xoololajoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoololajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolaha iyo danta guud ilaaliya. Dh: xoolajir. Li: xeerlajoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolamoog
-ga: (magac, lab, keli) qof aan xoolojir ku fiicnayn oo aan ilaalintooda lagu hallayn karin. Xoolamoog xoolo looma dirto. Dh: caanamadhame, xoolaseeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waayaaragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof dhegeysi badan oo sheekooyinka iyo xigmadaha odayada golaha fadhiista ururiya. Rag waa geedjoog ama golajoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nololaqoon
f. n., [compound] biology
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nololaqoon
de: biology
lx: nololaqoon
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
syn: bayooloji
key: nololaqoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerlajoog
-ga: (magac, lab, keli) garyaqaan xeer'ilaaliye ah oo gardarrada la dagaallama. Xeerlajoog ahaw ama xoololajoog. Dh: xeerilaaliye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolo la'aan
f. n., [compound] poverty, destitution
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolo_la'aan
de: poverty, destitution Lit: lack of livestock
initial: x
lx: xoolo la'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: xoolo_la'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golejoog
-ga: (magac lab keli) nin meesha lagu arrinsado aan ka dhammaan oo goleyaasha ka arrimiya ama dhegeysta oo wax ka korodhsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobjoog
m.l Qof dhacdo markay dhacday ogaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobjoog
m.l Qof dhacdo markay dhacday ogaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobjoog
m. n., [compound] (adj.): witness, observer; present
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobjoog
-ga: (n) eyewitness (eey wit nes); present
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobjoog
-ga: (magac, lab, keli) qof joogay meel ay wax ka dheceen ama ka dhacayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobjoog
de: witness, observer; [atr.] present
lx: goobjoog
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: goobjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosjoog
f.g1 (-gay, -gtay) Cid ku hoos noolaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosjoog
v. be subordinate to ~ inferior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosjoog
(fal) gacanyare ama kaaliye, cid kale u noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosjoog
de: be subordinate to ~ inferior (in grade ~ position in relation to s.o.)
lx: hoosjoog
pd: (hoosjoogay)
ps: v1=intr
key: hoosjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islajoog
m.dh Lax irmaan oo daaqsinta aan laga reebin ilmaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoog
f.mg1 (-gay, -gtay) Meel dan la'aan u joogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogjoog
v. stay a while, hang around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogjoog
-ga: (magac, lab, keli) meel iska taagnaanta aan macno lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogjoog
de: stay a while, hang around
lx: joogjoog
pd: (joogjoogay)
ps: v1=pl
key: joogjoog
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oollayso
v., neg., present progressive: it [fem.] is not going to be there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oollayso
de: it [fem] is not going to be there
lx: oollayso
ps: v4c-3f-neg-prpg
xe: My watch is not going to be on the table.
xv: Saacaddaydu miiska ma oollayso.
key: oollayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerojoog
-ga: (magac, lab, keli) neef in badan reerka joogay oo asalkiisa iyo faciisa la garanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Weel la tolay wax isticmaal u diyaar ah ka dhigid. 2. (f.mg) Xoolo yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoolayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Weel la tolay wax isticmaal u diyaar ah ka dhigid. 2. (f.mg) Xoolo yeelasho. m.f.dh, xoolaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolayso
v.auto: make oneself rich, enrich oneself, prosper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolayso
(fal) xoolo yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolayso
de: make oneself rich, enrich oneself, prosper
initial: x
lx: xoolayso
nt: xoolaysad (ka) [vn-m], xoolaysasho (/da) [vn-f], xoolaysi (ga) [vn-m]
pd: (xoolaystay)
ps: v3b=auto
key: xoolayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlajoog
m.dh.u Nafley la rabbaysna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidlajoog
m.dh.u Nafley la rabbaysna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidlajoog
m. n., [compound] domestic animal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidlajoog
de: domestic animal = cid + la + joog
lx: cidlajoog
pd: (-ta)
ps: n2a-m-cmp
key: cidlajoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonijoog
-ga: (magac, lab, keli) gaar u socod; neef aan xoolaha kale raacin oo kelidii daaqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoog
jilbajoog¹: m.l Istaagga jilbaha lagu istaago.
jilbajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cid jilbo isku taagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilbajoog
m.l Istaagga jilbaha lagu istaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajoog
-ga: (magac, lab, keli) istaagga jilbaha lagu joogsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulajoog
-ga: (magac, lab, keli) ruuxa ku nool magaalo yar, ee aan docna u dhaafin. Dh: badaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebajoog
-ga: (magac, lab, keli) cidda xeebta iyo inta u dhaw degta. Dh: xeebjoog, xeebojoog.
xeebajoog -ta: (magac, dhedig, keli) shimbir badda ku nool oo berigana u soo baxda oo inta badan caddaan ah. Dh: ceelaljoogjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebojoog
-ga: (magac, lab, keli) eeg xeebajoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaggoo
f.mg2 (-ooyay, -oysay) U x.: qof cayroobay xoolo ku kaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaggoo
(fal) dad baahan xoolo sii. Adaa hayee xoolaggoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaseeg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan xoolo jir ku fiicnayn oo aan ilaalintooda lagu hallayn karin. Dh: caanamadhame, xoolamoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooloseeg
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolaha baylihiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bohololood
-ka: (magac, lab, keli) meel boholo badan leh. Dh: boholood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelaljoog
m.dh 1. Rag xoolaha ceelka u jooga oo waraabiya. 2. Nooc shimbiraha ka mid ah oo badanaa aan laga ag waayin meelaha biyaha leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelaljoog
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad shinbiraha ka mid ah oo aan laga waayin ceelasha dushooda. Dh: ceeljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolkafool
-ka: (magac, lab, keli) badheedh iyo qarsoodi la'aan is kaga horimaansho.
foolkafool -ka: (magac, lab, keli) iska hor imaad toos ah. Dagaal foolkafool ah baa dhacay. Dh: toos.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golokabood
-ka: (magac, lab, keli) madal lagu kulmay ka ciyaarid. Golokaboodka waa lagu jabaa aan la sii barane. Dh: golekabood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogajooge
(Joogajooga-ha)
Cubcub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogajooge
m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Socod aan la joogsanayn maalin dhan. 2. Taag-naan aan nasiino lahayn. 3. Cucub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogajooge
m. n. plug, stopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogajooge
-ha: (magac, lab, keli) hummaag dad loo ekaysiiyo oo beeraha iyo wixii la mid ah lagu taago si looga ilaaliyo shimbiraha iyo dugaagga. Dh: mudutuul, malluug, magalooti.
joogajooge -ha: (magac, lab, keli) saca marka uu ka dhinto ilmuhu, haragga lagu maalo ee ilmaha looga dhigo. Dh: gondaal, buubuule, cucub.
joogajooge-ha: (magac, lab, keli) waqti xidhiidhsan hawl ama socod aan kelfis lahayn. Joogajooge dhaan waa tamuum, joogajooge geel waa wabax, joogajooge dadna waa adhiwad. Dh: kelfis, bobojin, yohoon, tamuum.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogajooge
de: plug, stopper
lx: joogajooge
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: joogajooge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolagooyo
-ha: (magac, lab, keli) hab dadka baahan ama cayrooba xoolo loogu urursho. Xoologooye waa xeer soo jiray. Dh: baahayn, dhawrtay taageero, xoolasiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoologarad
-ka: (magac, lab, keli) qof wax walba duunyo ka raaca oo maal jecel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xortolasho
m.f.dh eeg xortolo.