xubinholac
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubinholac
m.l (-bno ..., m.l) (daaw.) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubin-holac
m.l (-bno ..., m.l) (daawo) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubnoholac
m.l (-ooyin ..., m.l) Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubno holac
m.l (-ooyin ..., m.l) Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubindhac
m.l (-bno ..., m.l) (daaw.) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubin dhac
m.l (-bno ..., m.l) (daawo) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiniinxolac
m.l (-yo, m.dh) (daaw.) Halaamacoodka xiniinyaha wuxuu keena xanuun, casaan iyo barar maqaarka xiniinyaha waxaana wehelin kara halaamacoodka dhuumaha shahwada.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xubin-ta
membre (du corps).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XUBNOOLE
(Hubnole) N Polygonum acuminatum H.B.K. Polygonaceae.
N Acalypha lanceolata Willd. Euphorbiaceae.
S Ecbolium violaceum (Vahl) Hillcoat & Wood. Acanthaceae.
S Ecbolium viride (Forsk) Alston. Acanthaceae.
C Ruellia patula Jacq. Acanthaceae.
S Leucas urticifolia R. Br. Labiatae.
N Commelina albescens Hassk. Commelinaceae.
C Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siilholac
m.l (daawo) Halaamacoodka siilka oo uu keeno sida badan deris ku noolka la iraahdo “trichomonas vaginalis”, oo u sabab ah: cunto xumo iyo nadaafad xumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siilholac
m.l (daaw.) Halaamacoodka siilka oo uu keeno sida badan deris ku noolka la iraahdo 'trichomonas vaginalis', oo u sabab ah: cunto xumo iyo nadaafad xumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siilholac
-a: (magac, lab, keli) halaamacoodka siilka oo uu keeno sida badan deriskunoolka la yidhaahdo 'trichomonas vaginalis' oo ay sababaan cuntoxumo iyo nadaafadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiniin-xolac
m.l (-yo, m.dh) (daawo) Halaamacoodka xiniinyaha wuxuu keena xanuun, casaan iyo barar maqaarka xiniinyaha waxaana wehelin kara halaamacoodka dhuumaha shahwada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afweynholac
m.l (daaw.) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space) la xiriiriya godka dhegta dhexe.