xoroow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoroow
(fal) ka hoos bax gumaysi oo ka mad bannaanaw. Ka xoroow gacan hoorsiga shishe Dh: xorow. Li: gunow, addoomow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Xor noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xorow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Xor noqosho. m.f.dh, xoroobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorow
inch. v. become free, get liberated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorow
(fal) xor noqo; gobannimo gaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xorow
de: become free, get liberated
initial: x
lx: xorow
pd: (xoroobay)
ps: v1=inch
key: xorow
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOOROOW
(Boro) N Aristolochia bracteolata Lam. Aristolochiaceae.
N Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
N,S Capparis cartilaginea Decne Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororow
-ga: (magac, lab, keli) astaamo dhaqan xumo ah.
hororow: (fal) dhaqanka hororka yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korow
(Korow-ga)
Jaadadka daayeerka mid kamid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korow
m.l Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korow
m.l Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korow
m. n. small monkey, guenon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korow
-ga: (n) small sized monkey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korow
-ga: (magac, lab, keli) jaadadka daayeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud. Dh: kore.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korow
bw: kore
cf: daayeer
de: small monkey, guenon
lx: korow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: korow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oorow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ooro qaad (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oorow
(fal) ooro iyo uskag yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oqoow
imperative v., sg. know it!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oqoow
a: aqood
de: know it!
lx: oqoow
pd: (aqoow)
ps: v4d-imp-sg
key: oqoow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oroob
oroob¹: m.l Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.
oroob²: m.dh Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oroob
-ka: (magac, lab, keli) socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.
oroob -ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, taasoo ku qaadata muddo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xoolo iyo wixi lamida xero gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xoolo iyo wixi lamida xero gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeroo
(fal) xeradaada teg oo hoyo. Orod waa habeene waraabaha ka xeroo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xerow
v. enter ~ go inside the corral (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerow
-ga: (magac, lab, keli) mid ka mid ah xer badan oo cilmi u banbaxda; arday kutubta cilmiga ah akhrista oo sheekh ku xidhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xerow
bw: xarood
de: enter ~ go inside the corral (of animals)
initial: x
lx: xerow
nt: xerood (ka) [vn-m]
pd: (xerooday)
ps: v3a=intr
key: xerow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorod
-ka: (magac, lab, keli) xoor, xumbo. Xorod yeel doobiga.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
borrow
/borrow/ (v) daymasho, la amaahiyo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
borrow
/boorrow/ (v) etheeghythow. We borrow books from the library.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
borrow
borrowing, n., amaah, -di.
borrow: v.tr., amaaho, soo yeelo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAROOW
(Harou) May Merremia pinnata (Choisy) Hall. F. Convolvulaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koroom
m. n., (mass n.): chrome
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koroom
de: chrome {Eng}
lx: koroom
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: koroom
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOROOG
(Morogh) S Moringa peregriana (Forsk) Fiori. Moringaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morrow
/moorow/ (n) berri (maanta maalinta ku xigta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
morrow
n., berri, -di; tomorrow, ad., berri, berrito; until tomorrow, halkiyo berri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooroob
inch. v. have an ear secretion, catch otitis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooroob
de: have an ear secretion, catch otitis
lx: ooroob
pd: (ooroobay)
ps: v1=inch
key: ooroob
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sorrow
/soorow/ (n) murugo (calool-xumo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sorrow
n., calaacal or alaanacal, -ki, xumaan, -ti, weerweer, -ki, qulub, -ki, wahan, -ki; v.i., weerweer, qulub, calaacal, wahan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarood
v. enter the corral, go home (of animals)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarood
a: xerow
de: enter the corral, go home (of animals)
initial: x
lx: xarood
pd: (xarooday / xarootay)
ps: v3a=intr
key: xarood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaroor
m.l/dh Dhabarka dadka, labada daqay meesha u dhaxaysa oo godan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaroor
m.l/dh Dhabarka dadka, labada daqay meesha u dhaxaysa oo godan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerood
m.f.l eeg xeroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xerood
m.f.l eeg xeroo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xerood
v.pat: go home (of children); encamp (of soldiers)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xerood
-ay / xerootay: (v) [with proposition soo] come home, usually at night time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerood
-ka: (magac, lab, keli) hoyasho xaadhintii la galayay loo hoydo. Dh: hoyasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xerood
a: xarood; Contrast: xerow
cf: xeree [tr]
de: go home (of children); encamp (of soldiers)
initial: x
lx: xerood
pd: (xerooday / xerootay)
ps: v1=pat
key: xerood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirnow
v. be tied up, be closed; be imprisoned
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirnow
a: xiran
de: be tied up, be closed; be imprisoned
initial: x
lx: xirnow
pd: (xirnaaday)
ps: v3a=
key: xirnow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogow
(Xoogow-ga)
Xoogoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogow
xoogow¹: m.l la-mid: xoogoobid.
xoogow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Xoog yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogow
vl. n. becoming strong
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogow
(fal) xoog yeelo; itaal biirso.
