xorjabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorjabid
(Xorjabid-da)
(dhar) xorta ka jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorjabid
m.f.dh eeg xorjab². la-mid: xorjab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorjabid
-da: (magac, dhedig, keli) jactadid oo wax aan caddifnayn noqosho. Dh: jactadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorjab
(Xorjab-ka)
Isku jajabidda dharka, qaadasho ama laallaabidxumo darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorjab
xorjab¹: m.l la-mid: xorjabid.
xorjab²: f.mg1 (-bay, -btay) Xor duuduub yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorjab
v. crumple up, become wrinkled (at the edge); lose its newness (of clothing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorjab
-ka: (magac, lab, keli) caddifnaan la'aanta dharka ee uu isku jactadsan yahay. Dh: jactad, canbus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xorjab
de: crumple up, become wrinkled (at the edge); lose its newness (of clothing)
initial: x
lx: xorjab
nt: xorjab (ka) [vn-m], xorjebid (da) [vn-f]
pd: (xorjabay)
ps: v1=intr
key: xorjab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjabid
(Carjabid-da)
Carjab noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjabid
m.f.dh eeg carjab². la-mid: carjab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabid
-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoroobid
m.f.dh eeg xorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xor noqosh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carajabid
-da: (magac, dhedig, keli) cadhaburburid; cadhajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabid
(Jabid-da)
1. Wax mid ah oo adag, wax xoog leh oo ku dhacay darti u kala haadid, u kala duulid; burburid.
2. (ganacsi) qiime sare, hoos aadid; raqiis noqosho.
3. (col; dagaal kd.) guuldarro ku dhicid; laga adkaan; baqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabid
m.f.dh eeg jab². la-mid: jabniin, jebid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jabid
Breakdown
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabid
vl. n. break (down), breaking
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jabid
Frattura
Fracture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabid
-da: (magac, dhedig, keli) laf iyo wixii la mid ah, labo walxood u kala falliidhmid.
jabid-da: (magac, dhedig, keli) qiimaha badeecad ama walax, hoos u dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabid
de: break (down), breaking
lx: jabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: My car breaks down often.
xv: Baabuurkaygu wuu jabid badanyahay.
key: jabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabid
(Rabid-da)
Wax laabta ka doonid, ka jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabid
m.f.dh eeg rab³. la-mid: rabitin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rabid
/raabidh/ (adj) 1. waalli 2. jinnoole ah (qof jinnoolanimo u dhaqma).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabid
-da: (n) wanting (waant-ing); desiring (di-zaayar-ing); eagerness (iiger-nes) ~ doonid, rabitaan, damac
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rabid
Desiderio
Desire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabid
-da: (magac, dhedig, keli) laabta ka doonid: niyadda ka jeclaysasho. Rabid qudha reer laguma dhiso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forbid
/forbidh/forbade; (v) mamnuucid, reebid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
forbid
v.tr., u diid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korjad
(Korjad-da)
(harag, libaax-badeed, kd.) labaatan xabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korjad
m.dh.t (-do, ml.) Harag iyo wixi lamida oo labaatan xabbo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korjad
f. n. / num-f: group ~ bundle of twenty (hides, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korjad
-da: (n) package (paakej); bundle (bandhel)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Korjad
Massa
Bulk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korjad
-da: (magac, dhedig, keli) harag, dar iyo wixii la mid ah oo labaatan xabbo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korjad
de: group ~ bundle of twenty (hides, etc.)
lx: korjad
pd: (-da)
ps: n1-f / num-f
key: korjad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabid
(Xaabid-da)
Sida xaab la gurayo oo kale wax wada qaadid, u wada uruurin; xaaqid; fiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabid
m.f.dh eeg xaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabid
-da: (magac, dhedig, keli) urursi wixii hambo ama xaab laga tego oo dhan la urursado. Nin weyni xaabid kuma fiicna. Dh: xaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajabid
m.f.dh eeg cajab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajabid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) la yaabid: la cajebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabi
(fal) duug ka dhig.
carjabi: (fal) dhiil la cugay, in yar oo caano ah ku dhaqdhaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jajabid
(Jajabid-da)
Dhawr inood ama cad noqosho; burburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ortamid
m.f.dh eeg ortan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ortamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ortan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraabi
-ga: (magac, lab, keli) markab dagaal oo weyn. Xaraabi baa Berbera ku soo xidhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiil la cugay, caano yar ku dhaqdhaqid.
