xuddumin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuddumin
m.f.dh eeg xuddumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuddumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ku x.: neef xoolo ah ilmo dhashay siin. 2. Ka x.: haweeney foolanaysa ka dhalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuddumi
v. give a newborn child livestock as his possession
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuddumi
de: give a newborn child livestock as his possession
initial: x
lx: xuddumi
pd: (xuddumiyey)
ps: v2a=tr
key: xuddumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuddumid
(Xuddumid-da)
(ilmo dhashay) xoolo xuddun ah siin; xuddunxirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuddumid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo dhashay neef xuddunta u duldhigid oo siin; neef ugu xuddun xidhid. Dh: xuddunxidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuddum
(fal) ilmo dhashay u xuddun xidh. Wilka qaalinta ugu xuddum.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuddun
(Xuddun-ta)
1. Godka yarka ah oo caloosha bartankeeda ku yaal.
2. Hab waalidku carruurtiisa wax xoolo ah, u siiyo (ilmaha dhashay xuddunta laga gooyo baa neefka la siinayo loogu xiraa; xuddunxir).
3. Xanuun qabatin leh (ama xundhur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuddun
xuddun¹: m.dh (-umo, m.l) 1. Godka yarka ah oo caloosha bartankeeda ku yaal. 2. Hab waalidku carruurtiisa wax xoolo ah, u siiyo (ilmaha dhashay xuddunta laga gooyo baa neefka la siinayo loogu xiraa; xuddunxir).
xuddun²: m.dh (jooloji) Badhtamaha dhulka ee ka hooseeya carro-jiifka dhulka, hexroorkiisuna yahay 6900 oo mitir, oo leh cufnaan sare, kana kooban nikal iyo xadiid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuddun
xuddun¹: m.dh (-umo, m.l) 1. Godka yarka ah oo caloosha bartankeeda ku yaal. 2. Hab waalidku carruurtiisa wax xoolo ah, u siiyo (ilmaha dhashay xuddunta laga gooyo baa neefka la siinayo loogu xiraa; xuddunxir).
xuddun²: m.dh (jool.) Badhtamaha dhulka ee ka hooseeya carro-jiifka dhulka, hexroorkiisuna yahay 6900 oo mitir, oo leh cufnaan sare, kana kooban nikal iyo xadiid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xuddun
Centre
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xuddun
Center (Centre)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuddun
f. n. navel, umbilical cord; center {geometry}
xuddun [feminine] n., [collective] livestock gifted to a newborn child
xuddun v. give livestock to a newborn child, to become his property
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuddun
-ta: (n) 1. umbilical cord (ambili-kal koodh); navel (neey-val); umbilicus (ambili-kas) ~ xuddunta caloosha ~ xundhur. 2. central point
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuddun
-ta: (magac, dhedig, keli) meesha mandheerta hooyadu kaga tiillay ilmaha ee caloosha badhtankeeda ah. Xuddunta madheerta ayaa laga jaraa. Dh: xundhur, xundub.
xuddun-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun qabatin leh oo kolkol qofka leh ku kaca oo calooshu aad u xanuunto. Dh: xundhur.
xuddun-ta: (magac, dhedig, keli) xuddunxidh.
xuddun-ta: (magac, dhedig, keli) bar badhtameedka goobada.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xuddun
مَأْنَةٍ وَسُرَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhudhumin
(Dhudhumin-ta)
Inta dhudhun oo wax dhererki yahay hubin, tirin, qiyaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhumin
m.f.dh eeg dhudhumi. la-mid: dhudhumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhudhumin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhundhunka ku cabbirid; inta xusul ee uu yahay eegid. Dh: xuslin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoomin
(Guddoomin-ta)
1. Guddoon ridid.
2. Guddi madax u noqosho, u talin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoomin
m.f.dh eeg guddoomi. la-mid: guddoomis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddoomin
-ta: (magac, dhedig, keli) maamulid iyo maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuddunxir
xuddunxir¹: m.l Xoolo la siiyo ilmo markaa dhashay.
