xulquun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulquun
m.l la-mid: xurquun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulquun
-ka: (magacwadareed) noole fara badan. Dixda maanta xulquun badan ayaa ka cabbayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xurquun
(Xurquun-ka)
Wax la cuno; dhuuni; dheef; quud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurquun
m.l Gasiin. la-mid: xulquun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurquun
m. n., [collective] food, nourishment
xurquun v. starve, need nourishment badly, be famished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurquun
-ka: (magac, lab, keli) wixii quud lacu oo dhan. Dadku waxay xurquun ka dhigar hadhuudh iyo arabikhi. Dh: urquun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uquun
-ka: (magac, lab, kali) wax la cuno. Uquunkii buu iga hor joogsaday. Dh: urquun, quud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culuun
m.dh 1. la-mid: cilmi. 2. w. cilmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culuun
f. n., pl. subjects; sciences
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culuun
-ta: (n) science (saaynis); natural science; scientific knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culuun
-ta: (magacwadareed) aqoonta guud ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culuun
de: subjects; sciences
lx: culuun
pd: (-ta Sg: cilmi (ga))
ps: n8-f-pl
key: culuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluul
(Xuluu-sha)
1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro.
2. Xuluulasho; dhexgal; huluulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluul
m.dh 1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro. 2. la-mid: huluul, xaluul. (-llo, m.l./dh) Xuluulasho; dhexgal; huluulad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuluul
f. n. grass species
xuluul [feminine] n. narrow passage ~ place, tight squeeze, squeezing through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluul
-ka: (magac, lab, keli) dhexgal gudaha la tego. Xuluul badan iska jir.
xuluul-sha: (magac, dhedig, keli) tigaad geedaha hoostooda ku hadha oo jiilaalkii xoolaha loo guro. Lo'da irmaanka ah xuluul u soo gur.
xuluul-sha: (magacwadareed) talooyn iyo dawyo kala duwan oo mushkilo xal u noqda. Odayadii xuluul badan ayay keeneen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuquuq
m.dh.w eeg xaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuquuq
f. n., pl. legal rights; sovereignty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuquuq
-da: (n) [plural of xaq] rights (raaytis). Ex: xuquudda iyo waajibaadka; rights and responsibilities [duties]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuquuq
-da: (magac, dhedig, keli) xaqa uu qofku leeyahay oo dhan. Xuquuqdaada raadso waajibkaagana ka soo bax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuquuq
bw: Arabic
de: legal rights; [ext.] sovereignty Sg: xaq
initial: x
lx: xuquuq
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: xuquuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuruun
(Xuruun-ka)
Guux xabeeb leh oo nafleyda qaarkeed soo saarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruun
xuruun¹: m.l la-mid: xaruun¹.
xuruun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) la-mid: xaruun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuruun
m. n. growl, snarl, grunt
xuruun v. growl, snarl, grunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuruun
(fal) cod xuruun ah laabta ka soo saar. Sidii nin xabeebsan u xuruun. Dh: xuuxee.
xuruun: (tilmaame) aad u cad.
xuruun -ka: (magac, lab, keli) cod guux iyo xabeeb leh oo qaar ka mid ah nafleydu ay samayso oo laabta ka soo baxa. Xuruun baa kasoo baxa wiilka maalmahan. Dh: guux.
xuruun -ka: (magac, lab, keli) geed xeebta ka baxa oo geelu cuno. Dh: xadhuun, xudhuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xudhuun
-ka: (magac, lab, keli) geed xeebeed weligii cagaaran oo calenta jaadka tu u eg bixiya oo geelu jecel yahay. Geelu wuxu daaqayaa xudhuunka dhexdiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurquun_1
cf: dheef, dhuuni, quud
de: food, nourishment
hm: 1
initial: x
lx: xurquun
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: xurquun_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurquun_2
de: starve, need nourishment badly, be famished
hm: 2
initial: x
lx: xurquun
pd: (xurquumay)
ps: v1=intr
key: xurquun_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqulin
m.f.dh eeg qulquli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluulin
(Xuluulin-ta)
Meel ciriiri ah dhex xulin, dhex gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluulin
m.f.dh eeg xuluuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah horay u dhexgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luun
(Luun-ka)
Qolfo iyo xayaabo layiig ah oo qofka aad u harraada ama qabatooma afkiisu yeesho; jiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luun
luun¹: m.l (-uumo, m.l) 1. Dhudda uu ku taaganyahay geed meseggo ama gallay. 2. Qolof iyo xayaabo layiig ah oo qof aad u harraaday faruuryihiisi yeeshaan; jiil. 3. Hammuun, qadsanaar.
