xubnayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xubnayn
(Xubnayn-ta)
Xubno u qaybin, ka dhigid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubnayn
m.f.dh eeg xubnee.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xubnayn
Resolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xubno u qaybin xubin xubin u jarid. Dh: xubnaxubnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubnay
(fal) xubno u qaybi; xubin xubin u jebi. Neefka hilibkiisa xubnay: Dh: xubnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubnays
-ka: (magac, lab, keli) xubno u qaybin; xubin xubin u jarid. Dh: xubnayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Resolution
Xubnayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
segmentation
segmentation, n.f. - xubno xubnayn; qaygaybin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubnaysan
(tilmaame) xubinxubin u kala go'an. Aalihii oo xubnaysan ayaa la noo keenay Dh: xubnaxubnaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo duco loo sameeyo arday jus ama qayb Qur'aana dhammeeya oo ardayda la siiyo. Baashaal baa bunayn ka qad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dun, meel gelin sida irbad, shawlad ama faynuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubayn
(Hubayn-ta)
1. Qalab lagu dagaallamo siin, u yeelid; qalabayn.
2. Dhar la qaato siin; marashiyayn; arratirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubayn
m.f.dh eeg hubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar la qaato siin; marashiyeyn. Dh: arratirid, hubays.
hubayn -ta: (magac, dhedig, keli) hub lagu dagaallamo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) u maydhid. Dh: maydhid, u qubays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubayn
m.f.dh eeg tubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tub la maro iyo jid u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof denbi falay ka dhigid. Dh: eedayn, xujays.
xujayn -ta: (magac, dhedig, keli) su'aal habidhaale ah ku xidhid. Habluhu xojeynta ragga way ku bilkeedin jiteen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xumayn
(Xumayn-ta)
1. Wax xun ku falid; gaarsiin.
2. Xaal; yake.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumayn
m.f.dh eeg xumee. la-mid: xumays¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xumayn
f. n. fine, penalty; harm, damage
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xumayn
Far torto
To wrong
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si xun oo la naco con raalli laga ahayn u samayn. Xumaynta badani sumcada ayay kaa dishaa. Dh: bi'in.
xumayn -ta: (magac, dhedig, keli) si xun oon fiicnayn ula dhaqmid; bahdilid. Li: wanajin xurmayn.
xumayn -ta: (magac, dhedig, keli) kharribid o caddilid. Xumaynta mooteerka waa loo kasay D xumays, caddilid.
xumayn-ta: (magac, dhedig, keli) mag laga bixiyo gabadh lagu xad gudbay. Xumayntii inanta bixi Dh: maydh. Wa: xumayno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xumayn
cf: cisaaro, tacsiir, xaal, yake
de: fine, penalty; harm, damage
initial: x
lx: xumayn
pd: (-ta)
ps: n-f
key: xumayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubnaan
m.f.dh eeg cuban². la-mid: cubnaansho, cugnaan, cugnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto afka gelin oo calalin, dabadeed na liqid. Dh: cuntayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, dubbe dusha kaga dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubnaan
(Dubnaan-ta)
Dubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubnaan
dųbnaan: m.f.dh eeg dųban². la-mid: dųbnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubnaan
f. n., [abstract] stated of being baked ~ fried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dubay oo dab lagu bisleeyey ahaan. Xasiidda dubnaan iyo karsanaanba waa lagu cunaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubnaan
a: dubnaansho (/ha) [vn6-f-st]
de: stated of being baked ~ fried
lx: dubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dubnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunnayn
(Dunnayn-ta)
Feer la dhicid; feerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunnayn
m.f.dh eeg dunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoomid ama feedh la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubnaan
(Gubnaan-ta)
Gubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubnaan
m.f.dh eeg guban. la-mid: gubnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubnaan
f. n., [abstract] state of being burnt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubnaan
a: gubnaansho (/ha) [vn6-f-st]
de: state of being burnt
lx: gubnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: gubnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubbayn
(Kubbayn-ta)
Meel bugta kubbays ku daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubbayn
m.f.dh eeg kubbee. la-mid: kubbays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kubbayn
-ta: (n) fomentation (foo men-teeyshen); poultice (pool-tas); compress (komparees); cataplasm (katapalaazam) ~ kubbays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) raran kulul oo weel loo sameeyey ku guntan ama biyo kulul oo kolay cinjir ah ku jira oo meel bugta oo oogada ka mid ah la saarsaaro oo xanuunka yareeya oo dhiiggana dhaqaajiya, ku diirdiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Lubnaan
pr. n., loc. Lebanon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Lubnaan
(n) Lebanon; Beirut is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Lubnaan
de: Lebanon
lx: Lubnaan
ps: n0-loc-f
key: Lubnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunayn
(Muunayn-ta)
Muuno u yeelid; muunadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunayn
m.dh la-mid: muunadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midabyo qurxoon u yeelid. Dh: naqshadayn, midabayn, aslid.
