ereyga

xoq

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xoq

DHAN
1

xoq¹: m.l Beeyo qolof lagu fujiyo oo aan saafi ahayn. la-mid: xog¹, xog², xoq².

2

xoq²: m.dh la-mid: xoq¹.

3

xoq³: f.g1 (-qay, -qday) 1. Wax ciddiyaha marmarin. 2. Wax hoolid. 3. Cusbo gaar ah carruur dabada ka gelin. la-mid: xog³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xoq

DHAN

f.g1 (-qay, -qday) 1. Wax ciddiyaha marmarin. 2. Wax hoolid. 3. Cusbo gaar ah carruur dabada ka gelin. m.f.dh, xoqid. la-mid: xog.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xoq

DHAN

v. scrape, rasp, scratch; grate; smooth, plane; give an enema

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xoq

DHAN

-ay/day: (v) scratch (iska-raaj); rub (rab); scrape (iskareeyp); scrub (iskaraab)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoq

DHAN
1

(fal) ciddiyaha jidhka dushiisa si fudud ugu xarxarruuf oo u dul jiidjiid. Dh: hoq, xog.

2

xoq: (fal) si xoog leh wax xagan kara ugu jidjid oo wax kaga goo. Gudumada afkeeda gidaarka ku xoq oo ranjiga ka daadi. Dh: xaquuq.

3

xoq: (fal) ilmo yar dabada ka sancee oo qori kaga aquuq. Ilmaha xoq. Dh: sancee.

4

xoq-a: (magac, lab, keli) cudur carruuta ku dhaca oo lagu daweeyo qori dabada laga gelgeliyo. Ilmuhu xoq buu leeyahaye xoq. Dh: hoq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xoq

DHAN
1

de: scrape, rasp, scratch; grate; smooth, plane; give an enema

2

initial: x

3

lx: xoq

4

pd: (xoqay / xoqday)

5

ps: v1=tr

6

key: xoq

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cadanyo

DHAABAN
1

(Cadanya-da)

2

Cuncun oogada lala xoqo; xajiin; caaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cuncun

DHAABAN
1

(Cuncun-ka)

2

Haragga oogada oo dareema wax cuna haya, oo aad loo jeclaysto in la xoqxoqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dameerow

DHAABAN
1

(Dameerow-ga)

2

Xanuun afka ku dhaca; qun; majin; xoqad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhuuntow

DHAABAN
1

(Dhuuntow-ga)

2

Cudur dalqada ku dhaca; majin: qun; xoqad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jac

DHAABAN
1

(Jac-da)

2

1. Xoog aan muuqan oo ka dhasha kolka waxyaalaha qaarkood la isku xoqo ama kulaylkoodu is gaaro ama ay danabaysan yihiin ama ay xoog isu soo jiitaan ama u kala cararaan oo u kala filqadaan, wuxuuna lee yahay saamays daran oo u eg fallaaro olola haya oo yaaca haya; koronto.

3

2. Biyaha roobka oo danabku kululeeyo.

4

3. Danab; wiriq.

5

4. Ceeb weyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kabriid

DHAABAN
1

(Kabriid-ka)

2

Qolof ay ku jiraan qoryo yaryar oo dhuudhuuban oo mid walba madaxa loo marshey baaruud ama wax la mid ah oo daarma kolka meel lagu xoqo; tarraq; qaraf; (ama kebriid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Madag

DHAABAN
1

(Madag-ta)

2

Labo qori oo inta laysku xoqo dab ka soo baxo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Murin

DHAABAN
1

(Murin-ta)

2

Wax, farta murdisada ah, xoog korka uga marin oo ku xoqid oo dabadeed wax ay soo goyso ama soo raaca, leefid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qun

DHAABAN
1

1. Si qumman; hagaag; toos.

2

2. (Qun-ka) a) Labada qanjir oo kulkulucsan oo afka salkiisa labada dhinac kaga kala yaal, midkood. b) Cudurka qanjirradaas ku dhaca; majin; majinow; xoqato. c) Lugta yar, oo sabuulka sidda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xagasho

DHAABAN
1

(Xagasha-da)

2

1. Ilkaha hore afkooda xoog wax ugu xoqid, ugu dildillaacin, ugu muruxsasho.

3

2. Ciddiyaha wax ku nabrid, ku dhaawicid; xangaruufasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xoqato

DHAABAN
1

(Xoqata-da)

2

Qun; xoqad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xoqxoq

DHAABAN
1

(Xoqxoq-a)

2

Xoqniin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xoqxoqad

DHAABAN
1

(Xoqxoqad-ka)

2

Xoqxoqasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xoqxoqasho

DHAABAN
1

(Xoqxoqasha-da)

2

Ciddiyo ama wax kale isku xoqid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xoqxoqid

DHAABAN
1

(Xoqxoqid-da)

2

In badan ama dhawr jeer xoqid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagsalaax

DHAABAN

m.l Cudur geela cagaha ka gala oo aysan tuluddu ku joojin karin cagafta jirran, in ay dhulka ku xoqayso mooyee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cul

