xufnugayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xufnugayl
-ka: (magac, lab, keli) naaxi ogid; degdeg u naaxa. Dh: xayeesh. Li: soorgad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xufnugeyl
(Xufnugeyl-ka)
Xoolaha inta nugul oo tabarta yar; (ama xugnugeyl).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xufnugeyl
m.l.kh X. ah: xoolaha intooda tabarta yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xufnugeyl
m. n., [collective] livestock not strong enough to travel far
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xufnugeyl
a: xugnugeyl
de: livestock not strong enough to travel far
initial: x
lx: xufnugeyl
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: xufnugeyl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xugnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha intooda aad u jilicsan. Dh: xayeesh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afnugayl
-ka: (magac, lab, keli) si aan wax laga. fiirsan u hadalid. Afnugaylku waa dhaqan aan qof weyn ku fiicnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xugnugeyl
(Xugnugeyl-ka)
Xufnugeyl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xugnugeyl
m. n., [collective] weak livestock
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xugnugeyl
de: weak livestock
initial: x
lx: xugnugeyl
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: xufnugeyl
key: xugnugeyl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugayl
m.l Adkasyandarro, jileec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugayl
-ka: (magac, lab, keli) jilayc aan awood badan lahayn.
nugayl -ka: (magac, lab, keli) qalbi jilayc iyo caadifo xoog ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilnugayl
-ka: (magac, lab, keli) qof aan dhiirranayn oo khajilaad leh.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birnugayl
Wixii bir jilicsan kasoo jeeda sida jaandiga, maarta, rasaasta iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo khajilaad keenta in qofku dadka hortiisa ku hadli karin. Dh: khajil, xishood, maag. Li: il'adki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo khajilaad aan dadka hortooda lagu hadli karin. Dh: habnugayl, ilnugayl, shirkanax.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalnugayl
-ka: (n) softheartedness; tenderheartedness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nugnugeyl
(Nugnugeyl-ka)
Aan dhibta dul u yeelan karin; aan adkaysi lahayn; jiljilicsan; caycay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nugnugeyl
m. n., [abstract] extreme softness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nugnugeyl
de: extreme softness
lx: nugnugeyl
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: nugnugeyl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasnugayl
-ka: (magac, lab, keli) daal ka dhasha da'weynaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugayl
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo habnuglaada. Dh: beerjileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolnugayl
m.l 1. Cabsi badi qof leeyahay. 2. Xishood badi qof leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geednugayl
-ka: (magac, lab, keli) geedo yaryar oo aan aad u dhaadheerayn sida quwaaxa. Dh: geedquwaax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
frugal
/fruugal/ (adj) dhaqaala-badan, beekhaamin-badan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
frugal
frugal, adj. - cuno yar; wax yar
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
frugal
a., ciir yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungay
(fal) hungo madhan ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugaal
nugaal¹: m.l Midab madow oo lo'da u gaar ah.
nugaal²: m.dh Dhul ciid jilacsan oo boor leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nugaal
m.dh Dhul ciid jilacsan oo boor leh. nugayl m.l Adkasyandarro, jileec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nugaal
pr. n., loc. Nugaal [region in north central Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nugaal
de: Nugaal [region in north central Somalia]
lx: Nugaal
ps: n0-loc
key: Nugaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nugeyl
(Nugeyl-ka)
Adkaysandarro; jileec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nugeyl
m. n., [abstract] softness, tenderness; docility; weakness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nugeyl
-ka: (n) 1. sensitivity (san sa tiviti); susceptibility (sa-sap tibiliti)-, —u nugul: (adj) sensitive (san sa tiv)-, susceptible (sa-sap tibalf, thin-skinned. Ex: qabawga u nugul; susceptible to colds -aanad'adkayn, ujiljilicsan, 2.disposition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugeyl
-ka: (magac, lab, keli) eeg nugayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nugeyl
de: softness, tenderness; docility; weakness
lx: nugeyl
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
syn: jileec; rw: nugul
key: nugeyl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugay
(fal) suugo ku dar, sanuunaday.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
unnuga
(pronoun) us (aas); we (wii) ~ annaga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xangay
-da: (magac, dhedig, keli) geed dagaaga oo buuraha iyo geedaha dhexdooda ka baxa oo barwaaqadana fadhaq curub ah bixiya oo curubkiisa iyo diirkiisaba la cuno daayeerkuna aad u jecel yahay. Dh: xangey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubnay
(fal) xubno u qaybi; xubin xubin u jebi. Neefka hilibkiisa xubnay: Dh: xubnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbay
(fal) xumbo samee. U xunbay sida awrta. Dh: xumbee, xunbee, xoori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hungo madhan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suugo ku darid: suugays; sanuunadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugays
-ka: (magac, lab, keli) suugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xubnayn
(Xubnayn-ta)
Xubno u qaybin, ka dhigid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubnayn
m.f.dh eeg xubnee.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xubnayn
Resolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xubno u qaybin xubin xubin u jarid. Dh: xubnaxubnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubnays
-ka: (magac, lab, keli) xubno u qaybin; xubin xubin u jarid. Dh: xubnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunbayn
(Xunbayn-ta)
Xunbo yeelasho, soo saarid; xoorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xunbo yeelasho. Saabuuntu xunbaynta ayay wax ku maydhaa. Dh: xoorin, xunbays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbays
-ka: (magac, lab, keli) abur ama xoor samayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugbugay
(fal) caano dhay ah iyo kuwo dhanaan isku darso oo buqbugo ka yeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugnugad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq ay ilkuhu sameeyaan kolka ay dhacayaan ama jugi gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalnugeyl
(Kalnugeyl-ka)
Kasha ka jilicsan, ka nugul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalnugeyl
m.l 1. Niyad dabacsanaan raxmadi ku jirto. 2. Fuleynimo. 3. Adkaysi yari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalnugeyl
m.l 1. Niyad dabacsanaan raxmadi ku jirto. 2. Fuleynimo. 3. Adkaysi yari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalnugeyl
m. n., [compound] fondness, vain desire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalnugeyl
-ka: (magac, lab, keli) habnugaylka iyo dabacsanida. Dh: kalnugul.
kalnugeyl-ka: (magac, lab, keli) fuleynimo.
kalnugeyl -ka: (magac, lab, keli) adkaysi yari iyo dulqaad xumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalnugeyl
de: fondness, vain desire
lx: kalnugeyl
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kalnugeyl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarnugeyl
m.l Nafley dheddig oo abaahida ama galmada horeba ku rinta; tiblabood. la-mid: qarnugul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarnugeyl
-ka: (magac, lab, keli) nafley dhedig oo abaahida ama galmada horeba ku rinta; tiblabood.