carjabin -ta: (magac, dhedig, keli) wax duugoobay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duraabid
m.f.dh eeg duraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaabid
(Garaabid-da)
Qof wax sameeyey, arrinta ama sababta ku jiiddey, inaan laga fursan karin oo ay garti ahayd aqoonsasho, u qirid; marmarsiinyo aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaabid
m.f.dh eeg garow².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garaabid
Attenuazione
Mitigation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaabid
-da: (magac, dhedig, keli) «u» qofkii lala mormaayay oo la fahamsiiyo in uu isagu xaq ku joogo. Garaabid lagama helo xaqa qofkii diiddan oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabid
(Hanjabid-da)
Hadallo hanjabaad ah qof ku dhihid; (ama hanjamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabid
m.f.dh eeg hanjab. la-mid: hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanjamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabid
(Hargabid-da)
Hargab ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabid
m.f.dh eeg hargab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargabid
-da: (magac, dhedig, keli) duri qaadid; hargab yeelasho. Dh: duryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harjadid
(Harjadid-da)
Werfid; mintidid; dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harjadid
m.f.dh eeg harjad². la-mid: harjad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harjadid
-da: (magac, dhedig, keli) mintidid oo dadaalid. Dh: mintidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarid
m.f.dh eeg hormar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormarid
vl. n. movement forward; progress
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormarid
de: movement forward; progress
lx: hormarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hormarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
icraabid
m.f.dh eeg icraab². la-mid: icraabin, icraabis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarjarid
(Jarjarid-da)
Googgoyn; kidfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjarid
m.f.dh eeg jarjar². la-mid: jarjaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarjarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama in ka badan, googoyn oo qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirrabid
(Jirrabid-da)
Jirrab ku markasho, badid; kadeedid; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrabid
m.f.dh eeg jirrab². la-mid: jirrab¹ (5).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirrabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo dhib marin; jarribaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanjabid
(Kanjabid-da)
Dhaawacmidda iyo burburidda kanka, cudur ama nabar gaarey darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanjabid
m.f.dh eeg kanjab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawacmidda iyo burburka cudur ama nabar gaadhay dartii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooroobid
(Ooroobid-da)
1. Ooro ku dhicid.
2. Xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooroobid
m.f.dh eeg oorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ooro ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabid
m.f.dh eeg qaraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabid
m.dh la-mid: qartabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qartabid
m.f.dh eeg qartab. la-mid: qardabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiraabid
(Tiraabid-da)
Tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiraabid
m.f.dh eeg tiraab³. la-mid: tiraab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiraabid
-da: (magac, dhedig, keli) tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabid
m.f.dh eeg waraab². la-mid: waraab¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warqabid
m.f.dh eeg warqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqabid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin xogta ku saabsan hayn oo ka war qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraabad
(Xaraabad-da)
Dagaallanka colalka (ama xarbad, xarbi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraabad
m.dh (-do, m.l) Dagaal. la-mid: xarbad, xarbi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraabad
f. n. war, battle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraabad
-da: (magac, dhedig, keli) dagaalanka colalka. Dh: xarbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaraabad
a: xarbad
cf: xarbi
de: war, battle
initial: x
lx: xaraabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xaraabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarid
m.f.dh eeg xarąar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah, bun, Jaad, sigaar iyo wax la mid ah u baahasho oo caajis iyo hamaahsi badan yeelasho. Dh: hamuumid.
xaraarid -da: (magac, dhedig, keli) wax xadhaadhay oo balalooday noqosho. Dh: xadhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xargagid
(Xargagid-da)
Xargag noqosho; is-qabqabsasho; xinjiroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xargagid
xargagid¹: m.f.dh eeg xargag². la-mid: hargagid, xarkagid.
xargagid²: m.dh (fiisikis) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xargagid
m.dh (fiisikis) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xargagid
-da: (magac, dhedig, keli) xargag noqosho, isqabsasho oo isku dhegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarkagid
m.dh la-mid: xargagid¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaryamid
m.f.dh eeg xaryan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaryamid
-da: (magac, dhedig, keli) koox badan noqosho. Maroodigu xaryamidda wuu jecel yahay oo keli ma socdo.