xoolo-ha
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xoolo-ha
bien, propriété, animal domestique.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adduun
(Adduun-ka)
1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu nool yahay; duni.
2. Maal; xoolo; hanti; adduunyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adduunyo
(Adduunya-da)
Adduun; duni; maal; xoolo; hanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafasho
(Gaafasha-da)
1. (xoolo) habka neefka godlan oo la lisa hayaa isu taago oo lugaha u kala durkiyo; faarumaysasho.
2. Taagnaan ama socod gaar ah oo digtoonaani ku jirto, oo wax la qaban doono ama dhici doona la isu golaadiyo oo loo darbado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaan
ammaan¹: m.l 1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iyo wixi lamida oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.
ammaan²: m.dh Wax wanaagsan oo cid laga sheego. 2. Xoolo hadiyad ahaan loo siiyo madaxda ama boqorrada.
ammaan³: f.g1 (-nay, -ntay) Wax wanaagsan cid ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimic
m.l 1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.

miro
miro¹: m.l.u 1. Timaarta dhirtu dhasho. 2. Xabuubka beeraha ka baxa. 3. Tix ay heesi ka koobantahay. 4. Lohod iyo wixi lamida.
miro²: f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Xoolo kale ka soocasho. 2 (f.mg) Xoolo habeen daajisasho. 3. (f.mg) Xoolo habeen daaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ammaan
ammaan¹: m.l 1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iyo wixi lamida oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.
ammaan²: m.dh Wax wanaagsan oo cid laga sheego. Tusaale: Ammaan badan baa loo jeediyey qoraha buuggan. 2. Xoolo hadiyad ahaan loo siiyo madaxda ama boqorrada.
ammaan³: f.g1 (-nay, -ntay) Wax wanaagsan cid ka sheegid. m.f.dh, ammaanid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimic
m.l 1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miro
miro¹: m.l.u 1. Timaarta dhirtu dhasho. 2. xabuubka beeraha ka baxa. 3. Tix ay heesi ka koobantahay. 4. Lohod iyo wixi lamida.
miro²: f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Xoolo kale ka soocasho. 2 (f.mg) Xoolo habeen daajisasho. 3. (f.mg) Xoolo habeen daaqid. m.f.dh, mirasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maal
-ka: (n) wealth (weelth); riches (rijas); capital (kapital); means (miinis); resources (ri soorsis) ~ xoolo, hanti, maaliyad, raasammaal
maal -ay / maashay: (v) draw milk from an animal; example a cow, goat or she camel; milk (milk) ~ see also [eeg] muruqmaal
maal -maasha: (n) pus (pas); abscess (ab 'sees); matter (maater); mucus (miyuukas) ~ malax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raasammaal
-ka: (n) wealth (weelth); riches (rijas); capital (kapital); means (znzznzs); resources (risooris) ~ raasummaal, xoolo, hanti, maaliyad, maal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adduunyo
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka iyo waxa dul yaalla ee uumiye lagu abuuray. Adduunyo waa hadhka labadiisa gellin. Dh: duni, adduun.
adduunyo-da: (magac, dhedig, keli) hantida gaarla loo leeyahay. Adduunyo ninkaanan dhaqan, agtaada miyuu yimaad! Dh: maal, xoolo, hanti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayre
(timaame) xoolo halkay degenaayeen caws ka waayey oo dabadeed isaga tegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeg
(fal) caydh aan xoolo haysan noqo. Dh: caydhaw.
deeg: (fal) qoor kacsi dartiis la caatow.
deeg: (fal) fardo ama gammaan kale, fuul.
deeg: (ereycodeed) erey fardaha kolka la joojinayo la yidhaa sida awrta to' loo yidhaa kolka la fadhiisinayo ayaa deeg la yidhaa oo aayar baad ka degtaa joogsi dhaqaaq.
deeg -ta: (magac, dhedig, keli) dabargo' dhanka duunyada ama dadka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maal
(fal) candho caano ka lis. Saca ka maal. Dh: liso. Li: gaaxi.
maal -ka: (magac, lab, keli) magac guud oo koobsada hanti wixii eebbe ku siiyo oo dhan. Shanta maal ee adduunyo dameer shaa la yidhaa shuhuuraad iga geysay. Dh: xoolo, hanti.
maal -ka: (magac, lab, keli) neef ama in ka badan oo intay irmaan yihiin cid kale ergiso loo siiyo si ay u maalaan. Dh: awrqaad.
maal-sha: (magac, dhedig, keli) gunaad soo buurnaada oo yeesha malax iyo dhiig oo xoolaha ka soo baxa; qanjidh xumaada. Laxdii dharo maal baa ka soo baxday. Dh: dhullax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miritaan
-ka: (magac, lab, keli) aa'idtaan dhagax la shiido. Dh: shiiditaan.