muunayn-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawayn oo u xurmayn. Dh: xurmayn, tixgelin, muunadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubnaan
m.f.dh eeg quban. la-mid: qubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunnayn
(Sunnayn-ta)
1. Sunne jideyn.
2. (cunno, kd.) Wax yar ka taabasho; barakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunnayn
m.f.dh eeg sunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, iyo wixii la mid ah, wax yar ka taabasho; barakayn: iskuddeyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tubnaan
(Tubnaan-ta)
Wax tuban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubnaan
m.f.dh eeg tuban. la-mid: tubnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tubnaan
f. n., [abstract] state of being piled up; crowdedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tuban ahaan. Tubnaan ayaa lagu waraabiyaa xoolaha kolba in.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tubnaan
de: state of being piled up; crowdedness
initial: t
lx: tubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: tubnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xabag marin si uu meel la rabay u qabsado.
xabkayn-ta: (magac, dhedig, keli) xabko soo gurid; soo shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xinne marin Dh: xinnays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulnaan
m.f.dh eeg xulan. la-mid: xulnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbayn
m.f.dh eeg xumbee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xumbayn
-ta:(n) the act ofproducing bubbles, foam or froth ~ xoorin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunbayn
(Xunbayn-ta)
Xunbo yeelasho, soo saarid; xoorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xunbo yeelasho. Saabuuntu xunbaynta ayay wax ku maydhaa. Dh: xoorin, xunbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xurmayn
(Xurmayn-ta)
Xurmo u yeelid; tixgelin; muunayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurmayn
m.f.dh eeg xurmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xurmo u yeeld oo tixgelin. Xormaynta martidu waa dhaq wanaagsan. Dh: muunayn, xurmays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tixgelin oo ku talagalid. Xusbayn fiican ayuu u hayaa shaqada cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusnaan
m.f.dh eeg xusan. la-mid: xusnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sheegnaan oo wax la xuso ahaan. Geesigu intuu nool yahay xusnaanta kama helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dufan marin ama ku idaamid. Jimcabarkhadluhu waa maalinta dufanaynta geesaha lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubnaan
(Duubnaan-ta)
Duubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubnaan
m.f.dh eeg duuban². la-mid: duubnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duubnaan
f. n., [abstract] state of being folded, coiled ~ wrapped; appointed leader, crowned king
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duubnaan
a: duubnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being folded, coiled ~ wrapped; appointed leader, crowned king
lx: duubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: duubnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuunyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhidda dibiga sanka wax lagaga xidho marka beerta lagu qodayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubnaan
m.f.dh eeg shuban4. la-mid: shubnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shuban oo la shubay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) subag u marin, ku iidaamid, ku shubid; subag marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) uubato samayn; qaylo dheer ka kicid. Uubatayntii halyayga waa la wada maqlayay xalay Dh: uubadtays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xushlayn
m.f.dh eeg xushlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xushmayn
(Xushmayn-ta)
Xushmo u yeelid; muunayn; sharrifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xushmayn
m.f.dh eeg xushmee. la-mid: xushmadayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xushmayn
-ta: (n) the act of respecting or honouring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xushmayn
-ta: (magac, dhedid, keli) cid maamuusid oo sharfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuudhayn
m.f.dh eeg xuudhee. la-mid: xuudheys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuurtayn
(Xuurtayn-ta)
Xuurto ka keenid; xiijin; haftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtayn
m.f.dh eeg xuurtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hiinraajin.
xuurtayn -ta: (magac, dhedig, keli) xuurto ku qabasho oo nakhaska ku dhejin. Wiilka xuurtanta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuubnaan
(Yuubnaan-ta)
Wax soo yuuban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuubnaan
m.f.dh eeg yuuban. la-mid: yuubnaansho, yuucnaan, yuucnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuubnaan
f. n., [abstract] state of projecting, sticking out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiqnaan oo wax yuuban ahaan; wax yuucan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuubnaan
de: state of projecting, sticking out
initial: y
lx: yuubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: yuubnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonayn
m.f.dh eeg cusboonee. la-mid: cusboonaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonayn
vl. n. overhaul; renewing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusboonayn
-ta: (n) the act of renewing; renewal (rinuuwal) ~ dib u habayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cusboonayn
Rinnovo
Renewal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub oo markaas la sameeyey ka dhigid.