xoolaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysasho
(Xoolaysasha-da)
1. Xoolo yeelasho.
2. Weel gocoy ah, ku xoolaysan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysasho
m.f.dh eeg xoolayso. la-mid: xoolaysad, xoolaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo yeelasho. Xoolaysashada maanta ayaa noogu horraysa. Dh: taajirid, lacagaysasho, taraqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xiirasho oo timaha oo dhan xiirid. Dh: dhukurasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho; itaal yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobolaysasho
m.f.dh eeg gobolayso. la-mid: gobolaysad, gobolaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysasho
m.f.dh eeg qolayso. la-mid: qolaysad, qolaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booraysasho
(Booraysasha-da)
Ciid boor leh ku weesaysasho, biyo la'aan ama sabab kale darteed; goggobeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysasho
m.f.dh eeg boorayso. la-mid: booraysad, booraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) siigo ku tayamumid. Haddii biyo la waayo booraysashadu way bannaan tahay. Dh: boodhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysasho
m.f.dh eeg moorayso. la-mid: mooraysad, mooraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysasho
-da: (magac, dhedig. keli) eeg qoodaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofaysasho
m.f.dh eeg soofayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogaysasho
m.f.dh eeg toogayso. la-mid: toogaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeysasho
m.f.dh eeg xoogeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho. Dh: quwaysasho, xoogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysi
(Xoolaysi-ga)
Xoolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysi
m.l la-mid: xoolaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyaysad
-ka: (magac, lab, keli) hanti iyo xoolo yeelasho. Dh: xoolaysasho, hantiyaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysnaansho
m.l/dh la-mid: xoolaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolatirsasho
m.f.dh eeg xoolatirso. la-mid: xoolatirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tirsashada xoolaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) boodh marsad si salaad loo tukado. Dh: goggobaysasho, booraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolbaxsasho
(Foolbaxsasha-da)
1. Bunka subagga lagu dubo, subaxdii marsasho, cunid.
2. Quraacasho; hamuuntirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolbaxsasho
m.f.dh eeg foolbaxso. la-mid: foolbaxsad, foolbaxsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolbaxsasho
vl. n., [compound] rubbing the ghee ~ oil from fried coffee beans on one's face and body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolbaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baxsashada ama lumitaanka xoolaha, kolka ay xanuunka foosha xamiliwaayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolbaxsasho
a: foolbaxsad (ka) [vn-m], foolbaxsi (ga) [vn-m]
de: rubbing the ghee ~ oil from fried coffee beans on one's face and body
lx: foolbaxsasho
pd: (/da)
ps: vn-f-cmp
key: foolbaxsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolofaysasho
m.dh la-mid: qolfaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoondaysasho
m.f.dh eeg qoondayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toxobaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) madax, toxob yeelasho, toxobaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laysasho
(Laysasha-da)
Wada idlaysasho; Dhammaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laysasho
m.f.dh eeg layso. la-mid: laasad, laasasho, laysad, laysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laysasho
vl. n. consuming completely, act of finishing up ~ off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan soo ugaadhsi ama dilasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laysasho
a: laysi (ga) [vn2a-m]
de: consuming completely, act of finishing up ~ off
lx: laysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: laysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Weel la tolay wax isticmaal u diyaar ah ka dhigid. 2. (f.mg) Xoolo yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoolayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Weel la tolay wax isticmaal u diyaar ah ka dhigid. 2. (f.mg) Xoolo yeelasho. m.f.dh, xoolaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolayso
v.auto: make oneself rich, enrich oneself, prosper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolayso
(fal) xoolo yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolayso
de: make oneself rich, enrich oneself, prosper
initial: x
lx: xoolayso
nt: xoolaysad (ka) [vn-m], xoolaysasho (/da) [vn-f], xoolaysi (ga) [vn-m]
pd: (xoolaystay)
ps: v3b=auto
key: xoolayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolsasho
m.f.dh eeg loolso. la-mid: loolsad, loolsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noolaasho
vl. n. living, life, state of being alive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noolaasho
-noolaashaha: (n) liveliness (laayvli nes)-, vitality (vitaaliti)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noolaasho
a: noolaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: living, life, state of being alive
lx: noolaasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: noolaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodsasho
m.f.dh eeg xoodso. la-mid: xoodsad, xoodsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogsasho
m.f.dh eeg xoogso. la-mid: xoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) iskaa shaqaysasho. Dh: tabcasho, hedlasho, xoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysad
(Xoolaysad-ka)
Xoolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysad
m.l la-mid: xoolaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysad
-ka: (magac, lab, kell) xoolo yeelasho: maal dhaqasho. Xoolaysadka waa loo hedladaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xooleeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolaysan
der. [adjective] treated with ghee ~ fat (of the inside of a new container)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysan
(tilmaame) la xooleeyey ah: xoolo laga dhigay ah. Agalku sidaa uu yahay wuu xoolaysan yahay.
