ereyga

xugufxuguf

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xugufxuguf

DHAN

(ereycodeed) codka uu sameeyo wax wareegaya sida marawaxadda ama dhagax la tuurtuurayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xufxuf

DHAABAN

(ereycodeed) erey lagu cabbiro codka dhagax badan oo xoog loo tuurtuurayo, ul la xurbinayo, socod degdeg ah oo kolba dhinac loo socsocdo iyo wixii la mid ah. Maxaad xufxufta la haysaa naga fadhiiso. Dh: xugufxuguf, xuufxuuf, xuf.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buufbuuf

DHAFANDHAAF

m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

buufbuuf

DHAFANDHAAF

m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Luufluuf

DHAFANDHAAF
1

(Luufluuf-ka)

2

Wax hoog ku dhacay oo kala lunlumay; baabba'; le'ad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

luufluuf

DHAFANDHAAF
1

luufluuf¹: m.l.u Wax ka soo hara wax dhammaaday ama kala jajabay.

2

luufluuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Weel iyo wixi lamida dildillaacid. 2. Wax baabi'id.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

luufluuf

DHAFANDHAAF

m.l.u Wax ka soo hara wax dhammaaday ama kala jajabay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

luufluuf

DHAFANDHAAF
1

m. n. collection of fragments ~ pieces; unstable person

2

luufluuf v. be smashed to bits, disintegrate

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

luufluuf

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hoog iyo habqan. Dh: baaba', le'ad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buguxbugux

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) orod si kala daadsan oo qaab daran loo ordo. Buguxbugux bahal adhi kama reebto.

waa la naqliyay ✓