xoodtaabte
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoodtaabte
m.l (-tayaal, m.l/dh) (xisaab) Garaaf fansaar tanjent. Kulannada kartis ee y=tanx waa xood kalgal ah oo leh laamo kala baxsan oo mid kasta leh bar rogmad halka dhibibka- x kuna laacsan xarriiqyada x=+ , + 3 , + 5 iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xood-taabte
m.l (-tayaal, m.l/dh) (xisaab) Garaaf fansaar tanjent. Kulannada kartis ee y=tanx waa xood kalgal ah oo leh laamo kala baxsan oo mid kasta leh bar rogmad halka dhibibkax kuna laacsan xarriiqyada x=+ , + 3 , + 5 iyo wixi lamida.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xood taabta
Tanject cure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodh'aaste
-ha: (magac, lab, keli) nin waraaboobay oo buuraha gala oo dad iyo duunyo wuxuu helaba qasha. Dh: qawlaysato, budhcad, jidgooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodaale
m.l Badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodaale
-ha: (magac, lab, keli) badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootaale
m.l la-mid: bootoole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodaale
-ha: (magac, lab, keli) qofka nasiibka iyo doobirta leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Jir nafley salaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoodaami
v. caress; massage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoodaami
-yey / say: (v) caress (ka-rees); fondle (foon-dhal); pet (pet); stroke (istarook); cuddle (ka-dhel) ~ salaax, xoodi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaami
(fal) salaax oo baabacadaada jidhka noole kale aayar u dulmarmari. Saca xoodaami ha godladee. Dh: salaax, xoodi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoodaami
bw: xoodi
de: caress; massage
initial: x
lx: xoodaami
nt: xoodaamin (ta) [vn-f]
pd: (xoodaamiyey)
ps: v2a=tr
key: xoodaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodnaan
(Xoodnaan-ta)
Wax xoodan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodnaan
xoodnaan¹: m.f.dh eeg xoodan². la-mid: xoodnaansho, xoodsanaan, xoodsanaansho.
xoodnaan²: m.dh 1. Dhakhsaha isbeddelka ee jihada xood halka bar gaar ahaneed ee xoodkaasi. 2. Rogaalka gacanka goobada, taas oo, si aad ah ugu ekaaneyso xood halka bar la isa siiyey.
xoodnaan³: m.dh (xisaab) Summad k. Dhaqsaha isbeddelka ee tiirada taabtaha ee xood, marka loo eego fogaanta ku dhereran xoodka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoodnaan
m.dh (xisaab) Summad k. Dhaqsaha isbeddelka ee tiirada taabtaha ee xood, marka loo eego fogaanta ku dhereran xoodka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xoodnaan
Curvature
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoodnaan
f. n., [abstract] state of being stroked ~ petted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoodnaan
-ta: (n) curvature (keer-vi-juur); concave (kon-keeyv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soo godan oo xoodan ahaan. Dhigta xoodnaanta waa loogu tala galay. Dh: godnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoodnaan
de: state of being stroked ~ petted
initial: x
lx: xoodnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xoodnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boostaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waraaqaha boostada ka soo qaada oo dadkii lahaa u geeya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boostaale
-boostaalaha: (n) [Pl. boostaalayaasha] mailman (meeyl-maan); postman (powst man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boostaale
-ha: (magac, lab, keli) qofka boosta ka shaqeeya, warqadaha kala habeeya, sanduuqyada ku kala rida. Dh: booswale.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sooraante
name-m giver of food; host; distributor. Syn: Sade, Soore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodaamin
(Xoodaamin-ta)
Salsalaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaamin
m.f.dh eeg xoodaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baabacada noole kale jidhkiisa aayar u dul marmarin oo ku salaaxid. Xoolaha rag kale xoodaamiyoow doob. Dh: salaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) salaaxid; xoodaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaansi
-ga: (magac, lab, keli) xoodaan la dhicid oo is kala daadin. Xoodaansiga bisadda iyo libaaxu waa iskaga mid. Dh: xoodaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaanso
(fal) salaaxidda macaanso. Sacyahaw xoodaanso.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xoogtaaran
Lasii xoojiyey, aad u xoogoon.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Moorasaante
nickname-m coral sentry, guide; pen guide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Moorasaante
magac loo bixiyo wiil midab casaan iyo caddaan u dhexeeya leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xood tuurre
Convex curve
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodnaansho
m.l/dh la-mid: xoodnaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodnaansho
-ha: (magac, lab, keli) soo godnaansho oo hoos u qalloocsanaan. Xoodnaanshaha da'baa duqaha u keenta. Dh: xoodni, godnaansho. Li: toosnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolagabeen
-ka: (magac, lab, keli) nin Alla wax silyay oo xoola badan leh. Dh: maalqabeen, hodan, taajir. Dh: caydh, faqiir Wa: xooloqabeenno.