xog-hayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xog-hayn
Segreteria
Secretariat
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoghayn
(Xoghayn-ta)
1. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
2. Meesha ama xafiiska xoghayuhu fadhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoghayn
m.dh 1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoghayn
m.dh 1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XOGHAYN
Segreteria
Secretariat
Waa xafiiska hawshiisu tahay kaalinta tooska ah ee Maamulka, gaar ahaanna uga warqaba xogta hawlaha kala duwan ee halkaas laga qabto, iyo uruurinta iyo meelaynta warqadaha Maamulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoghayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guddi ka kooban xoghayaha iyo inta la shaqaysa. Haddii guddiga fulintu talo go'aamiyo xoghaynta ayaa loo tebiyaa.
xoghayn -ta: (magac, dhedig, keli) xafiiska xoghayuhu fadhiisto. Daartaayi waa xoghayntii xisbiga muxaafidka.
xoghayn -ta: (magac, dhedig, keli) haynta xogta iyo wararka runta ah ee arrin ku saansan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
secretarial
/sekrateeriyal/ (adj) shaqada xog-haynta (xog-haynta la xiriira).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
secretary
/sekrateri/ (n) 1. xog-hayn 2. xog-haye guud 3. wasiir (sida nidaamka Maraykanka, oo xog-hayaha guud wasiir loo yaqaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warla'
(tilmaame) warlaawe aan xog hayn ah. Warla' ayuu ku helay colku reerka. Dh: colmoog, warmoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoghay
v. know a secret, be in someone's confidence; hold the post of secretary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoghay
de: know a secret, be in s.o.'s confidence; hold the post of secretary
initial: x
lx: xoghay
pd: (xoghayey)
ps: v2a=
key: xoghay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoghaye
(Xoghaya-ha)
1. Qof hawshiisu tahay inuu qof kale ama maamul ama urur, u hayo oo u kala agaasimo buugagga iyo xaashiyaha qoran ama la qorayo oo dhan.
2. Qof qaybaha waaweyn oo taliska middood u madax ah; wasiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoghaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Qof hawshiisu tahay in uu cid kale u hayo ama u agaasimo xafiis ay ka fulaan qoraallo raadreeb leh. 2. Wasiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoghaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Qof hawshiisu tahay in uu cid kale u hayo ama u agaasimo xafiis ay ka fulaan qoraallo raad-reeb leh. 2. Wasiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoghaye
m. n., [compound] secretary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoghaye
-xoghayaha: (n) secretary (sek-rateri)-, receptionist (ri-sep-shaniisty, —xoghayeha guud: (n) the general secretary or the secretry general
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoghaye
-ha: (magac, lab, keli) cid maamul u qaabilsan haynta malafaadka muhiimka ah iyo. habsami u socodka hawlaha xafiiskaa gaar ahaan fadhiyada iyo qorshohawleedyada. Dh: sakrateer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoghaye
a: xooghaye
de: secretary
initial: x
lx: xoghaye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xoghaye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xoghaye
أمين
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin sida uu yahay ka war hayn. Dh: war-qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel durugsan geyn. Dh: dheerayn. Li: dhowayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunno ama hilib hog dab leh ku ridid si loogu bisleeyo. Dh: karin, moofayn, dubid.
hogayn -ta: (magac, dhedig, keli) gorof god qiiq lagu shiday ku gembiyid, si loo carfiyo wixii ilimaqabatay ah na looga dilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid uga gelin oo dhan qudha kula legdamid; gacan qudha kula legdamid. Dh: xagagelin.
xagayn: -ta: (magac, dhedig, keli) cid uga xagaynoo dhan keliya kula qabasho oo legdin kula samayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xog-ta
secret.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorayn
(Xorayn-ta)
Xor ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorayn
m.f.dh eeg xoree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorayn
vl. n. liberation; suffrage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xorayn
-ta: (n) emancipation (i-maan-si-peey-shin); liberation (li-bareey-shin); liberalization (liberali-zeey-shin); setting free
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax madax bannaan oo kaskiisa ku meelmara ka dhgid. Dh: xorays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xorayn
de: liberation; suffrage Alt sp: xoreyn
initial: x
lx: xorayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: xorayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoldhan
La xoldhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoldhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xoldhay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoldhan
der. [adjective] chiseled, engraved, carved out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoldhan
de: chiseled, engraved, carved out
initial: x
lx: xoldhan
pd: (xoldhanaa)
ps: adj-der
see: xolodh
key: xoldhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cudud ku taageerid; xoog iyo tamar ku kordhin. Xoogaynta tayada waxbarasho ayaa ah yoolka sannadkan. Dh: xoojin, xoogeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolayn
(Xoolayn-ta)
