xoqxoqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoqxoqid
(Xoqxoqid-da)
In badan ama dhawr jeer xoqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoqxoqad
(Xoqxoqad-ka)
Xoqxoqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqxoqad
-ka: (magac, lab, keli) xoqasho oo haddana meel kale xoqasho. Xoqxoqadka daa oo waxa lagu faray yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoqxoq
(Xoqxoq-a)
Xoqniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoqxoq
vl. n. friction; repeated scratching
xoqxoq v. scratch repeatedly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoqxoqo
v. scratch oneself a lot ~ repeatedly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoqxoqo
-xoqxoqday / xoqxoqatay: (v) scratch or scrape repeatedly [the skin] to relieve itching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqxoqo
(fal) kolba meel is xoq: xoqo oo haddana meel kale xoqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoqxoqo
de: scratch oneself a lot ~ repeatedly
initial: x
lx: xoqxoqo
nt: xoqxoqad (ka) [vn-m], xoqxoqasho (/da) [vn-f]
pd: (xoqxoqday)
ps: v3b=tr
key: xoqxoqo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoqxoq_1
de: friction; repeated scratching
hm: 1
initial: x
lx: xoqxoq
pd: (-a)
ps: vn-m
key: xoqxoq_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoqxoq_2
de: scratch repeatedly
hm: 2
initial: x
lx: xoqxoq
pd: (xoqxoqay)
ps: v1=pl
key: xoqxoq_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoqid
(Xoqid-da)
1. Ciddi ama wax kale, wax korkood, ku murmurxin, ku jiidjiidid, ku xagxagid.
2. Xaquuqid, sinsimid.
3. Dawo qabsinnada la geliyo oo saxarada aad u adkaatay lagaga soo nadiifiyo, wax ku farsamayn.
4. Qalabka, daawadaas, qabsinnada gudohooda lagu geeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoqid
m.f.dh eeg xoq³. la-mid: xogid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoqid
-da: (n) scratching (iska-raaj-ing); rubbing (rab-ing) ~ see [eeg] xoqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqid
-da: (magac, dhedig keli) ku cacaminta cidiyaha oogada jidhka si dareen jira loo bi'iyo. Xoqid badanidaa ma cadhaa ku haysa. Dh: xoqis.
xoqid-da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar sancayn oo qori dabada ka gelgelin. Xoqid aan cilmi lahayn waa halis. Dh: sancayn, xoqis.
xoqid-da: (magac, dhedig, keli) calool adkaatay shubid oo ka socodsiin.
xoqid -da: (magac, dhedig, keli) jijibin oo wax meel ku dhejisan ka daguugid. Xoqidda renjiga qof shaqaale ah u dir. Dh: xaquuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jooqid
-da: (magac, dhedig, keli) qurxoonaan ama bilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooqid
(Qooqid-da)
1. (awr, kd.) Qooq ku dhicid.
2. Cayaarid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooqid
m.f.dh eeg qooq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooqid
-da: (magac, dhedig, keli) dhedig u baahasho. Dh: qooqis.
qooqid -da: (magac, dhedig, keli) aad u kibrid. Dh: qooqis, kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodid
m.f.dh eeg xood³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogid
(Xoogid-da)
1. Xoog wax ku qaadasho; dhicid; boolyid.
2. (qof dumar ah) qabsasho; kufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogid
m.f.dh eeg xoog³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogid
-da: (magac, dhedig, keli) cid xoog wax kaga qaadasho; boobid. Dh: xoogis, boobid, dhicid.
xoogid -da: (magac, dhedig, keli) kufsasho oo gabadh awood ku muquunin. Dh: qasbid, kufsad, kubsasho, xoogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoomid
(Xoomid-da)
Wadajir, wax ama meel isugu soo uruurid, isa soo tuurid, ku soo shirid; shamuumid; heemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo ururid oo ku soo shawrid. Dh: xoomis, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoorid
(Xoorid-da)
Wax la nacay, meel aan laga heli karin, ku tuurid, ku ridid, kaga imaansho, si aan waa danbe loo arag ama aan wax loogu qabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoorid
m.f.dh eeg xoor³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoorid
-da: (magac, dhedig, keli) tuurid mur gaafid. Shamiiska xooridda ka daa. Dh: tur, xooris.