xoogow: (fal) waxoogaa aan badnay. Rag xoogow ah ayaa dawga maray. Dh: xoogaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogow
de: becoming strong
initial: x
lx: xoogow
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: xoogow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorgog
(Xorgog-ga)
(qof) caato, wuxuu ku dhego aan laga fujin karin; wax ku koga ama isku qonbojiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorgog
xorgog¹: m.l.kh Caato, wuxuu ku dhego aan laga fujin karin; wax ku koga ama isku qonbojiya.
xorgog²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Nafley caatoobid. 2. Wax si ba'an ugu dhegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorgog
m. n. weak and emaciated person
xorgog [inchoative] v. grow thin, become emaciated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorgog
(tilmaame) caato wuxuu ku dhego aan laga furfuri karin ah. Wiilka yari waa xorgog.
xorgog -ga: (magac, lab, keli) qof caato ah oo wuxu ku dhego aan laga fujin karin oo wax ku koga ama isku qonbojiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xortol
(Xortol-ka)
Hab maryaha loo tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xortol
xortol¹: m.l la-mid: xortolid.
xortol²: f.g1 (-olay, -oshay) Laba maro iyo wixi lamida xortooda isku tolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xortol
m. n., [compound] seam (of garment)
xortol v. seam, sew a seam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xortol
(fal) xodhtol ka dhiq. Marada Dh: xodhtol.
xortol -ka: (magac, lab, keli) hab maryshii hor dumarka ama go'yaasha loo toli jiray oo dhex gabal laga gelin jiray. Dh: xodhtol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorxor
-ka: (magac, lab, keli) isku celcelina hadal la isku celceliyo. Nin xorxor badan iyo nin xishood badan xumaan looma maseeyo. Dh: yooyootan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujoow
-ga: (magac, lab, keli) ku eedoobidda dambi cidi gashay. Ku xujoowga gogol da waa arrin adag. Dh: dhaleecow.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YOROOR
(Yoror) N Acacia etbiaca Schweinf. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoroobid
m.f.dh eeg xorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xor noqosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doqonow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Doqon noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doqonow
inch. v. become silly, be stupid, get foolish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doqonow
(fal) mid grasho xun noqo. Dantaada u dogonow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doqonow
de: become silly, be stupid, get foolish
lx: doqonow
pd: (doqonoobay)
ps: v1=inch
key: doqonow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Garoowe
pr. n., loc. Goroowe [city in east Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Garoowe
(n) capital city of Nugaal region, one of the North-eastern Somali regions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Garoowe
cf: caasimad
de: Goroowe [city in east Somalia] Capital of the Sool region
lx: Garoowe
ps: n0-loc
key: Garoowe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodonow
(fal) hodon noqo; tanaad oo taajir noqo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HORGOOY
(Horgoi) S Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
NFD Commiphora schimperi (0.Berg) Engl. Burseraceae.
C Commiphora guidottii Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoog
f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horjoog
f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid. m.f.dh, horjoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horjoog
v. lead, guide
horjoog v. stop, obstruct
horjoog m. n., [compound] forward (in football)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horjoog
(fal) waardiyee; kormeer.
horjoog -ga: (magac, lab, keli) mar walba, wax hortiisa taagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormood
-ka: (magac, lab, keli) hoggaanka wax maamula ee meeli leedahay. Dh: abbaan, horfiiq, hormuud, ammaanduule, abbaanduule, madax.
hormood-ka: (magac, lab, keli) hoggaamiyaha jaamacadda; guddoomiyaha jaamacadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormoon
m.l (baayoloji) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormoon
m.l (baay.) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormoon
-ka: (magac, lab, keli) walax kimikeed yar oo uu jidhku soo saaro oo waxtar weyn u leh nudadka jidhka qaarkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kor'ood
m.l Meel beerta dhinaceeda laga oodo oo xoolaha la daaqsado marka jiilaal la gaaro; oodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kor-ood
m.l Meel beerta dhinaceeda laga oodo oo xoolaha la daaqsado marka jiilaal la gaaro; oodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korjoog
(Korjoog-ga)
(col) Ilaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korjoog
m.l 1. Taagnaanta cid fadhida ama bugta la dul taagnaado. 2. Ilaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korjoog
m. n., [compound] guard, sentry; surveillance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Korjoog
Supervisione
Supervision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korjoog
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, dul taagnaan.
korjoog -ga: (magac, lab, keli) ciidan ilaalo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korjoog
cf: ilaalo
de: guard, sentry; surveillance
lx: korjoog
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: korjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsooh
korsooh¹: m.l Xarig seddex raab oo laysku tidcay ka samaysan.
korsooh²: f.g1 (-hay, -hday) Xarig hab saddex lugood ah u tabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsooh
(fal) xarig hab saddex lugood ah u tabi.
korsooh-a: (magac, lab, keli) xadhig seddex raab oo la isku tidcay ka samaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaroow
-maaroobay / maarowday: (v) rust (raast); corrode (korowdh); become corroded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marnoow
(fal) eeg marnaw.