luun²: m.dh Tib xoog leh oo sabuulka meseggada lagu shukulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luun
m.l (-uumo, m.l) 1. Dhudda uu ku taaganyahay geed meseggo ama gallay. 2. Qolof iyo xayaabo layiig ah oo qof aad u harraaday faruuryihiisi yeeshaan; jiil. 3. Hammuun, qadsanaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luun
m. n. cracking of the lips from thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luun
-ka: (magac, lab, keli) dhegdhegga xayaabo layiig ah iyo qolfo afka ku samaysma marka qofka gaajo ama harraad badani hayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luun
de: cracking of the lips from thirst
lx: luun
pd: (-ka)
ps: n-m
key: luun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuun
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan qudhaanta u eg aadna uga weyn oo qaniinyo kulul oo cuf dhoobo ah geedaha iyo gidaarrada ku samaysta. Xuun ayaa i ganinay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aluun
-ka: (magac, lab, keli) god dheer oo qarandi qodday. Aluun buu ku dhacay odaygii. Dh: hog, dalluun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluu
-ga: (magac, lab, keli) midab lafta cirka oo kale ah. Shaadh buluu ah buu xidhanyahay. Dh: lafcir, buluug, ciraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqun
-ka: (magac, lab, keli) eeg boqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulun
dulun¹: m.l la-mid: dulmi¹.
dulun²: f.g1 (-lmay, -lantay; -lmi) la-mid: dulmi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulun
m. n. cheating, swindling, injustice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulun
-ka: (n) injustice (injastis); oppression (o-pareeshan) ~ dulmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulun
-ka: (magac, lab, keli) xadgudub iyo caddaalad la'aan. Dh: dulmi, dulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulun
a: dulmi
bw: sp: dulum
de: cheating, swindling, injustice
lx: dulun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dulun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqun
(Luqun-ta)
Oogada, xubinta u dhexaysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor; marmar; tun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqun
m.dh (-umo/-qmo, m.l) Oogada nafleyda, inta u dhexeysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luqun
m.dh (-umo/-qmo, m.l) Oogada nafleyda, inta u dhexeysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqun
f. n. neck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luqun
-ta: (n) neck (neek) ~ qoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqun
-ta: (magac, dhedig, keli) inta madaxa iyo garbaha u dhexaysa. Dh: sur, qoor, marmar, tun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqun
bw: tun
de: neck
lx: luqun
pd: (-ta Pl: luqumo ~ luqmo (/ha))
ps: n1-f, n3-f
syn: qoor ~ qoodh, sur
key: luqun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uluuf
-ta: (magacwadareed) wax badan oo kumanyaal ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unuun
(Unuun-ka)
1. Madax; kur.
2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta kasii xaraar oo laysku daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuun
m.l 1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unuun
m. n. head (including the neck)
unuun m. n. plant species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UNUUN
(Unoon) S, May Citrullus lanatus (Thunb.) Matsum & Nakai Cucurbitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
unuun
-ka: (n) head (heed) ~ kur, madax. Ex: laba nin baa Sacuudiga unuunka looga gooyey; two men were beheaded in Saudi Arabia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuun
-ka: (magac, lab, keli) geed u eg qaraha kase yar oo sidiisa u faalala oo qadhaad. Waa geed nagaadh wax lagu daweeyo. Dh: qaraddameeraad.
unuun -ka: (magac, lab, keli) jidhka inta ugu sarraysa ee ay dareemayaasha intooda badani ku yaalliin. Dh: madax, kur.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xudun
Core
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xugun
m.l la-mid: xukun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xugun
-ka: (magac, lab, keli) xawo ama shahwad. Ilaahay xugun buu iga abuuray, aabbahay na xeer buu ii dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xukun
(Xukun-ka)
Talis; guddoon; (ama xugun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xukun
xukun¹: m.l 1. Talis, guddoon. 2. la-mid: xugmi. Go'aan maxkamadeed.