miritaan -ka: (magac, lab, keli) eegitaan xoolo habeen la eego iyo daajintooda. Xooluhu xalay oo dhan bay miritaan ku jireen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirood
-ka: (magac, lab, keli) xoolo habeennimo daaqa; qof saq dhexe cunto u toosa. Lo' mirood ah ayuu libaax helay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo habeen daajin. Neef ad muunadda yaabtoo mirsiisayoo dixda geysoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suntasho
-da: (magac, dhedig, keli) sumad u yeelasho. Suntasho la'aan xoolo ha siidayn. Dh: sumdaysasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xilo-ha
femme, épouse.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hooso-ha
atelier.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolo-ogaa
m.l Qof ilaalinta xoolaha aad ugu feejigan. la-mid: xoolo-ogaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolo-ogaal
m.l (-llo, m.dh) la-mid: xoolo-ogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolo
(Xoola-ha)
1. Nafleyda la dhaqdo sida geela, lo'da, ariga; duunyo.
2. Wixii la lee yahay oo xoogsi laga tabco ama si kale loo helo; maal.
3. Hanti; lihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolo
m.l (-layow, m.l) 1. Saddexda meesi oo la dhaqdo (geed, lo', ari). 2. Hanti; maal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoolo
m.l (-layow, m.l) 1. Saddexda meesi oo la dhaqdo (geed, lo', ari). 2. Hanti; maal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolo
m. n., [collective] animal, livestock, cattle, flocks and herds; property, chattel, wealth, riches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoolo
-xoolaha: (n) 1. livestock (laayv-istook); domestic animals such as cattle, sheep, goat or camel. 2. wealth (weelth); riches (rijas); capital (kapital); means (miinis); resources (ri sooris) ~ maal, hanti, maaliyad, raasammaal
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
XOOLO
(I) Animale domestico, generico;
(E) Domestic animal, generic
(S) XOOLO (S. g.: Holo, Holo)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xoolo
Patrimonio
Patrimony
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolo
-ha: (magac, lab, keli) nafleyda la manaafacaadsado e la dhaqdo oo ah adhi iyo ishin. Xoolo hortood hub samayso. Dh: duunyo, maal.
xoolo -ha: (magac, lab, keli) wax la leeyahay oo lagu intifaacsado mood iyo noolba. Xagla laaban xoolo kuma yimaaddaan. Dh: maal, cuud, hanti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolo
de: animal, livestock, cattle, flocks and herds; property, chattel, wealth, riches
initial: x
lx: xoolo
pd: (/ha Pl: xoolayow (ga))
ps: n6-m, n8-m-col
syn: adduun, cood ~ cuud, maal
key: xoolo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xoolo
أَنْعَامٍ، حَيَوَانِ
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xolodh
v. chisel, carve out (to make a hollow space)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xolodh
de: chisel, carve out (to make a hollow space)
initial: x
lx: xolodh
pd: (xoldhay)
ps: v1=tr
key: xolodh
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gola-ha
conseil, centre, pièce, chambre.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nool-ka
tarif.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qolo-da
tribu, équipe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xolodho
m.dh Xalleefato.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xoog-ga
force, armée.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hablo-ha
filles.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hooyo-da
mère.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kooke-ha
cuisinier.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Olola-ha
campagne (de persuasion par ex.).
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xiiso-ha
intérêt.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zoologia
s.f. - soolojiya, cilmiga xayawaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobo-hale
m.l/dh (-layaal, m.l/dh) (xisaab) Goobo ama kubbad leh gacan dhererkiisu le'egyahay hal halbeeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoologarad
-ka: (magac, lab, keli) qof wax walba duunyo ka raaca oo maal jecel.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Goroyo-da
autruche.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kaalmo-ha
assistance.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Moofod-da
four.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nolol-sha
vie.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysad
(Xoolaysad-ka)
Xoolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysad
m.l la-mid: xoolaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysad
-ka: (magac, lab, kell) xoolo yeelasho: maal dhaqasho. Xoolaysadka waa loo hedladaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xooleeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolaysan
der. [adjective] treated with ghee ~ fat (of the inside of a new container)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysan
(tilmaame) la xooleeyey ah: xoolo laga dhigay ah. Agalku sidaa uu yahay wuu xoolaysan yahay.
xoolaysan: (tilmaame) wax la cusayb bixiyay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolaysan
de: treated with ghee ~ fat (of the inside of a new container)
initial: x
lx: xoolaysan
pd: (xoolaysnaa)
ps: adj-der
key: xoolaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolofidh
-a: abaar halis ahayd oo la soo maray waayo hore oo xoolaha dhammaysay. Xoolafidha ragayagii ogaa haw xisaabinine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooloseeg
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolaha baylihiya.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xooghaya-ha
1) secrétaire, 2) ministre, 3) secrétaire d'Etat.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolodhiqid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo cayniqabasho oo ururintooda iyo daryeeliddooda ka shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolohunnay
m.l Qof xoolaha marka uu raaco daayaca.