ereyga

xolxolle

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xolxolle

DHAN

-ha: (magac, lab, keli) qori xulad ah oo weyn oo hoosta ka faaruq ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miici

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) dhirta qaar geed lab ah oo marka ay qallalaan aad u adkaada oo aan godintu dhakhso u jarin. Dh: oog, adag, biixi. Li: xolxolle, xorshosh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoldid

DHAABAN
1

-da: (magac, dhediq, keli) dhexda ka saarid oo xolxolle ka dhigid. Mooyaha xoldida waa loogu tala galay.

2

xoldid -da: (magac, dhedig, keli) jirrid taagan gunta dab kaga qabasho. Xoldidda geeduhu waa waxa dhulkii lama degaan ka dhigay. Dh: xuldid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xorshosh

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) wax dusta fayaw hoostana ka burbursan oo xoxolle ab xorxosh ayuu noqdaye beddela, Dh: xolxolle.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xolxol

DHAFANDHAAF
1

(Xolxol-ka)

2

Meel daloosha oo labo baal ama labo lakab dhexdood ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xolxol

DHAFANDHAAF

m.l Meel daloosha oo laba baal ama laba lakab dhexdooda ah. la-mid: xexeb, xoxob.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xolxol

DHAFANDHAAF

m. n. hollow, gap

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xolxol

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) meel daloosha oo labo baal ama labo lakab dhexdood ah. Xolxol laba dhagax dhexdood ah ayuu galay. Dh: rako.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xolxol

DHAFANDHAAF
1

de: hollow, gap

2

initial: x

3

lx: xolxol

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: xolxol

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

olole

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: ol'ole.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

olole

DHAFANDHAAF

m. n. assembly (of warriors); political campaign

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Olole

DHAFANDHAAF
1

Campagna

2

Campaign

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

olole

DHAFANDHAAF

-ha: (magic, lab, keli) kicin iyo guubaabo dad lagu baraarujiyo. Xaafadaha waxa laga qabtaa olole nadaafadeed. Dh: ol'ole.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

olole

DHAFANDHAAF
1

de: assembly (of warriors); [ext.] political campaign

2

lx: olole

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: olole

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

olole

DHAFANDHAAF

حملة

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kolole

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) dhawaaq xannuun kaa keenay. Xalay kololahaygii ma ledin Kaamil reeruhuye. Dh: jibaad, taah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ol'ole

DHAFANDHAAF
1

(Ol'ola-ha)

2

Arrin colaadeed ama nabadeed agaasimiddeeda iyo isku dubbarridkeeda; garmaame; dagaal; tabaabusho; shir colaadeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ol'ole

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iyo wixi lamida. la-mid: olole.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ol'ole

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iyo wixi lamida. la-mid: olole.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ol'ole

DHAFANDHAAF

m. n. council of war ( ~ peace); campaign

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ol'ole

DHAFANDHAAF

ol'olaha: (n) campaign (kaam-peeyn)~ olole

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ol'ole

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) kicin iyo dhiirigelin dadka lagu kiciyo si hadaf guud loo xaqiijiyo. Ol'olaha horumarinta reer miyiga ayaa la wadaa. Dh: abaabul.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ol'ole

DHAFANDHAAF
1

de: council of war ( ~ peace); campaign

2

lx: ol'ole

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: ol'ole

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ololee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: ol'olee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ololee

DHAFANDHAAF

(fal) eeg ol'olee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

XOOBLE

DHAFANDHAAF

(Hobble) C.N Cardiospermum corindum L. Sapindaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xoolee

DHAFANDHAAF

f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Weel, dhig iyo wixi lamida asal, xayr iyo wixi lamida marin si loogu dhaqmo. 2. Cid xoolo u uruurin. 3. Godadka jarta, shaxda iyo wixi lamida dhagxaan ku ridid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xoolee

DHAFANDHAAF
1

v. give livestock ~ property to someone, make someone rich

2

xoolee v. waterproof the inside of a fiber vessel

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoolee

DHAFANDHAAF
1

(fal) xoolo dhaqo oo faraqabsiin xoolo nool ah yeelo. Kol haddaad muddakartay reerka u xoolee. Dh: xoolay dhaq. Li: caydhi

2

xoolee: (fal) bar adduun oon xoolo ahayn xoolo u rog. Dahabkan xoolee oo geel iyo adhika libi. Dh: xoolay.

3

xoolee: (fal) weel dux xoolaad ku shub oo cusaybka ka baabi'i: gocoyannimada ka bi'i. Dhiilka aad toshay xoolee. Dh: qaabay

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

boqolle

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof lab ah. 2. Nin aad u fiican. la-mid: boqollow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boqolle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) aadame lab. Bogolle ninkii dilaa bogol buu bixin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

corolle

DHAFANDHAAF

corolle, n.f. - Qaybta hoose ee ubaxa

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ol'olee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -leysay) Olole samayn. la-mid: ololee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ol'olee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -leysay) Olole samayn. m.f.dh, ol'olayn. la-mid: ololee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ol'olee

DHAFANDHAAF

-yey / ol'oleysay: (v) campaign (kaam-peeyn); crusade (kuri-seeydh)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ol'olee

DHAFANDHAAF

(fal) abaabul oo dadka kici. U ol'olee nadaafada in lagu dedaalo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

golxaale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof golxo leh. Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraha. Dh: goodaad, godane, qoolaab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

nololley

DHAFANDHAAF

m.dh Dhammaan Gobolka sare ee dhulka, badda, iyo hawada oo ay ku noolyihiin noolayaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

nololley

DHAFANDHAAF

m.dh Dhammaan Gobolka sare ee dhulka, badda, iyo hawada oo ay ku noolyihiin noolayaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

volaille

DHAFANDHAAF

volaille, n.f. - shimbiraha hilibka leh (la cuno): digaagga, xamaamka, digiirinka iwm; shimbiraha la dhaqdo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baloolley

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baloolley

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo. 3. Jaad ka mid ah ciyaaraha saarka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

baloolley

DHAFANDHAAF

f. n. she-camel without calf that will ~ will not give milk depending on her mood

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baloolley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Gabdhuhu saf bay u joogsadaan wiilashu na saf, kolkaa, marba gabadh iyo wiil baa ciyaara. Waxa lagu furaa gabay araar ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

baloolley

DHAFANDHAAF
1

de: she-camel without calf that will ~ will not give milk depending on her mood

2

lx: baloolley

3

pd: (-da)

4

ps: n2a-f

5

key: baloolley

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoloqolee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -leysay) Dad meel wada deggan ama wada jooga qabiil qabiil u kala saarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

u ol'olee

DHAFANDHAAF

v. organize a campaign for something ~ someone

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

u_ol'olee

DHAFANDHAAF
1

de: organize a campaign for s.t. ~ s.o.

2

initial: u

3

lx: u ol'olee

4

pd: (ol'oleeyey)

5

ps: v2b=expr

6

key: u_ol'olee

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Xuledulle

DHAFANDHAAF

Nooc ka mid ah magdaxyada kan ugu yar ee loogu isticmaalo duleelinta looxa jilicsan ee qarada yar; sida magdax dullaha oo kale ayuuna wax u tabeeyaa.

waa la naqliyay ✓