xubnoholac
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubnoholac
m.l (-ooyin ..., m.l) Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubno holac
m.l (-ooyin ..., m.l) Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubin-holac
m.l (-bno ..., m.l) (daawo) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubinholac
m.l (-bno ..., m.l) (daaw.) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuf
tuf¹: m.dh 1. Cudur lafaha gala; riix. 2. Duco; karaamo. 3. Kasoobbax halis ah.
tuf²: m.dh (daawo) Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada “haemolitic streptococci”. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimada iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium).
tuf³: f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Wax afka ku jira dibad u soo saarid. 2. (f.mg) Ku t.: cid u ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuf-xubno-holac
m.l (daawo) Nooc xubnoholac, kan labaad ee ugu badan cudurrada tufta waxa ka horreeya lafoxubnoholac (osteo artritis) waxay gaar ahaan saameysa xubnaha faraha, xubin isgoyska gacanta iyo dhudhunka, lugaha, canqowyada, miskaha iyo garbaha: xubnoisgoysyada si siman ayaa labada dhinacba cudurku ugu dhacaa waana kala silloonyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuf
tuf¹: m.dh 1. Cudur lafaha gala; riix. 2. Duco; karaamo. 3. Kasoobbax halis ah.
tuf²: m.dh (daaw.) Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada 'haemolitic streptococci'. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimada iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium).
tuf³: f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Wax afka ku jira dibad u soo saarid. 2. (f.mg) Ku t.: cid u ducayn. m.f.dh, tufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuf-xubnoholac
m.l (daaw.) Nooc xubnoholac, kan labaad ee ugu badan cudurrada tufta waxa ka horreeya lafoxubnoholac (osteo artritis) waxay gaar ahaan saameysa xubnaha faraha, xubin isgoyska gacanta iyo dhudhunka, lugaha, canqowyada, miskaha iyo garbaha: xubnoisgoysyada si siman ayaa labada dhinacba cudurku ugu dhacaa waana kala silloonyihiin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XUBNOOLE
(Hubnole) N Polygonum acuminatum H.B.K. Polygonaceae.
N Acalypha lanceolata Willd. Euphorbiaceae.
S Ecbolium violaceum (Vahl) Hillcoat & Wood. Acanthaceae.
S Ecbolium viride (Forsk) Alston. Acanthaceae.
C Ruellia patula Jacq. Acanthaceae.
S Leucas urticifolia R. Br. Labiatae.
N Commelina albescens Hassk. Commelinaceae.
C Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubindhac
m.l (-bno ..., m.l) (daaw.) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqoholac
m.l 1. (daawo) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iyo wixi lamida. 2. (daawo) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalqoholac
m.l 1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iyo wixi lamida. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqoholac
-a: (magac, lab, keli) halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda. Dh: quman.