xoolobuuxis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolobuuxis
gu'gii ka danbeeyey abaartii la odhanjiray xoolafidha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorbuuxis
-ka: (magac, lab, keli) roob dhibic yar oo aan degdeg ku qaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooroduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbuuxis
(timaame) cantuugo mar afka la geliyo. Hilibkii maanta waslad afbuuxis ah ayaan ka cunay. Dh: qantuugo, cantuugo, afbuuxsi.
afbuuxis -ka: (magac, lab, keli) jiitin ood ah oo irridda lagu oodo; ood weyn oo irridda reerka lat saaro inta an la dhacamin. Afbuuxis ma saartay, intaad dhacamaynin. Dh: jiitin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbuuxis
-ka: (magac, lab, keli) labo xaglood oo is dhameystira. Haddii labo xaglood oo mid walba 45 ah la isku geeyo oo ay isku noqdaan 90 - waxay sameeyeen isbuuxis oo waxay yeesheen xagal qumman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulis
-ka: (magac, lab, keli) meel cidhiidhi ah horay u dhexgalins.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobdumis
m.l.kh G. ah: qof ciyaaraha dhabqiya ama fadqalaleeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobdumis
vn-m (adj.): harm, destructiveness; destructive, harmful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobdumis
-ka: (n) one who causes spoilage; spoiler (ispooy-ler)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobdumis
de: harm, destructiveness; [atr.] destructive, harmful
lx: goobdumis
pd: (-ka ~ -ta)
ps: vn-m/f
key: goobdumis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golobuliin
m.l (cilmiga naflayda) Mid ka tirsan qayb borotiin ah oo ku milma milancusbeed aan rasiin ahayn kuna xargaga kulka. Qaybta badan oo golobuliin ah ayaa dhiigga ku jira: alfa, beeta iyo gaamma golobuliinka qaarkood ayaa ah ka hortagayaasha jeermiga iyo wixi lamida. Qaarna waxayd qaadaan: birta, dufanka iyo kobbarka dhiigga ku jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
golobuliin
m.l (cilmiga naflayda) Mid ka tirsan qayb borotiin ah oo ku milma milancusbeed aan rasiin ahayn kuna xargaga kulka. Qaybta badan oo golobuliin ah ayaa dhiigga ku jira: alfa, beeta iyo gaamma golobuliinka qaarkood ayaa ah ka hortagayaasha jeermiga iyo wixi lamida. Qaarna waxayd qaadaan: birta, dufanka iyo kobbarka dhiigga ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorabixis
m.l Bir dhuuban, daab xooggan leh oo weelasha lagu xordo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatiris
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha ka dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooraduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduugid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo tirtirid. Dh: mooraduugid, cidhibtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolodhiqid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo cayniqabasho oo ururintooda iyo daryeeliddooda ka shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolohunnay
m.l Qof xoolaha marka uu raaco daayaca.