xuddunxir²: f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo markaa dhashay xoolo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuddunxir
-ka: (magac, lab, keli) in yar oo xuddunta ilmaha dhasha ah oo neef dabada lagaga xidho dabadeed neefkaa ilmuhu yeesho. Dh: xuddunxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumin
(Dumin-ta)
Wax dhisan (aqal, kd.) oo la jebsho, la soo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumin
m.f.dh eeg dumi. la-mid: dumis¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumin
-ta: (n) destruction (dis-tarak-shin); demolition (dhe-mi-lishin); tearing apart ~ burburin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dumin
Demolizione
Demolition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumin
-ta: (magac, dhedig, kali) dhisme taagnaa, burburin ama baabi'in. Wax dumin way fudduddahay wax dhisidna way cululstahay. Li: dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumin
m.f.dh eeg uumi. la-mid: uumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo kulaylin oo uumi ka samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xudin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax mus ku dhuumanaya qori ku gujin. Dh: xudis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xudun
Core
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddin
m.f.dh eeg cuddi. la-mid: cuddis, cutin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddin
-ta: (magac, dhedig, keli) waran, ka giriirsiin. Dh: cuddis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumin
m.f.dh eeg dhumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumin
-ta: (magac, dhedig, keli) hallayn oo wax la waayay ka dhigid. Lacagta waan kuu dhiibi lahaaye dhumin baan ka baqayaa. Dh: hallayn, lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duddun
(Duddun-ta)
Taallo adag oo kolkol aad u dheer oo jaad aboorka kamid ahi samaysto; wuxuu ka dhisaa ciid candhuufo lagu qooyey; duddumo; (ama dundun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duddun
m.l/dh (-ooyin, m.l) Taallo dhoob adag ka samaysan, godad leh oo nooc aboorka ka mid ahi candhuuftiisa ku dhiso. la-mid: duddumo, dundumo, dundun³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duddun
m.l/dh (-ooyin, m.l) Taallo dhoob adag ka samaysan, godad leh oo nooc aboorka ka mid ahi candhuuftiisa ku dhiso. la-mid: duddumo, dundumo, dundun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duddun
f. n. ant hill, termite mound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duddun
-ta: (n) anthill ~ duddumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duddun
magac loo baxsho wiil ku garab dhashay duddun. Waxa kale ee loo baxshaa wiil dhashay isaga oo buurri darteed dundumo la moodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duddun
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid uu aboorku qandhuuftiisa ku qooyo oo inta uu dhoobo ka dhigo, dhis weyn ka sameeyo. Duddun dheeraataaba way dumi. Dh: dundumo, dudumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duddun
a: dundumo ~ dundun
de: ant hill, termite mound
lx: duddun
pd: (-ta Pl: duddumo (/ha))
ps: n1-f
key: duddun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muumin
(Muumin-ka)
Mu'min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muumin
m.l la-mid: mu'min.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muumin
m. n. real ~ true Muslim
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muumin
name-m a real and true Muslim believer
name-m faithful; true believe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muumin
-ah: (adj) [plural muuminiin-ta] devoted Muslim; believer in Islam; pious (paay-es) person in Islam ~ mu'min
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muumin
magac loo bixiyo wiil iimaan fiican lala doonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muumin
-ka: (magac, lab, keli) qof iimaan badan leh oo Eebbe aad u rumaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muumin
a: mu'min
de: real ~ true Muslim
lx: muumin
pd: (-ka Pl: muuminiin (ta))
ps: n8-m
key: muumin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuumin
(Tuumin-ta)
Wax tuunsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuumin
m.f.dh eeg tuumi. la-mid: tuumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuumin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku urursanaan xoolo loo wado.
tuumin -ta: (magac, dhedig, keli) tuurid, taallayn, wax badan meel isugu keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuddur
m.l X. ah: xero weyn oo aad loo adkeeyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xuddur
pr. n., loc. Hudur [city in south west Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xuddur
cf: caasimad
de: Hudur [city in south west Somalia] Capital of the Bakool region
initial: x
lx: Xuddur
ps: n0-loc
key: Xuddur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubin
(Xuubin-ta)
1. Murxin; diirid.
2. Degdeg wax u kaxayn; xugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubin
m.f.dh eeg xuubi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubin
-ta: (magac, dhedig, keli) eryed oo iyaga oo isku duuban kaxayn. Xuubintu ma fiicnee xoolaha aayar u wad. Dh: xugid, xuubis.