DHAABAN

f.g1 (-ulay, -ushay) Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. la-mid: cug².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xoqe

DHAFANDHAAF

m.l (-qayaal, m.l/dh) Qalab yar oo carruurta duburka looga xoqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xoqe

DHAFANDHAAF

m. n. enema, instrument for giving a baby an enema

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoqe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qori carruurta lagu sanceeyo. Qori xoqe ii soo qor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xoqe

DHAFANDHAAF
1

de: enema, instrument for giving a baby an enema

2

initial: x

3

lx: xoqe

4

pd: (/ha)

5

ps: n7-m

6

key: xoqe

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xoqo

DHAFANDHAAF

f.g3 (-qday, -qatay) Meel jirka nafleyda ka mid ah oo cuncunaysa ciddi ama wax kale xoog ugu duugasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xoqo

DHAFANDHAAF

f.g3 (-qday, -qatay) Meel jirka nafleyda ka mid ah oo cuncunaysa ciddi ama wax kale xoog ugu duugasho. m.f.dh, xoqasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xoqo

DHAFANDHAAF

v. scratch oneself

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoqo

DHAFANDHAAF

(fal) ciddida ku jijibi jidhka oo cuncunka kaga bi'i. Ciddiyaha ku xoqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xoqo

DHAFANDHAAF
1

de: scratch oneself

2

initial: x

3

lx: xoqo

4

pd: (xoqday)

5

ps: v3b=tr

6

key: xoqo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hoq

DHAFANDHAAF

(fal) meel xoq ama xaquuq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xaq

DHAFANDHAAF
1

(Xaq-a)

2

1. Sida ama waxa eg; tusmo; abbaar; jid.

3

2. Garsoor; caddaalad.

4

3. Run.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xaq

DHAFANDHAAF

m.l 1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xaq

DHAFANDHAAF

m.l 1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run. m.dh.w, xuquuq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xaq

DHAFANDHAAF

m. n. justice, equity, truth; right, rightful share

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xaq

DHAFANDHAAF

-a: (n) right (raayt); justice (jas-tis); fairness (feer-nes) ~ see [eeg] xuquuq

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xaq

DHAFANDHAAF
1

(fal) qof wax noqday wixii uu mag mutaystay sii. Hadduu shirkaddaada u shaqaynaayay iska xaq. Dh: mag.

2

xaq-a: (magac, lab, keli) geerida lama huraanka ah. Xaq baa dhacaye aaska u dareera. Dh: geeri, dhimasho.

3

xaq-a: (magac, lab, keli) waxa la siiyo qof meel uu ka shaqaynayay laga eryo ama wax ku noqda.

4

xaq-a: (magac, lab, keli) xaqdhawr iyo waxqabadka waalidka iyo cid wax kuu tartayi kugu leedahay.

5

xaq-a: (magac, lab, keli) mag shil ama gacan cid kale ku timaad.

6

xaq-a: (magac, lab, keli) waxa, meherka ka dib, ay gabadhu, sharci ahaan, nikeeda ku leedahay ee maarriin iyo masruuf ah. Dh: waajibaad.

7

xaq-a: (magac, lab, keli) wixii jira een been iyo qalqallooc midna lahayn. Dh: caddaalad, garsoor, haq. Li: baadil.

8

xaq-a: (magac, lab, keli) waxa uu qofku waddanka ku leeyahay kolka uu waajibkii saarraa ka soo baxo. Xaqii aan u doodoow miyaad li darraatay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xaq

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: justice, equity, truth; right, rightful share Opp: baaddil, dulmi, gardarro

3

initial: x

4

lx: xaq

5

pd: (-a Pl: xaqaq (a) ~ xuquuq (da))

6

ps: n4-m, n8-m

7

key: xaq

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

xaq

DHAFANDHAAF

عَدَالَة، حَقِيقَة، حَقَّ

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xog

DHAFANDHAAF
1

(Xog-ta)

2

Wax qof keliya ama dad keliyihi og yihiin, oo kas dadka kale looga qariyo; sir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xog

DHAFANDHAAF
1

xog¹: m.l la-mid: xoq¹.

2

xog²: m.dh 1. Arrin xaqiiqdeeda dhabta ah. 2. la-mid: xoq¹.

3

xog³: f.g1 (-gay, -gtay) la-mid: xoq³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xog

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Arrin xaqiiqdeeda dhabta ah. 2. la-mid: xoq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xog

DHAFANDHAAF

f. n. secret; essence of an issue

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xog

DHAFANDHAAF

-ta: (n) inside information; secret (si-kareety, confidentiality (kon-fi-dhen-shaalatiy, confidential information ~ sir

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Xog

DHAFANDHAAF
1

Confidenza

2

Confidence

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xog

DHAFANDHAAF
1

(fal) ciddiyaha ku xaquuq. Dhabarka i sog Dh: xoq.

2

xog -ta: (magac, dhedig, keli) war iyo wacaal arrin ku saabsan; macluumaad run ah oo wax gaar ah ku saabsan in yarina og tahay.

