xoqanxorjab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqanxorjab
-ka: (magac, lab, keli) bi'itaanka cuncunka oogada jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoqxoqad
(Xoqxoqad-ka)
Xoqxoqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqxoqad
-ka: (magac, lab, keli) xoqasho oo haddana meel kale xoqasho. Xoqxoqadka daa oo waxa lagu faray yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjab
qaddarjab¹: m.l la-mid: maskarjab¹.
qaddarjab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: maskarjab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarjab
(fal) dhimo adoon guursan; dhallinyar adoo ah ku dhimo. Wilka ha ku odhan qaddarjab.
qaddarjab -ka: (magac, lab, keli) dhimashada yaraan lagu dhinto.