xobkisasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobkisasho
-da: (magac, dhedig. keli) xobog xaquuqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rommogsi
-ga: (magac, lab, keli) rommogsad samayn oo qayacato xobkisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogobsad
-ka: (magac, lab, keli) xobkisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkaysasho
m.f.dh eeg xabkayso. la-mid: xabkaysad, xabkaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xabag soo gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobkiso
(fal) laan maydhax laga diray xobogta ka xaquuqasho. Laanta diir oo xobkiso. Dh: xaquuqo.
xobkiso: (fal) wax meel ku dhejisan adu xaquugo. Rajiska xobkiso. Dh: xaquugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobkisad
-ka: (magac, lab, keli) xobkiska xaquuqasho. Dh: xobkisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xogsasho
m.f.dh eeg xogso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xog biirsasho oo macluumaad raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xejisasho
-da: (magac, dhedig, keli) gacmaha ku haysasho oo ku dhegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodsasho
m.f.dh eeg xoodso. la-mid: xoodsad, xoodsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogsasho
m.f.dh eeg xoogso. la-mid: xoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) iskaa shaqaysasho. Dh: tabcasho, hedlasho, xoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xooxsasho
(Xooxsasha-da)
Xoox ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xooxsasho
m.f.dh eeg xooxso. la-mid: xooxsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoox ka lisasho. Dh: xooxsad, xooxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbisasho
m.f.dh eeg dabbiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmisasho
m.f.dh eeg holmiso. la-mid: holansad, holansasho, holmisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kobocsasho
m.f.dh eeg kobocso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisasho
(Labbisasha-da)
Labbis qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisasho
m.f.dh eeg labbiso. la-mid: labbisad, lebbisad, lebbisasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labbisasho
-labbisashada: (n) the act of dressing or wearing a cloth ~ dhar xirasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhar qurux badan xidhan ahaan. Dh: lebbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lebbisasho
(Lebbisasha-da)
Labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lebbisasho
m.dh la-mid: labbisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lebbisasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar gashad; lebbis qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xobog xaquuqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toxobaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) madax, toxob yeelasho, toxobaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsasho
(Cabiidsasha-da)
Addoonsasho; beelaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsasho
m.f.dh eeg cabiidso. la-mid: cabiidsad, cabiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cabiidsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibqisasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibiq yar tiixsasho; wax buuxa in yar oo dhibiq ah ka shubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kordhisasho
m.f.dh eeg kordhiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kordhisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax intii ay joogtay ka sii siyaadsasho. Dh: siyaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabeebsasho
(Xabeebsasha-da)
Xabeeb yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebsasho
m.f.dh eeg xabeebso. la-mid: xabeebsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebsasho
-ha: (magac, lab, keli) xabeeb yeelasho. Dh: xabeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqiiqsasho
(Xaqiiqsasha-da)
Xaqiiqadii gaarid; rumaysasho; hubsasho; sugid; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiiqsasho
m.f.dh eeg xaqiiqso. la-mid: xaqiiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hubsasho oo jiriddeeda ka salgaadhid. Dh: hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirsasho
m.f.dh eeg xiriirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si xiriir ah oo is dabasocod ah wax u wadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho; itaal yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeysasho
m.f.dh eeg xoogeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho. Dh: quwaysasho, xoogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysasho
(Xoolaysasha-da)
1. Xoolo yeelasho.
2. Weel gocoy ah, ku xoolaysan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysasho
m.f.dh eeg xoolayso. la-mid: xoolaysad, xoolaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo yeelasho. Xoolaysashada maanta ayaa noogu horraysa. Dh: taajirid, lacagaysasho, taraqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbisnaansho
m.l/dh la-mid: xabbisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbisnaansho
-ha: (magac, lab, keli) jeel ku jirid; wax xidhan ahaan. Dh: xabbisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolatirsasho
m.f.dh eeg xoolatirso. la-mid: xoolatirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tirsashada xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilasho
(Bilasha-da)
Bilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilasho
m.f.dh eeg bilo. la-mid: bilad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilasho
vl. n. beginning, start; appearance of a new moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhalashada bisha. Bilashada bisha Ramadaan goormay ku beegan tahay? Dh: bilad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilasho
de: beginning, start; appearance of a new moon
lx: bilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisasho
m.f.dh eeg liso. la-mid: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo maalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifasho
m.f.dh eeg xifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifasho
-da: (magac, dhedig, keli) nudub ku kacda xoolaha marka ay ramaaska daaqayaan oo dibbirisa dabadeedna ay dhulka isla dhacaan.