3

xog-ta: (magac, dhedig, keli) barbar; meel weyn qayb ka mid ah. Dh: dhinac, gees, barbar.

4

xog-ta: (magac, dhedig, keli) horaad iyo dambeed isku dhinac ah. Dh: dhan.

5

xog -ta: (magac, dhedig, keli) eeg xagayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xor

DHAFANDHAAF
1

(Xor-ta)

2

1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shiidaad kale horjoogin ama xayirayn.

3

2. (dhar) dacal; daraf; serji.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xor

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shiidaad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xor

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shiidaad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xor

DHAFANDHAAF
1

f. n. (adj.): free person; independent, free

2

xor [feminine] n. edge ~ fringe of a garment

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xor

DHAFANDHAAF

-ah: (adj) free (firii); released (riliisidh); freed (firiidh); liberal (li-baraal); liberated -xor -ta: (n) independent (in-di-peen-dhent) ~ isutalis, madaxbannaan, Ex: dawladaha xorta ah; the independent countries

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xor

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) cid kale ka madax bannaan ah; addoon ahayn gumaysina ku hoos jirin.

2

xor -ta: (magac, dhedig, keli) madax bannaani xaq ah oo ay cidi haysato. Beni aadanka isga oo xor ah ayaa la dhalay. Dh: gob.

3

xor -ta: (magac, dhedig, keli) maro la xidho. Dh: xodh.

4

xor -ta: (magac, dhedig, keli) maro darifkeed; dacal ay maro leedahay. Xorta ayaa ina wiilwaal subag loo geshay. Dh: daraf, serji.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xow

DHAFANDHAAF

(ereycodeed) erey xoolaha loogu yeh 'kaalay' macnahiisu yahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xoqad

DHAFANDHAAF
1

1. (Xoqad-da) a) Dooribeyn, biladdaye. b) Qun, xoqato.

2

2. (Xoqad-ka) Xoqasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xoqad

DHAFANDHAAF
1

xoqad¹: m.l la-mid: xoqasho.

2

xoqad²: m.dh 1. (-do, m.l) Diirad, dooribeyn, biladaye. 2. Qun, xoqato.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xoqad

DHAFANDHAAF

m.dh 1. (-do, m.l) Diirad, dooribeyn, biladaye. 2. Qun, xoqato.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xoqad

DHAFANDHAAF
1

vl. n. scratching, scraping

2

xoqad [feminine] n., [collective] tonsil ~ tonsils; inflammation of the adenoids

3

xoqad [feminine] n. binoculars; telescope

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xoqad

DHAFANDHAAF

-da: (n) binoculars (ba-naa-kilar); compass (kampas) ~ diirad, doorbin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoqad

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) muraayad indhaha la gashado. Dh: okiyaalo. Wa: xogado.

2

xoqad-ka: (magac, lab, keli) dooribayn, biladdaye.

3

xoqad-ka: (magac, lab, keli) ku cacaminta cidiyaha oogada jidhka si dareen jira loo bi'iyo. Xogadka badan iska daa jidhka ayaa ku dhiigiye. Dh: xoqasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

xoqad

DHAFANDHAAF

حك

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xoqan

DHAFANDHAAF
1

1. La xoqay.

2

2. Hoolan, xaquuqan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xoqan

DHAFANDHAAF

der. [adjective] scraped, scratched

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xoqan

DHAFANDHAAF
1

de: scraped, scratched

2

initial: x

3

lx: xoqan

4

pd: (xoqnaa)

5

ps: adj-der

6

key: xoqan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xoqid

DHAFANDHAAF
1

(Xoqid-da)

2

1. Ciddi ama wax kale, wax korkood, ku murmurxin, ku jiidjiidid, ku xagxagid.

3

2. Xaquuqid, sinsimid.

4

3. Dawo qabsinnada la geliyo oo saxarada aad u adkaatay lagaga soo nadiifiyo, wax ku farsamayn.

5

4. Qalabka, daawadaas, qabsinnada gudohooda lagu geeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xoqid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg xoq³. la-mid: xogid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xoqid

DHAFANDHAAF

-da: (n) scratching (iska-raaj-ing); rubbing (rab-ing) ~ see [eeg] xoqasho

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoqid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig keli) ku cacaminta cidiyaha oogada jidhka si dareen jira loo bi'iyo. Xoqid badanidaa ma cadhaa ku haysa. Dh: xoqis.

2

xoqid-da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar sancayn oo qori dabada ka gelgelin. Xoqid aan cilmi lahayn waa halis. Dh: sancayn, xoqis.

3

xoqid-da: (magac, dhedig, keli) calool adkaatay shubid oo ka socodsiin.

4

xoqid -da: (magac, dhedig, keli) jijibin oo wax meel ku dhejisan ka daguugid. Xoqidda renjiga qof shaqaale ah u dir. Dh: xaquuqid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoqis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xoqid.

waa la naqliyay ✓