1. Xoolo ka dhigid, u geddiyid.
2. Weel la tolay oo cusub, gocoyonnimada ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolayn
m.f.dh eeg xoolee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqasho oo faraqabsiin xoolo nool ah yeelasho. Dh: xoolays. dhigid.
xoolayn-ta: (magac, dhedig, keli) bar adduun con xoolo ahayn xoolo u rogid. Dahabkani xoolayn ayuu ku roon yahay: Dh: xoolays.
xoolayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel dux xoolaad ku shubid oo cusaybka ka baabi'in; gocoyannimada ka bi'in. dhiilka cusub xoolayn la'aan ha dhigin. Dh: qaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) boodh marin; habaas ka dhigid. Boodhaynta gogosha aabbo ka ilaali. Dh: boorayn, siigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ururin; caano xoolo badan laga soo lisay oo meel la isugu keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hobshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qun yar socosho iyo tamashlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorshayn
(Qorshayn-ta)
Wax qorshe u samayn, u yeelid; wax kala aqoolid; qaybin; agaasimid; jaangoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorshayn
m.f.dh eeg qorshee. la-mid: qorshe (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorshayn
vl. n. planning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorshayn
-ta: (n) planning (palaan-ing). Ex: Wasaaradda Qorshaynta; the Ministry of Planning
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qorshayn
Pianificazione
Planification
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qorshe lagu hawl galo samayn. Dh: qaabayn, agaasimid, jaangoyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorshayn
de: planning
lx: qorshayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qorshayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooghayn
(Tooghayn-ta)
Qof u toogo hayn, xurmo iyo in wax loo galo u qabid, ka warqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooghayn
m.f.dh eeg tooghay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warqabid. ka warhayn, tooghays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydhayn
m.dh (fiisikis) Isticmaalka saliidda, xaydha iyo wixi lamida, si loo yareeyo xoogga isliska ee ka dhexeeya dulaha istaabanaya, loogana hortago daxalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaydhayn
m.dh (fiisikis) Isticmaalka saliidda, xaydha iyo wixi lamida, si loo yareeyo xoogga isliska ee ka dhexeeya dulaha istaabanaya, loogana hortago daxalka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xaydhayn
Lubrication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumadayn oo sooryo u samayn. Dh: xeedhays, daraarayn, casuumadayn. Li: qadin.
xeedhayn -ta: (magac, dhedig, keli) xeedho aroos loogu diiqayo samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xooghaye
m. n., [compound] secretary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xooghaye
a: xoghaye
de: secretary
initial: x
lx: xooghaye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xooghaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuudhayn
m.f.dh eeg xuudhee. la-mid: xuudheys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooggohayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka la filayo wax soo socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogsidhayn
m.dh (kiimika) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaad iyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. la-mid: ogsidheeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ogsidhayn
m.dh (kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaad iyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. la-mid: ogsidheeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafayn
m.f.dh eeg xagaafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsinayn
m.dh (fiisikis) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagantahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigsinayn
m.dh (fiisikis) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagantahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xigsinayn
Differentiation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xog-ogaal
m. n., [compound] confidant, person in one's confidence; well-informed person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xog-ogaal
-ka: (n) insider (in-saay-dhar)-, one who knows confidential or inside information
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xogla'aan
(Xogla'aan-ta)
Warli'i.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xogla'aan
f. n., [abstract] (adj.): innocence, naivete; innocent, naive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) la'aanta war xaqiiqa ah oo lagu kalsoonaado. Xogla'aan dagaal lama galo. Dh: warla'aan. Li: xog'ogaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xogla'aan
de: innocence, naivete; [atr.] innocent, naive
initial: x
lx: xogla'aan
pd: (-ta)
ps: n1-f-abs
key: xogla'aan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xood sayn
Sine curve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogitaan
-ka: (magac, lab, keli) boob wax ku qaadasho. Dh: dhicitaan.