xoorid -da: (magac, dhedig, keli) xumbo iyo abur yeelasho. Dh: xooris, xumbaayn.
xoorid-da: (magac, dhedig, keli) rifrif yeelash diirka ka siibmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolid
-da: (magac, dhedig, keli) socod la socdo hadhimada dabadeed. Dh: dhalandhoolid, boqoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoqobid
(Qoqobid-da)
Qoqob u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqobid
m.f.dh eeg qoqob².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isku wada furan kala qaybin oo kala teedid; qoqob u samayn. Qoqobiddu waxay ku fiican tahay aqalka arooska ah. Dh: qoqobis, teedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqoolid
(Boqoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; dhalandhoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolid
m.dh la-mid: baqoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xoqid
f. n. friction, rubbing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_xoqid
de: friction, rubbing
lx: ku xoqid
pd: (-da)
ps: np-f
key: ku_xoqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaquuqid
(Xaquuqid-da)
Wax xaquuqan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaquuqid
m.f.dh eeg xaquuq². la-mid: xaquuq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) dushaka oo renji ama wax kale oo dusha ka marsanla daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobbolid
-da: (magac, dhedig, keli) asturid wax cid gaar u ah. Dh: sheelid, garin, asturid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorgogid
m.f.dh eeg xorgog².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoroobid
m.f.dh eeg xorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xor noqosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xortolid
(Xortolid-da)
Xortol ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xortolid
m.f.dh eeg xortol². la-mid: xortol¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xortolid
-da: (magac, dhedig, keli) hab xodhtol ah u tolis oo haylaaq dhexda ka gelin. Dh: xortolis, xodhtolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoqxoqasho
(Xoqxoqasha-da)
Ciddiyo ama wax kale isku xoqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqxoqasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciddiyo ama wax kale isku xoqxoqid. Xoqxoqasho badan daa oo soco. Dh: xoqxoqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanqooqid
(Fanqooqid-da)
Meeshii lagu dhegsanaa kor uga soo fuqid; fowliilid.
2. Fadhiyid iyadoo dhulka kor laysa hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanqooqid
m.f.dh eeg fanqooq². la-mid: fanqooq¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanqooqid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi cidhbaha lagu fadhiyo oo dhulka sare laysaga hayo.
fanqooqid-da: (magac, dhedig, keli) wax meeshii uu ku dhegganaa ka soo yare fuqay. Dh: fowliilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuxoqid
vl. n. friction; act of rubbing two things together
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuxoqid
de: friction; act of rubbing two things together
lx: iskuxoqid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: iskuxoqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqsoorid
m.f.dh eeg xaqsoor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqsoorid
-da: (magac, dhedig, keli) garsoor caddaalad ku salaysan oo dadka u dhexeeya wax ku qaybin. Xaqsoorid ayuu aadanuhu u baahan yahay. Dh: caddaalad, Li: dulmi, xadgudub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xodhtolid
-da: (magac, dhedig, keli) hab sodhtolah u tolis oo haylaaq dhexda ka gelin. Dh: xodhtolis, xortolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogoobid
(Xoogoobid-da)
Xoog yeelasho; tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogoobid
m.f.dh eeg xoogow². la-mid: xoogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog biiraya yeelasho. Xoogoobidda daadka ka digtoonow. Dh: xoogoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolofidh
-a: abaar halis ahayd oo la soo maray waayo hore oo xoolaha dhammaysay. Xoolafidha ragayagii ogaa haw xisaabinine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolodhiqid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo cayniqabasho oo ururintooda iyo daryeeliddooda ka shaqayn.