xoog-danabwade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoog-danabwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (fiisikis) (XDW) Keyd faraqa ugu weyn ee uu dhaliyo il-danab (sida baatari), una dhexeeya cidhifyada il-danabka. Xoogga danab wadidda isha danabka (baatari) waxaa si sahlan loo cabbiri karaa, marka aanu ku xidhnayn mareeg danab. Waxa lagu cabbiraa foolt (V).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoog-danabwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (fiisikis) (XDW) Keyd faraqa ugu weyn ee uu dhaliyo il-danab (sida baatari), una dhexeeya cidhifyada il-danabka. Xoogga danab wadidda isha danabka (baatari) waxaa si sahlan loo cabbiri karaa, marka aanu ku xidhnayn mareeg danab. Waxa lagu cabbiraa foolt (v).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Electromotive force (EMF)
Xoog danabwade (XDW)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xood-taabte
m.l (-tayaal, m.l/dh) (xisaab) Garaaf fansaar tanjent. Kulannada kartis ee y=tanx waa xood kalgal ah oo leh laamo kala baxsan oo mid kasta leh bar rogmad halka dhibibkax kuna laacsan xarriiqyada x=+ , + 3 , + 5 iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awood-danabeed
m.dh (fiisikis) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awood-danabeed
m.dh (fiisikis) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ooogada carrada
Topsoil
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
unug-dareenwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.