xoolaysan: (tilmaame) wax la cusayb bixiyay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolaysan
de: treated with ghee ~ fat (of the inside of a new container)
initial: x
lx: xoolaysan
pd: (xoolaysnaa)
ps: adj-der
key: xoolaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xooxsasho
(Xooxsasha-da)
Xoox ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xooxsasho
m.f.dh eeg xooxso. la-mid: xooxsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoox ka lisasho. Dh: xooxsad, xooxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo geeri. Dh: Allaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filaysasho
(Filaysasha-da)
Isla fil yeelid; isla simid; isku dhererin; filaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysasho
m.f.dh la-mid: facaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filaysasho
vl. n. equalization; becoming a member of a peer-group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysasho
-ha: (magac, lab, keli) fil iyo fac u haysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filaysasho
a: filaysi (ga) [vn2a-m]
de: equalization; becoming a member of a peer-group
lx: filaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: filaysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) gorof hogayn oo dab ku gembiyid.
hogaysasho -da: (magac, dhedig, keli) hilib ama cunno kale hog ku dubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holansasho
m.dh la-mid: holmisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlaysasho
m.f.dh eeg idlayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax tuullaa ama tirsanaa, ibir ka dhigid; dhammaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysasho
m.f.dh eeg jilayso. la-mid: jilaysad, jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysasho
m.f.dh eeg malayso. la-mid: malaysad, malaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodeysasho
m.f.dh eeg oodeyso. la-mid: oodeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysasho
m.f.dh eeg qalayso. la-mid: qalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xad yeelasho; daari jeexasho. Dh: xadaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysasho
(Xagaysasha-da)
(xoolo irmaan) xag ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysasho
m.f.dh eeg xagayso. la-mid: xagaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhan keliya ka maalid. Hasha xagaysashada ka daa oo dhan walba ka lis. Dh: xaglisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaysasho
m.f.dh eeg xayayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xayaysiis samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysasho
(Xeraysasha-da)
1. Xero gashad.
2. Waxbarasho darteed, xer ahaan meel u joogid, u aadid, ugu maqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysasho
m.f.dh eeg xerayso. la-mid: xeraysad, xeraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xero nadab ah geysasho. Dh: xeraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysasho
(Beelaysasha-da)
Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; beelaysi; gumeysi; raaciye ka dhigasho; isticmaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysasho
m.f.dh eeg beelayso. la-mid: beelaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) beelbeel u samaysasho, qaab beeleed u ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaysasho
m.f.dh eeg bislayso. la-mid: bislaysad, bislaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bislaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel kore oo dusha laga fuulo samaysasho. Dh: callaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colleysasho
m.f.dh eeg colleyso. la-mid: colleysad, colleysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colleysasho
-da: (magac, dhedig, keli) colleysad; collaysiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslaysasho
m.f.dh eeg cuslayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaysasho
m.f.dh eeg dallayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag filasho. Dh: filasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ehelaysasho
-da: (magac, lab, keli) cid kale, ehel iyo qaraabo ka yeelasho. Dh: ehelaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorarsasho
m.dh la-mid: foororsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hoos gorodda u laallaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) guul helid; libin gaadhid; imtixaan helis. Li: guuldaraysasho, jab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waalid oo duufsasho.
hallaysasho -da: (magac, dhedig, keli) wax kharriban ama cilladaysan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeclaysasho
m.f.dh eeg jeclayso. la-mid: jeclay-sad, jeclaysi.