned up; impounded (im-paawndhidhy driven into and held in a fence ~ xeraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasaysan
Meel xas ah la geliyey, lagu qariyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xaseeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasaysan
der. [adjective] hidden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasaysan
-xasaysnaa / xasaysnayd: (adj) buried (beeridh); concealed (kon-siilidh); hidden (hi-dhen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaysan
(tilmaame) qarsoon oon la arkayn ah. Lacag meel ku xasaysan ayaan helay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasaysan
de: hidden
initial: x
lx: xasaysan
pd: (xasaysnaa)
ps: adj-der
key: xasaysan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xujaysan
der. [adjective] put to the test, put on trial usually for the purpose of being found wanting ~ guilty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujaysan
(tilmaame) la xujeeyey ah. Ninku wu xujaysan yahaye garab siiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xujaysan
de: put to the test, put on trial usually for the purpose of being found wanting ~ guilty
initial: x
lx: xujaysan
pd: (xujaysnaa)
ps: adj-der
key: xujaysan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdaysan
-aa: (adj) sleepy (isliipi); dozy (dhowsi); drowsy (dharawsi) ~ lulmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdaysan
(tilmaame) qof lulaysan; qof hurdo hayso,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulmaysan
-lulmaysnaa: (adj) sleepy (isliipi); dozy (dowsi), drowsy (darawsi); sluggish (islaagish)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaraysan
der. [adjective] rusted, oxidized
maaraysan [derived] [adjective] managed, directed, arranged
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaraysan
-maaraysnaa: (adj) 1. rusted (raastidh); corroded (ko-rowdhidh). 2. under control; managed (manajidh)-, supervised (supar-vaayzidh) controlled (kon-taroolidh)-, guided (gaaydhidh)-, conducted (kon-dhaktidh)