xoghay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoghay
v. know a secret, be in someone's confidence; hold the post of secretary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoghay
de: know a secret, be in s.o.'s confidence; hold the post of secretary
initial: x
lx: xoghay
pd: (xoghayey)
ps: v2a=
key: xoghay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoghaye
(Xoghaya-ha)
1. Qof hawshiisu tahay inuu qof kale ama maamul ama urur, u hayo oo u kala agaasimo buugagga iyo xaashiyaha qoran ama la qorayo oo dhan.
2. Qof qaybaha waaweyn oo taliska middood u madax ah; wasiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoghaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Qof hawshiisu tahay in uu cid kale u hayo ama u agaasimo xafiis ay ka fulaan qoraallo raadreeb leh. 2. Wasiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoghaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Qof hawshiisu tahay in uu cid kale u hayo ama u agaasimo xafiis ay ka fulaan qoraallo raad-reeb leh. 2. Wasiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoghaye
m. n., [compound] secretary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoghaye
-xoghayaha: (n) secretary (sek-rateri)-, receptionist (ri-sep-shaniisty, —xoghayeha guud: (n) the general secretary or the secretry general
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoghaye
-ha: (magac, lab, keli) cid maamul u qaabilsan haynta malafaadka muhiimka ah iyo. habsami u socodka hawlaha xafiiskaa gaar ahaan fadhiyada iyo qorshohawleedyada. Dh: sakrateer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoghaye
a: xooghaye
de: secretary
initial: x
lx: xoghaye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xoghaye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xoghaye
أمين
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoghayn
(Xoghayn-ta)
1. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
2. Meesha ama xafiiska xoghayuhu fadhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoghayn
m.dh 1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoghayn
m.dh 1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XOGHAYN
Segreteria
Secretariat
Waa xafiiska hawshiisu tahay kaalinta tooska ah ee Maamulka, gaar ahaanna uga warqaba xogta hawlaha kala duwan ee halkaas laga qabto, iyo uruurinta iyo meelaynta warqadaha Maamulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoghayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guddi ka kooban xoghayaha iyo inta la shaqaysa. Haddii guddiga fulintu talo go'aamiyo xoghaynta ayaa loo tebiyaa.
xoghayn -ta: (magac, dhedig, keli) xafiiska xoghayuhu fadhiisto. Daartaayi waa xoghayntii xisbiga muxaafidka.
xoghayn -ta: (magac, dhedig, keli) haynta xogta iyo wararka runta ah ee arrin ku saansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xog'ogaal
(Xog'ogaal-ka)
Ogaanta wax guntooda la og yahay oo dhab looga warqabo; xoghayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Municipal Secretary
Xoghayaha Belediyada
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Secretariat
Xoghays

Secretary

Secretary (first, second etc)
Xoghaye (Kowaad, Labaad)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Secretary General
Xoghaye guud
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
segretario
s.m. - xoghaye.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
segreteria
s.f. - xoghayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sottosègretario
s.m. - xoghaye ku xigeen.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
secretary (n)
ser heeshmi
xoghayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaal
-ka: (magac, lab, keli) ka warqabid sal iyo baar ah oo sugan. Dh: aqoon.
ogaal -ka: (magac, lab, keli) war iyo wacaal tifaftiran oo dhammaystiran u hayn. Ogaal diidaa, nac waaruu leeyahay. Dh: warqab, xoghayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorqorti
-ga: (magac, lab, keli) nin xeerbeegtida ka mid ah oo u xilsaaran xafidka iyo diiwaangelinta dacwada. Qorqortigu waxa la leeyahay ha dhegeysto. Dh: xoghaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xog'ogaal
-ka: (magac, lab, keli) qof meel uu jooga wixii ka dhacay oo dhan aad u og oo macluumaad badan ka haya. Dh: xoghaye. Li: xogmooge, xoglaawe, warmooge.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogogaal
-ka: (magac, lab, keli) qof meel uu jooga wixii ka dhacay oo dhan aad u og. Dh: xoghaye Li: xogmooge, xoglaawe, warmooge.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xog-hayn
Segreteria
Secretariat
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xooghaye
m. n., [compound] secretary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xooghaye
a: xoghaye
de: secretary
initial: x
lx: xooghaye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xooghaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooghay
f.mg2 (-yay, -ysay) U t.: wax dhicitaankooda u diyaargaroobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tooghay
f.mg2 (-yay, -ysay) U t.: wax dhicitaankooda u diyaargaroobid. m.f.dh, tooghayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooghay
v., [compound] have for an objective, take as one's aim
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tooghay
-ay I say: (v) [with proposition u] remember (ri-meem-ber); bear in mind ~ u tooghay, la soco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghay
(fal) wax imaandoona warqabkood lahaw.
tooghay: (fal) (u ~) ka warqab, ka warhay. U tooghay oo ha hagran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooghay
de: have for an objective, take as one's aim
initial: t
lx: tooghay
nt: tooghayn (ta) [vn-f]; with preposition u
pd: (tooghayey)
ps: v2a=cmp
key: tooghay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogay
(fal) meel durugsan gee ama ku tuur. Dh: fogee.
fogay: (fal) cid kale, faquuq oo takoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogay
(fal) hilib ama cunto kale, hog ku bislee ama ku dub.
hogay: (fal) weel caano lagu liso, cul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoday
(Xoday-ga)
Geed-quwaax xabag wanaagsan oo wax lagu daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoday
m.l Geed-quwaax xabag wanaagsan oo wax lagu daweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoday
m. n. medicinal herb species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
XODAY
[HODAI] Commiphora hodal 03, C. incisa 01, C. oddurensis 01, c. senniI 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XODAY
(Hodai) All.Som. Commipora hodai Sprague. Burseraceae.
