xoog leh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoog leh
adj., [expression] strong, powerful, severe, intense
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoog_leh
de: strong, powerful, severe, intense
initial: x
lx: xoog leh
ps: adj-expr
xe: Adam is a strong man.
xv: Aadan waa nin xoog leh.
key: xoog_leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaryid
(Baaryid-da)
1. Xoog iyo culays saarid; riixid xoog iyo saamays leh; (ka baaryid, ku baaryid) weecasho ama weecin xoog leh.
2. (ganacsi) wax la iibina hayo (naado, xaraash), qof qiime madhaafaan ah gaaray, u deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barriijin
(Barriijin-ta)
Neef aad u orda haya si kedo ah oo xoog leh u joojin ama dhinac ugu leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barriiqasho
(Barriiqasha-da)
Sinbiriirixasho xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyaxir
(Biyaxir-ka)
Dhis xoog leh oo lagu joojiyo biyaha socona haya oo badda ama webiga ama durdurrada; biyacelis; (ama biyaxireen).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booddo
(Boodda-da)
1. Si degdeg iyo xoog leh, inta cagaha meel loogu dhufto, oo labo meelood laysaga hawakaco; bootin.
2. Cayayaan yar oo boodbooda oo dadka iyo nafleyda kale dhiigooda ku nool; qandhiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootin
(Bootin-ta)
1. Sid degdeg iyo xoog leh, qof ama wax kale, labo meelood isaga seeraarin, dhul taabad la'aan.
2. Booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Butaaco
(Butaaca-da)
Biyo iyo wax la mid ah oo badi iyo si xoog leh u soo baxa ama u soo kaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceego
(Ceega-da)
(qof) hunguriga, si xoog leh ugu dhegid, si neeftu uga soo bixi weydo oo uu u dhinto ama ku dhowaado; cunaqabato; miijis; mirjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabayl
(Dabay-sha)
Layr ama neecaw xoog leh oo dhabanaysa; xanfar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafid
(Dafid-da)
Qaadasho degdeg iyo xoog leh; la boodid; dhifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabannaano
(Dhabannaana-da)
Sacab fidsan oo si xoog leh qof dhabanki loogu dhufto; dharbaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharbaaxo
(Dharbaaxa-da)
Sacab furan ama shan farood iyo calaacal, oo si xoog leh, wax loogu dhufto; dhabannaano; (ama dhirbaaxo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhidbid
(Dhidbid-da)
Si xoog leh meel ugu mudid, uga taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhifsasho
(Dhifsasha-da)
Wax meel ku yaal ama qof hayo, si degdeg iyo xoog leh u goosasho; xoog ku qaadasho; wax la boodid; (ama dhufsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufad
(Dhufad-ka)
Jiidis dhaqso iyo xoog leh; dhuftin; (ama dhifad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filgin
(Filgin-ka)
Qori ama bir xoog leh oo af dhuuban oo gaaban oo ceelasha lagu qodo; feetin, kurtun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foore
(Foora-ha)
Dabayl xoog leh oo dhabata xilli roob dhow yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foori
(Foori-da)
Shanqar ama yeer la maqlo kolka inta bushimaha la isu dhoweeyo, neef xoog leh la soo saaro; fiijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaan
(Gaan-ka)
1. Xoog leh; adag.
2. Dihin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qosol leh
(adj) funny (fani); laughable (laafabal)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oogle
nickname; name-m to kindle, to light a fire; to drive, to urge on; high flames; early dawn. Lit: troublesome or he who was born early in the morning or at dawn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Oogle
magac loo baxsho wiil quruxdiisa lala yaabay oo ay hooyadii u arkaysay in uu la mid yahay kaaha dabka ka baxa kolka la ololiyo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XOOBLE
(Hobble) C.N Cardiospermum corindum L. Sapindaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Wax xoog leh ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogee
v. strengthen, make strong, reinforce
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogee
a: xooji
de: strengthen, make strong, reinforce
initial: x
lx: xoogee
pd: (xoogeeyey)
ps: v2b=tr
key: xoogee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogey
(fal) cid kale cudud ku taageer; xoog iyo tamar ku kordhi. Waxbarashada dalka xoogey, Dh: xooji, xoogee, tamaree. Li: laciifi.
xoogey-ga: (magac, lab, keli) in yar oo aan badnayn oo la yaraysanayo. Dh: inyar, waxoogaa, xoogaa, waxoogeey, qadar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Weel, dhig iyo wixi lamida asal, xayr iyo wixi lamida marin si loogu dhaqmo. 2. Cid xoolo u uruurin. 3. Godadka jarta, shaxda iyo wixi lamida dhagxaan ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolee
v. give livestock ~ property to someone, make someone rich
xoolee v. waterproof the inside of a fiber vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolee
(fal) xoolo dhaqo oo faraqabsiin xoolo nool ah yeelo. Kol haddaad muddakartay reerka u xoolee. Dh: xoolay dhaq. Li: caydhi
xoolee: (fal) bar adduun oon xoolo ahayn xoolo u rog. Dahabkan xoolee oo geel iyo adhika libi. Dh: xoolay.
xoolee: (fal) weel dux xoolaad ku shub oo cusaybka ka baabi'i: gocoyannimada ka bi'i. Dhiilka aad toshay xoolee. Dh: qaabay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jooglee
v. splash about
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jooglee
cf: dabaaljooglee
de: splash about
lx: jooglee
pd: (joogleeyay)
ps: v2b=
key: jooglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogogleh
f.mg4 (-lahaa, -lahayd) Ku o.: wax, meel kale u dhow ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogog_leh
cf: ag, dhowaan
de: neighboring, close, adjacent Alt sp: ogogleh
lx: ogog leh
pd: (ogog lahaa)
ps: adj-expr
key: ogog_leh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaas leh
adj., [expression] married (of a man)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaas leh
(adj) married (maa-ridh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaley
m.dh.u la-mid: xooladhaqato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolaley
f. n., [collective] cattle raisers, stock breeders
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolaley
de: cattle raisers, stock breeders
initial: x
lx: xoolaley
pd: (-da)
ps: n-f-col
syn: xooladhaqato
key: xoolaley
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhooqo leh
(adj) muddy (madhi); full of or covered with mud
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiig leh
(adj) 1. bloody (balaadhi) Ex: Shaati dhiig leh; a bloody shirt. 2. brave (bareeyv) ~ geesi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lacag leh
adj., [expression] rich, wealthy
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salag leh
adj., [expression] predictable, with full realization of the consequences
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uskag leh
(adj) dirty (deehi);, filthy (fil thi)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaq u leh
adj., [expression] eligible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaq u leh
(v) entitle (en-taaytal); be eligible (ele-jibal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiisa leh
(adj) exciting (ek-saayt-ing); dramatic (dhara-maatik.)-, interesting (in-tarist-ing)-, lovable (laavabaly, enthusiastic (en-thuu-zi-yaastik) ~ xiiso leh Ex: sheeko xiisa leh buu noo sheegay; He told us an interesting story
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiiso leh
adj., [expression] exciting, fascinating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiiso leh
(adj) exciting (ik-saayt-ing)-, dramatic (dhara-maatik)-, interesting (in-tarest-ing) ~ see [eeg] xiisa leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogsasho
m.f.dh eeg xoogso. la-mid: xoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) iskaa shaqaysasho. Dh: tabcasho, hedlasho, xoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaaley
m.dh la-mid: xoolaley.