xoogeys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeys
-ka: (magac, lab, keli) taag iyo tayo ka taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Xoog yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoogeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Xoog yeelasho. m.f.dh, xoogeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogeyso
v.auto: grow stronger, strengthen oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoogeyso
-xoogeystay / xoogeysatay: (v) become stronger; be strong; be restored; recuperate (ri-kuu-pareeyt); make a comeback ~ tabarayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeyso
(fal) itaal iyo tamar yeelo. Cadawga u xoogayso. Dh: itaalayso, tamarayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogeyso
de: grow stronger, strengthen oneself
initial: x
lx: xoogeyso
pd: (xoogeystay)
ps: v3b=auto
key: xoogeyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogey
(fal) cid kale cudud ku taageer; xoog iyo tamar ku kordhi. Waxbarashada dalka xoogey, Dh: xooji, xoogee, tamaree. Li: laciifi.
xoogey-ga: (magac, lab, keli) in yar oo aan badnayn oo la yaraysanayo. Dh: inyar, waxoogaa, xoogaa, waxoogeey, qadar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogeyn
(Xoogeyn-ta)
Xoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeyn
m.f.dh eeg xoogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale cudud ku taageerid; xoog iyo tamar ku kordhin. Dh: xoojin, xoogeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeysasho
m.f.dh eeg xoogeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeysan
(tilmaame) wax la xoojiyay oo la tamareeyey ah. Ciidanka dhulka oo diyaarado ku xoogeysan ayaa meeshii qabsaday. Dh: xoojisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogeysi
-ga: (magac, lab, keli) kaayaysi oo kolba mar waxqabadka la wareegid. Dh: meerto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysi
-ga: (magac, lab, keli) xoog yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogayso
(fal) itaal iyo tamar yeelo. Cadawga u xoogayso. Dh: itaalayso, tamarayso. Li: daciif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): strong, powerful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoogweyn
-aa / ayd: (adj) very strong; vigorous (viga-ras); mighty (maay-ti); powerful (paawer-fuul)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogweyn
ciyaar qadiimi ah oo ka mid ah ciyaaraha jiibta, jaanta iyo sacabka lagu ciyaaro oo ku caan ah Jabuuti, dhulka Soomaalida ee Itoobiya, gobollada Waqooyi-Galbeed iyo Awdal ee Soomaaliya. Dh: saddexley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogweyn
de: strong, powerful
initial: x
lx: xoogweyn
pd: (xoogweynaa)
ps: adj-cmp
key: xoogweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogeys
(Ogeys-ka)
Qof arrin gaar ah aad u yaqaan; waxyaqaan; aqoondhaaf; khabiir; ogeys-dhaari, sida fardadhaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogeys
m.l Qof arrin gaar ah aad u yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogeys
m. n. expert, sage, knowledgeable person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogeys
-ka: (magac, lab, keli) khabiir wax badan og Dh: qoondhaaf, fardadhaari, ogeysdhaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogeys
de: expert, sage, knowledgeable person
lx: ogeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ogeys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeys
(Hogeys-ka)
Hilibka iyo cunnada kale oo hogta lagu dubey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogeys
m.l la-mid: hogeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogeys
m. n. food cooked in an earth oven
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hogeys
-ah: (adj) roasted underground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogeys
-ka: (magac, lab, keli) cunno ama hilib hog dab leh ku ridid si loogu bisleeyo. Dh: moofayn, dubid, karin.
hogeys -ka: (magac, lab, keli) gorof god qiiq lagu shiday ku gembiyid, si loo carfiyo wixii ilimaqabatay ah na looga dilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogeys
de: food cooked in an earth oven
lx: hogeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: hogeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogey
e.d Waa belo!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoogey
inter. shucks! too bad!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoogey
(inteijection) used to express sorrow or dismay: woe (wow)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoogey
de: shucks! too bad!