S Commiphora schimperi (0.Berg) Engl. Burseraceae.
C Commiphora oddurensis Chiov. Burseraceae.
S Commiphora paolii Chiov. Burseraceae.
N Commiphora myrrha (Nees) Engl. Burseraceae.
C Commiphora senii Chiov. Burseraceae.
NFD Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Bursewraceae.
C Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
S Commiphora flabellulifera Chiov Burseraceae.
C,N Commiphora bruceae Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xoday
nickname; name-m medicinal; medicinal herb sp.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoday
-ga: (magac, lab, keli) geedquwaax xabag wanaagsan oo wax lagu daweeyo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoday
de: medicinal herb sp.
initial: x
lx: xoday
pd: (-ga)
ps: n2a-m-enum
key: xoday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoray
(fal) wax madax bannaan ka dhig; gumaysi ama addoonnimo ka saar oo xoree. Dh: xoree. Li: addoonso, gumayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaay
m.l la-mid: xagaa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAGAAY
(Hagai) N Ziziphus mauritiana Lam. Rhamnaceae.
N Ziziphus mucronata Willd. Rhamnaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
XODDAY
Commiphora hodaI 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolay
(fal) xoolo dhaqo oo faraqabsiin yeelo. Kol haddaad muddakartay reerka u xoolay oo caydha ka saar. Dh: xoolee, dhaq. Li: caydhi.
xoolay: (fal) bar adduun oon xoolo ahayn xoolo u rog. Dahabkan xoolay oo geel iyo adhi ka iibi. Dh: xoolee.
xoolay: (fal) weel dux xoolaad ku shub oo cusaybka ka baabi'i gocoyannimada ka bi'i. Dhillka aad toshay xoolay: Dh: qaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooghayn
(Tooghayn-ta)
Qof u toogo hayn, xurmo iyo in wax loo galo u qabid, ka warqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooghayn
m.f.dh eeg tooghay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warqabid. ka warhayn, tooghays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tooghayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Colhaye
name-m enemy stopper; protector
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Colhaye
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay aamusnaan badnaa oo saansaanyo colaadeed lahaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
highway
/haywey/ (n) waddo-weyn, oo baabuurtu xawaare sare ku socoto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshay
(fal) qorshe lagu hawl galo samee Shaqada sida loo galayo waxa la qorsheeyay bil ka hor. Dh: qorshee, aqool, agaasin, jaangoy.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
roughly
/rafli/ (adj) 1. qiyaastii (ugu dhawaan) 2. si xun (si heer hoose ah).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sorgham
Masago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaayo
(Xagaaya-da)
Roob xilliga xagaaga ka da'a deexda Soomaaliyada koofure qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaayo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagaayo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagaayo
f. n. light rain falling during the lesser dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaayo
-da: (magac, dhedig, keli) roob xilliga xagaaga ka da'a meelaha xeebaha ah qaarkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagaayo
cf: roob
de: light rain falling during the lesser dry season (in southern coastal Somalia)
initial: x
lx: xagaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xagaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydhay
(fal) xaydh mari. Dh: xaydhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedhay
(fal) xeedho casuumad ah cid u samee. Qaraddaa imanayee u xeedhay. Dh: xeedhee, daraaree, casuun. Li: qadi.
xeedhay: (fal) xeedho diiqa ah oo aroos loo diiqayo samee. Inantu intaanay afartan bixin u xeedhay. Dh: diiq, xeedhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhmay
(fal) caleen ama wax kale oo kala daadanaya xidhmo xidhmo u xidh. Jaadka marduufmarduur u xidhmay. Dh: xidhmee, seeray, xirmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoldhan
La xoldhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoldhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xoldhay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoldhan
der. [adjective] chiseled, engraved, carved out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoldhan
de: chiseled, engraved, carved out
initial: x
lx: xoldhan
pd: (xoldhanaa)
ps: adj-der
see: xolodh
key: xoldhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cudud ku taageerid; xoog iyo tamar ku kordhin. Xoogaynta tayada waxbarasho ayaa ah yoolka sannadkan. Dh: xoojin, xoogeys.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xooggan
-aa / ayd: (adj) strong (istaroong); tough (taf); powerful (paawer-fuul) ~ xoog leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooggan
(tilmaame) itaal leh; xoog hay Cidan xooggan ayaa loo diray furinta.
xooggan: (tilmaame) ku badan oo awood ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogsad
-ka: (magac, lab, keli) shaqaysad muruga la maalo. Xiniinyoolihii kula sinnaa xoogsad buu tegaye. Dh: shaqaysad, tabcad, xoogsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogyar
Comp. adj., (ie. n., adj.): weak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoogyar
-aa / ayd: (n) weak (wiik); feeble (fiibal); powerless (paawer-les); poor (puur); impotent (im-po-tent) ~ tabaryar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogyar
de: weak
initial: x
lx: xoogyar
ps: adj-cmp
key: xoogyar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolayn
(Xoolayn-ta)
1. Xoolo ka dhigid, u geddiyid.
2. Weel la tolay oo cusub, gocoyonnimada ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolayn
m.f.dh eeg xoolee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqasho oo faraqabsiin xoolo nool ah yeelasho. Dh: xoolays. dhigid.
xoolayn-ta: (magac, dhedig, keli) bar adduun con xoolo ahayn xoolo u rogid. Dahabkani xoolayn ayuu ku roon yahay: Dh: xoolays.
xoolayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel dux xoolaad ku shubid oo cusaybka ka baabi'in; gocoyannimada ka bi'in. dhiilka cusub xoolayn la'aan ha dhigin. Dh: qaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xoolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xushmay
(fal) cid maamuus oo sharfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogadhay
m.l la-mid: boogadhaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin sida uu yahay ka war hayn. Dh: war-qabid.