xifasho-da: (magac, dhedig, keli) daalid oo rafaad iyo hiinraag mudasho. Dh: cifasho, neeftuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xigasho
(Xigasha-da)
1. Xoolo waqtigii la lisi jirey la lisay, iyagoo aan weli xiskimin, kol labaad, caano ka maalid.
2. Wax cid kale horay u samaysay, wax u eg, samayn; ku dayasho; ka dheegasho; ka xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigasho
m.f.dh eeg xigo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xigasho
vl. n. supplementary milking outside the usual times; copying, plagiarism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xigasho
-xigashada: (n) the act of quoting; quotation (kuwoo-teey-shin). Ex: calaamadda xigashada; the quotation mark; [“ ”]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal horay loo yidhi daliil ahaan u soo qaadasho. Dh: daliilsasho.
xigasho -da: (magac, dhedig, keli) xoolo labo caanamaal dhexdooda ka maalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xigasho
de: supplementary milking outside the usual times; [fig.] copying, plagiarism
initial: x
lx: xigasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xigasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilasho
(Xilasha-da)
(u xilasho) Dan moodid; eexaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilasho
m.f.dh eeg xilo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilasho
vl. n. favoritism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dan moodid; wanaag laga quudarraynayo darteed ugu eexasho. Dh: eexaysasho.
xilasho-da: (magac, dhedig, keli) u damqasho ay naxariisi ku jirto. Dh: u iilasho.
xilasho-da: (magac, dhedig, keli) lexjeclo iyo danayn gaar ah oo wax loo hayo. Xilasho ayaan talo kuu weydiiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilasho
cf: xilo
de: favoritism
initial: x
lx: xilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: xilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirasho
m.f.dh eeg xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirasho
vl. n. wearing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xirasho
-xirashada: (n) the act of wearing or clothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar qaadasho oo lebisasho. Dh: xidhasho.
xirasho-da: (magac, dhedig, keli) cibaado niyadda gelin oo guda galid. Dh: xidhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirasho
cf: xiro
de: wearing
initial: x
lx: xirasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoqasho
m.f.dh eeg xoqo. la-mid: xoqad¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoqasho
-xoqashada: (n) the act of scratching (iska-raaj-ing); rubbing (rab-ing); scraping (iskareeyp-ing); scrubbing (iskaraab-ing) ~ xoqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku cacaminta cidiyaha oogada jidhka si dareen jira loo bi'iyo. Dh: xoqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'sasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la yidhi, ama la falay dhibsasho.
ba'sasho -da: (magac, dhedig, keli) wax ammaano ahaan loo hayay, lunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badsasho
(Badsasha-da)
In dheeri ah ku darsasho; kororsasho; bursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badsasho
m.f.dh eeg badso. la-mid: badsad, badsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badsasho
vl. n. act of increasing, multiplying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badsasho
-da: (magac, dhedig, keli) in ka badan inta dadka kale qaatay biirsasho; dheeri ku darsasho; in ka badan inta dadka kale qaatay biirsasho. Dh: kordhisasho, bursasho. Li: yaraysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badsasho
de: act of increasing, multiplying
lx: badsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: badsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baxsad gelin. Dh: didsasho, eryasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax barasho aan loo nisbayn karin dugsi iyo dhigasho, meelaha laga bartay. Dh: cilmidhegood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsasho
(Baxsasha-da)
1. La bixid; cararid; fakasho.
2. Caymasho. nabadgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsasho
m.f.dh eeg baxso. la-mid: baxsad (3), baxsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxsasho
vl. n. escape, act of getting out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baxsasho
-baxsashada: (n) escape (iskeeyp); defection, getaway
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la hayey ama la ilaalinayey fakasho. Dh: carar, caymad.
baxsasho-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dar Alle loo baxsado oo sadaqad ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxsasho
de: escape, act of getting out
lx: baxsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: baxsad
key: baxsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilasho
m.f.dh eeg biilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto siisasho. Biilashada reerkii sii baa lagu kari waayey. Dh: masruufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogsasho
(Bogsasha-da)
Caafimaad helid; xanuun ka bi'id; doorsasho; raysasho; ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsasho
m.f.dh eeg bogso. la-mid: bogsad, bogsi, bogsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsasho
vl. n. healing, getting well, recovery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bogsasho
-bogsashada: (n) recovery (riko vari); the act of recovering, convalescence or healing