3. la-mid: xakaamad, xukuumad. Dowlad; dawlo. la-mid: xugun.
xukun²: f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Wax maamulid. 2. Cid go'aan maxkamadeed ku qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xukun
xukun¹: m.l 1. Talis, guddoon. 2. la-mid: xugmi. Go'aan maxkamadeed. 3. la-mid: xakaamad, xukuumad. Dowlad; dawlo. la-mid: xugun.
xukun²: f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Wax maamulid. 2. Cid go'aan maxkamadeed ku qaadid. m.f.dh, xukumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xukun
pr. n., [feminine] Hukun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xukun
m. n. rule, command, decree; justice, verdict, sentence, judgement
xukun v. command, govern, rule; pass judgement, impose a sentence
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xukun
nickname; name-unisex rule, command; verdict, judgement. Lit: he/she who rules
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xukun
-ka: (n) the act of governing (ga-vening) or controlling; government (gaver-ment); governance (gave-nansi); rule. (ruul); command (ko-maand); verdict (veer-dhikt)-, sentence (sen-tanis)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xukun
Governare; condannare
To govern; to condemn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukun
(fal) go'aan dad aad ku kala saarayso soo saar. Dadka kala xukun. Dh: xugmi.
xukun: (fal) maamul oo hoggaanka hay. Dalkaaga caddaalad ku xukun. Dh: maamul.
xukun-ka: (magac, lab, keli) hoggaanka ummad looga taliyo laftiisa. Dh: guddoon, talis.
xukun-ka: (magac, lab, keli) go'aan maxkamad ama guddi garsoor uu gaadho. Dh: go'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax xul lagu sameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax xul lagu sameeyey ahaansho. m.f.dh, xulnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xulan
der. [adjective] selected, chosen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulan
(tilmaame) la soo xulay oo miidh ah. Rag xulan ayaa meesha hoganaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xulan
de: selected, chosen
initial: x
lx: xulan
pd: (xulnaa)
ps: adj-der
key: xulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulin
m.f.dh eeg xuli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluf
m.l Digirta baalkeeda kore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulus
m.l la-mid: xalus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulus
-ka: (magac, lab, keli) cad buuran oo xaydh ah oo ay dadka shilisi gaar ahaan haweenku. xundhurta hoosteeda ku yeeshaan. Dh: xalus.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ALBUUN
(Album) S Jatropha trifida Chiov. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buluug
*(Buluug-ga)
Wax midabka cirka leh; lafcir; beymadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluug
m.l 1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buluug
m.l 1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buluug
m. n., [abstract] blue cubes for washing clothes; blue (color)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buluug
-ga: (n) blue (buluu)-, navy blue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluug
-ga: (magac, lab, keli) sibaaq budo ah ama iskujir milmi og oo loo adeegsado midabaynta dharka cadcad marka la rabo in buluu laga dhigo midabkiisa. Qamiiska aabbo waxaan geliyey buluu. Dh: sibaaq, buluug.
buluug -ga: (magac, lab, keli) midab ka mid ah kuwa waaweyn ka mid ah, oo u eg cirka badina ka sii modow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buluug
de: blue cubes for washing clothes; [ext.] blue (color) {Eng}
lx: buluug
pd: (-ga)
ps: n2-m-abs
key: buluug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buquul
m.l la-mid: baqal¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buquul
f. n., pl. mules
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buquul
de: mules Sg: baqal
lx: buquul
pd: (/sha)
ps: n8-f-pl
key: buquul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquul
(Cuquu-sha)
Cuquule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquul
m.dh.w eeg caqli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuquul
f. n., pl. elders, wise men
cuquul [feminine] n., pl. types of intelligence, kinds of wisdom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuquul
-cuquusha: (n) 1. influential members of a family, tribe, or community ~ caaqil 2. [plural of caqli-ga] intellects (intal-lektis) ~ maskax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquul
-sha: (magac, dhedig, keli) wax yar oo dhabiilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daluun
-ta: (magac, dhedig, keli) god ama meel kale oo hoos u dheer oo halis ah. Dh: dalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqan
dulqan¹: m.l la-mid: dalqan¹.
dulqan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dalqan².