xumbuse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbuse
m.l Nooc cawska ka mid ah oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambus
m.l.u Jajab qoryo ama saalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xambus
m. n. twigs, pieces of dry brushwood, kindling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambus
-ka: (magac, lab, keli) jajab geedo, caleen iyo xashiish ah oo dabka lagu huriyo. Dh: xanan, jajabood, xanbus, xansas. Li: xulad.
xambus -ka: (magac, lab, keli) geedo yaryar oo lagu xajiimoobo. Xambus gogol lagama dhigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xambus
a: xanbus
de: twigs, pieces of dry brushwood, kindling
initial: x
lx: xambus
pd: (-ka)
ps: n-m
key: xambus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) Xumbo yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xumbee
v. foam up, cause to froth, make bubble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xumbee
-yey / xumbeysay: (v) produce foam or froth (farooth); effervesce (efer-vas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumbee
(fal) xumbo keen; xoor samee. Afka ka xumbee. Dh: xoori.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xumbee
de: foam up, cause to froth, make bubble
initial: x
lx: xumbee
pd: (xumbeeyey)
ps: v2b=tr
key: xumbee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cambuse
cambuse, n.f. - Qolka markabka wax loogu kariyo; Kijinka markabka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbulle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar carruureed tiro lagu ciyaaro. Wa: kumbulooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sambuuse
m.l la-mid: sambuusi.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XUMBAAWE
(Humbao) S Commiphora sennii Chiov. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumbaysi
-ga: (magac, lab, keli) xoor yeelash xumbo samayn. Darandoorrigu xumbaysiga w badiyaa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
buse
buse, n.f. - Qof doqon ah ama maskax xun.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muse
/myuus/ (v) fakar xeel dheer oo qofka maskaxdiisu ku baxdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xume
-ha: (magac, lab, keli) wax la ogyahay inuuna fiicnayn. Xumaha iska daa oo wanaagga ka shaqee. Dh: xumo.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
abuse
(v) (m) to use wrongly or improperly; misuse of substance, e.g. alcohol, medicine, or drugs.
daroogo qaadasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abuse
/abyuus/abuses, abusing, abused; (n) 1. caay ama aflagaado. e.g. She abuses her children. (v) 2. gof inaad ku xad gudubtid. e.g. The patients were physically abused. (n) 3. wax aad si khalad ah u isticmaashid. e.g. Drug abuse is increasing in North America.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abuse
/abyuus/ (v) 1. aayow. 2. goldhowow. 3. wal sy gef eh lyng etheegsythy, had-guthub, had-dhaaf. Abuse of power or drugs.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abuse
n., (an affront) cay, -di, waxyeelo, -adi; (bad custom) xil, -ki.
abuse: v.tr., cay; v.c., caysi, xil.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amuse
/amyuus/amuses, amusing, amused; (v) madadaalin, ka farxin ama maaweelin. e.g. He amused the children by telling them funny stories.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amuse
/amyuus/ (v) koothiyow, baashaaliyow, dhedheeliyow. The old man amused the children.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amuse
v.tr., (divert) cayaarsii, jalbeebi; v.., cayaar, jalbeebo, -ebta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Humus
Huyuumas
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Humus
Huyuumas
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humus
/hyuumas/ (n) carro bacrin-ah (dhul nafaqaysan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
imbue
/imbyuu/imbues, imbuing, imbued; (v) ka dherjin ama ka buuxin, fikrad ama dareen gaar ah. e.g. Politicians are imbued with a sense of their own importance.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumus
m.l (-syo, m.dh) Hilib gumaarka fuula oo ay haweenka qaarkood leeyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kumus
m.l (-syo, m.dh) Hilib gumaarka fuula oo ay haweenka qaarkood leeyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kumus
m. n. mons veneris (adipose part of the abdomen between the navel and pubis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumus
-ka: (magac, lab, keli) cadka xaydha ah ee xundhurta hoosteeda ka baxa. Dh: xalus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kumus
de: mons veneris (adipose part of the abdomen between the navel and pubis)
lx: kumus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kumus
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mouse
/maws/mice;(n) jiir (doolli).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mouse
n., jiir yar, -ki, -a; a small mouse, bara duub leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Muuse
name: Moses
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muuse
name-m drawing out, extracting from water; Moses, prophet in the Holy Qur'an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Muuse
de: Moses
lx: Muuse
ps: name-m
key: Muuse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Geedka naarjiinka. 2. Miraha geedka naarjiinka. 3. Xasdharaad yaryar oo dhiigga xoolaha ka nuuga. 4. (-bayaal, m.l./dh) Weel harag ka samaysan oo subagga lagu shubto. la-mid: qunbe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Geedka naarjiinka. 2. Miraha geedka naarjiinka. 3. Xasdharaad yaryar oo dhiigga xoolaha ka nuuga. 4. (-bayaal, m.l./dh) Weel harag ka samaysan oo subagga lagu shubto. la-mid: qunbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumbe
m. n. coconut (fruit)
qumbe m. n. vessel for holding ghee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUMBE
(Gumbe) S Cocos nucifera L. Palmae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumbe
-qumbaha:(n) 1. coconut (ko-ko-net)-, coco palm tree or fruit of the coconut palm ~ qunbe. 2. container for storing ghee (gii) [semifluid butter] ~ qune, tabbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qumbe
جَوْزَةُ الْهِنْدِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuse
m.l (-sayaal, m.l/dh) Qof biyaha inta quusa muddo badan ku jiri kara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuse
m. n. diver, frogman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quuse
-quusaha: (n) diver (dhaay-ver) ~ tiinbade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuse
-ha: (magac, lab, keli) qof biyaha intuu dhex muquurto muddo badan ku jiri kara
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuse
de: diver, frogman
lx: quuse
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: quuse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuuse
class, vl. pron., [conjunction] but he ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuuse
de: but he ...