xuubin -ta: (magac, dhedig, keli) mudhxin oo diirid. Makiinad ayaan xuubinta baradhaha u soo iibsaday: Dh: xuubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurin
m.f.dh eeg xuuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) bullin oo isku soo ururin. Adhi xuurin ayaa lagu xereeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuuxin
(Xuuxin-ta)
Dab ama wax kale oo laga baqo, iyadoo gacanta lagu hayo, oo xuux!, xuux! la lee yahay, qof ku bajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuuxin
m.f.dh eeg xuuxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuxin
-ta: (magac, keli) xuux ku cabsiin. Xuuxinta carruurtu way ku fuloobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duddumo
(Dudduma-da)
Duddun; (ama dundumo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duddumo
m.dh la-mid: duddun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duddumo
f. n. termite mound, ant hill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duddumo
-duddumada: (n) anthill ~ duddun, dundumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duddumo
-da: (magac, dhedig, keli) kuus ciid ah oo siyaabo kala duwan u samaysan oo aboorku dhiso. Dh: dundumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duddumo
de: termite mound, ant hill
lx: duddumo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: duddun
key: duddumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudubin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka cunto si dhakhso ah loo cunayo ama hadal la daldalayo. Cuntadu dudubinta kuma fiicna ee miyir u cun Dh: dedejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudduci
-ga: (magac, lab, keli) qof cid kale dacwo ku ooga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nujumin
m.f.dh eeg nujumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhmin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qudhmay oo uraya ka dhigid. Dh: qudhmis, qurmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xudduud
1. (Xudduud-da) Xusuus hore oo la sii dhadhansado, la macaansado, oo wax kolkaas la soo qaaday, soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado.
2. (Xudduud-ka) ° Seere; soohdin; xad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xudduud
xudduud¹: m.l (-do, m.l) Soohdin; seere; xad.
xudduud²: m.dh 1. Duxda hadalka ama macnaha oraah lagu dhawaaqay ka dambeysa. 2. Xusuus la sii dhadhansado, oo wax kolkaas la sheegay soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado. 3. Seere; soohdin; xad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xudduud
xudduud¹: m.l (-do, m.l) Soohdin; seere; xad.
xudduud²: m.dh 1. Duxda hadalka ama macnaha oraah lagu dhawaaqay ka dambeysa. 2. Xusuus la sii dhadhansado, oo wax kolkaas la sheegay soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado. 3. Seere; soohdin; xad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xudduud
m. n. border, boundary, frontier, limit
xudduud [feminine] n. remembrance, reminiscence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xudduud
-da: (n) boundary (bawn-dhari); border (boor-dher); frontier (faroon-tiir); bound (baawnd); limit (limit)-, limitation (limi-teey-shin) ~ xad -ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xudhuun
-ka: (magac, lab, keli) geed xeebeed weligii cagaaran oo calenta jaadka tu u eg bixiya oo geelu jecel yahay. Geelu wuxu daaqayaa xudhuunka dhexdiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xukuman
Guddoon ku dhacay; la xukumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xukuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax xukun ku dhacay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xukuman
der. [adjective] sentenced, convicted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xukuman
-xukunaa / xukunayd: (adj) sentenced (sen-tanisidh) Ex: dil ku xukuman; sentenced to death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukuman
(tilmaame) la xukumay ah. Labo sano xabsi ah ayuu ku xukuman yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xukuman
de: sentenced, convicted
initial: x
lx: xukuman
pd: (xukumnaa)
ps: adj-der
key: xukuman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xukumid
(Xukumid-da)
1. Talin; arrimin.
2. Garniqid; guddoomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xukumid
m.f.dh eeg xukun². la-mid: xakumid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xukumid
-da: (n) the act of governing (ga-vening); domination (dhoomi-neey-shin) ~ xukun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukumid
-da: (magac, dhedig, keli) xukun maxkamadeed ridid.
xukumid -da: (magac, dhedig, keli) u tali; maamulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xutubin
m.f.dh eeg xutubi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xutubin
-ta: (magac, dhedig, keli) qiimayn loo yeesho qof ama hadalkiisa. Xayow faaraxoow hadal rag waa xutubiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimin
m.f.dh eeg diddimi. la-mid: diddimis, dindimin, dindimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundumid
m.dh la-mid: diddimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dundumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhisnaa oo taagnaa, burburid oo kolba in ka dumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durdurin
(Durdurin-ta)
Ordid culus sida orodka geela; baabbacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdurin
durdurin: m.f.dh eeg durduri. la-mid: durduris.
dųrdurin: m.f.dh eeg dųrduri. la-mid: dųrduris.