lx: hoogey
pd: (-da)
ps: intj
key: hoogey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg orgeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Wax xoog leh ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogee
v. strengthen, make strong, reinforce
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogee
a: xooji
de: strengthen, make strong, reinforce
initial: x
lx: xoogee
pd: (xoogeeyey)
ps: v2b=tr
key: xoogee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyeys
m.l la-mid: dooyeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gooreys
f. n. watch, clock, timepiece
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gooreys
a: goorhayso
de: watch, clock, timepiece
lx: gooreys
pd: (-ta)
ps: n-f
key: gooreys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooreys
-ka: ( magac,lab, keli) qof da' yar oo xilkas ah. Dh: mudakar, sobeer, qaangaadh, hanaqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeys
-ta: (magac, dhedig, keli) meel daaq iyo biyo leh u rarid. Dh: xergeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cudud ku taageerid; xoog iyo tamar ku kordhin. Xoogaynta tayada waxbarasho ayaa ah yoolka sannadkan. Dh: xoojin, xoogeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
docogeysi
m.l Tuugidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid wax illowsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogeysii
(fal) kaayaysii oo kolba mid hawsha u dhiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysad
-ka: (magac, lab, keli) xoog yeelasho. Dh: quwaysi, xoogaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogweyni
-da: (magac, dhedig, kelii) wax itaal weyn ahaansho. Dh: itaalweyni. Li: xoogyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogteyn
(Joogteyn-ta)
Wax jooga ama joogto ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogteyn
m.f.dh eeg joogtee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogteyn
-ta: (n) consistency (konsis-tansi); regularization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogteyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad qabanaysay, sii wadid oo waarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolleys
m.l la-mid: moolleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noocyeys
m.l la-mid: noocayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoodeysi
(Qoodeysi-ga)
Ceel u kaltamid; miilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoodeysi
m.l la-mid: qoodeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoodeyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax kaltan u gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoodeyso
v. do by turns, take turns (e.g., at the well)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoodeyso
bw: miileyso
de: do by turns, take turns (e.g., at the well)
lx: qoodeyso
nt: qoodeysi (ga) [vn-m]
pd: (qoodeystay)
ps: v3b=tr
key: qoodeyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg sooryays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogaysi
(Toogaysi-ga)
Kaltan; moogtan; jilaysi; meertaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogaysi
m.l la-mid: toogaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toogaysi
-ga: (n) shift or period of duty or participation; tour (tuur); rotating shift (shift) ~ kaltan, moogaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogaysi
-ga: (magac, lab, keli) kaltan, qaab wax dadka ka dhexeeya kolba qofuu u qaato iyadoo la wadaagayo. Dh: moogtan, jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogayso
f.g3 (-stay, -satay) Kaltan gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toogayso
v. take turns; do something in turn ~ by turns
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogayso
(fal) kaltan, oo markaaga qaado. Dh: moogtan, meertayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toogayso
bw: moogtan; meertayso
de: take turns; do s.t. in turn ~ by turns
initial: t
lx: toogayso
nt: toogaysi (ga) [vn-m]
pd: (toogaystay)
ps: v3b=tr
key: toogayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tooghayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xooghaye
m. n., [compound] secretary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xooghaye
a: xoghaye
de: secretary
initial: x
lx: xooghaye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xooghaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysi
(Xoolaysi-ga)
Xoolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysi
m.l la-mid: xoolaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo yeelasho: maal dhaqasho. Dh: xoolaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Weel la tolay wax isticmaal u diyaar ah ka dhigid. 2. (f.mg) Xoolo yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoolayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Weel la tolay wax isticmaal u diyaar ah ka dhigid. 2. (f.mg) Xoolo yeelasho. m.f.dh, xoolaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolayso
v.auto: make oneself rich, enrich oneself, prosper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolayso
(fal) xoolo yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolayso
de: make oneself rich, enrich oneself, prosper
initial: x
lx: xoolayso
nt: xoolaysad (ka) [vn-m], xoolaysasho (/da) [vn-f], xoolaysi (ga) [vn-m]
pd: (xoolaystay)
ps: v3b=auto
key: xoolayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoongays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yoongayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogeysiin
m.f.dh eeg moogeysii. la-mid: moogeysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaayaysin kolba mid hawsha u dhiibid. Dh: kaayaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogeysiis
m.l la-mid: moogeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogeysiis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg moogeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoog
(Xoog-ga)
Awood; itaal; tabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoog
xoog¹: m.l 1. Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda. 2. (-gag, m.l) Ciidan. 3. (-gag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda. 4. (fiisikis) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax.
xoog²: m.l (-gag, m.l) (fiisikis) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).
xoog³: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax khasab ku qaadasho. 2. Haweeney kufsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoog
xoog¹: m.l 1. Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda. 2. (xoogag, m.l) Ciidan. 3. (xoogag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda. 4. (fiisikis) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax.
xoog²: m.l (-gag, m.l) (fiisikis) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).
xoog³: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax khasab ku qaadasho. 2. Haweeney kufsasho. m.f.dh, xoogid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xoog
Force
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xoog
Inter fluve
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoog
m. n. strength, force; energy, power; army
xoog v. rob, overpower, take by force; rape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoog
-ga: (n) force (foorsi); strength (istareengkath); power (paawar); ability (a-biliti) ~ quwad. Ex: xoogga dalka; the national army force —xoog -ay / tay: (v) take by force; rob (roob); use by force (foorsi); rape (reeyp); plunder (palan-dher); subdue (sab-dhuu); pillage
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xoog
Forza
Force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoog
(fal) dhac oo xoog wax ku qaago. Weligaa dadka xoog naftaadu yaanay kuugu sheekeyn. Dh: boob, dhac.
xoog: (fal) gabadh u xoogsheego oo kufso. Wary hablaha ayaa xoog ku yidhi. Dh: qabso, kub.
xoog -ga: (magac, lab, keli) itaal wax lagu qabsado. Xoogga ad hayso xaaraan laguma quuto. Dh: awood, tamar, talax.
xoog-ga: (magac, lab, keli) fal duleed wax karaariya ama qaab doorsha.
xoog -ga: (magac, lab, keli) meel biyuhu ka shubmaan oo ah taagsin geedgaab leh. Dh: taagsin. Li: gotaan, luuq.
xoog -ga: (magac, lab, keli) ciidan hubaysan oo nidaam iyo tababar leh. Xoogga dalka ayaa dadka difaaca. Dh: ciidan, millateri.
xoog -ga: (magac, lab, keli) lugta inta jilibka iyo xididaleyda u dhaxaysa ee taagan. Dh: kub.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Xoog
قوة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooge
-ha: (magac, lab, keli) kuul daloolo waa weyn leh oo buluug ah.