initial: w
lx: wuuse
ps: class + vpro + conj
key: wuuse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulus
m.l la-mid: xalus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulus
-ka: (magac, lab, keli) cad buuran oo xaydh ah oo ay dadka shilisi gaar ahaan haweenku. xundhurta hoosteeda ku yeeshaan. Dh: xalus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbo
m.dh Xoor; abur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xumbo
m.dh Xoor; abur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xumbo
f. n., [collective] foam, froth, bubbles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xumbo
-da I xumbada: (n) foam (foom); lather (laa-thar); bubbles (ba-balis); froth ~ xunbo, xoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumbo
-da: (magac, dhedig, keli) xoorka cade saabuunta, caanaha, daadka iyo wax la mid ah ay sameeyaan. Nin daad qaaday xumbo cuskay. Dh: abur, xoor. Wa: xumbooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xumbo
a: xunbo
de: foam, froth, bubbles
initial: x
lx: xumbo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xumbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid xumo ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid xumo ku samayn. m.f.dh, xumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xumee
v. do harm to, spoil, ruin, make worse; wrong someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xumee
-yey I xumeysay: (v) treat rudely; make unwelcome; hurt someone's feelings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumee
(fal) wax xun ku samee: si xunu dhaqan. Li: wanaaji, fiicnee.
xumee: (fal) aalad lagu shaqaynayo caddil oo war cilladaysan ka dhig. Dh: cilladee, kharrib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xumee
de: do harm to, spoil, ruin, make worse; wrong s.o.
initial: x
lx: xumee
pd: (xumeeyey)
ps: v2b=tr
key: xumee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ambush
/aambush/ambushes; ambushing, ambushed; (v) gaadid, (weerar kadis ah ama dhabar jabin). e.g. The enemy was successfully ambushed and defeated.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Ambush
Gaadmo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ambush
/aambush/ (v) (n) geethow, kethis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bumble
/bambal/ (v) nac-nacleyn (si hantaatac ah u hadlid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Busbus
(Busbus-ka)
Cudur dadka ku dhaca oo oogada nabarro yaryar oo badani ka soo yaacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
busbus
m.l (daawo) Cudur dadka ku dhaca oo oogada nabarro badan oo yaryari ka soo yaacaan qandhana leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
busbus
m.l (daaw.) Cudur dadka ku dhaca oo oogada nabarro badan oo yaryari ka soo yaacaan qandhana leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
busbus
m. n., [collective] chicken pox; rash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
busbus
-ka: (n) chicken pox (jikin pokis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busbus
-ka: (magac, lab, keli) xanuun dadka ku dhaca oo jirka finaan badani ka soo baxaan. Busbus ku dhacay habaday: Dh: habloba'as.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
busbus
de: chicken pox; rash
lx: busbus
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: busbus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambus
cambus¹: m.l la-mid: cambusid.
cambus²: f.g1 (-say, -stay) Wax si aan nadaamsaneyn u laalaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambus
v. crumple, rumple, crease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambus
(fal) canyayuubi; jactad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambus
de: crumple, rumple, crease
lx: cambus
pd: (cambusay)
ps: v1=tr
key: cambus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumbul
m.dh Baali; areebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumbuq
m.l la-mid: buntuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumbuq
-a: (magac, lab, keli) qori fudud oo hubka lagu dagaallamo ka mid ah. Dh: bunduq.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fumble
/fambel/ (v) 1. faanbiyid, baarid, siiba si-sirgaxan ama farafarayn ah. (v) 2. si-xun u qabasho, ama ridid. e.g. He fumbled and dropped the ball.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumbur
m.l/dh (-ro, m.l) Buur yar; kur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumbur
f. n. low isolated hill, small hill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumbur
-ta: (magac, dhedig, keli) meel yar oo dhuka ka korraysa oo buurna ka hoosaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumbur
a: gunbur
de: low isolated hill, small hill
lx: gumbur
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: gumbur
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humble
/hambal/ (adj) 1. aan kibir badnayn (isla-weyni aan aqoon). (adj) 2. liidata, xun, hooseeya. e.g. a humble job.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humble
humble, adj. - dulli ah; iska yara hooseeya (qof).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
humble
a., aamusan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humbug
/hambag/ (n) macna-darro.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
humbug
n., (sham) qalaalif, -ti; v.tr., qalaalif ka shub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbul
humbul¹: m.l (-llo, m.dh) 1. (u) Geed isku cufan oo hoos wanaagsan iyo miro macaan iyo wixi lamida. 2. H. ah: wax isku cufan.
humbul²: f.g1 (-ulay, -ushay) Wax, wax ku hilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humbul
m. n. round ~ rounded object; something filled out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbul
(fal) qaab hilan oo kuusan u samee.
humbul -ka: (magac, lab, keli) wax qaab ama muuqaal buuxa leh oo hilan. Dh: matatuul
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humbul
de: round ~ rounded object; s.t. filled out
lx: humbul
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: hunbul
key: humbul
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jumble
/jambal/ (v) isku qasid (isku dhex khaldid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jumbur
m.l.kh J. ah: qof ama xoolo bar yar.