xobkisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobkisad
-ka: (magac, lab, keli) xobkiska xaquuqasho. Dh: xobkisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobkis
-ka: (magac, lab, keli) layiig cad oo qayacatada ku dul hadha kolka maydhaxda laga diiro oo la cuno.
xobkis-ta: (magac, dhedig, kel) xogob ka xaquugid. Dh: sobkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobkiso
(fal) laan maydhax laga diray xobogta ka xaquuqasho. Laanta diir oo xobkiso. Dh: xaquuqo.
xobkiso: (fal) wax meel ku dhejisan adu xaquugo. Rajiska xobkiso. Dh: xaquugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobkisasho
-da: (magac, dhedig. keli) xobog xaquuqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkaysad
m.l la-mid: xabkaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkaysad
-ka: (magac, lab, keli) soo gurashada xabagta. Dh: xabkaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisad
(Bisad-da)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shinbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisad
f. n. cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisad
da: (n) [Plural. bisado-ha] kitty (kiti); cat (kaat) ~ mukulaal, yaanyuur, durmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisad
-da: (magac, dhedig, keli) xawayaan dhogor jilicsan, dabjoogta ka mid ah, dadka la nool. Bisidna waa ka ciyaar jiirna waa ka naf. Dh: dinnad, basho, dummad, mukulaal, yaanyuur, durruf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisad
bw: Arabic
de: cat
lx: bisad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: dummad, mukulaal, yaanyuuro
key: bisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisad
m.dh (-do, m.l) Waqti loo qayday cashar-bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xisad
m.dh (-do, m.l) Waqti loo qayday cashar-bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xisad
f. n. class period, lesson
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xisad
see [eeg] xiisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisad
-da: (magac, dhedig, keli) laba iyo in kabadan oo wax isku darsaday inta uu midkiiba xaqu leeyahay ee uu mutaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xisad
de: class period, lesson
initial: x
lx: xisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobki
(fal) laan maydhaxdii laga diiray cad yar oo macaan oo mullaaxda ka hooseeya oo xogob ah ka xaquuqo. Laanta xobki. Dh: xaquuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiisad
(Xiisad-da)
1. Biyo ama neecaw, si xoog leh u soconaya.
2. Xawlliga ama orodka xoogga jacda (korontada).
3. Xasil la'aan; wareer; soos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisad
m.dh 1. Biya ama dabayl si xooggan u socda. 2. (-do, m.l) Qas iyo qalaanqal xasilloonida degaan wax u dhima.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiisad
m.dh 1. Biya ama dabayl si xooggan u socda. 2. (-do, m.l) Qas iyo qalaanqal xasilloonida degaan wax u dhima.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiisad
f. n. current, wind; wake (of ship); high tide; electric current; crisis, chaos, riot attack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiisad
-da: (n) critical state of affairs; crisis (ka-raaysis); dangerous situation; critical situation.
xiisad -da: (n) period (piiriyeed); class (kalaas); scheduled period to study a specific subject. Ex: xiisadda labaad kadib baan ku soo wacayaa; I will call you after the second period
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisad
-da: (magac, dhedig, keli) qulqul danab ama dareere oo xoog ah. Dh: qulqul, tayaar.
xiisad -da: (magac, dhedig, keli) qalalaase iyo ismaandhaaf meel ka jira; xaalad kacdoon iyo is jiidjiidasho ah. Dh: xamaasad, xiis, xasarad. Wa: xiisado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiisad
de: current, wind; wake (of ship); [ext.] high tide; electric current; [fig.] crisis, chaos, riot attack
initial: x
lx: xiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xiisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobkin
-ta: (magac, dhedig, keli) xogob ka xaquugid. Dh: xogid, xobkis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xejisad
-ka: (magac, lab, keli) xoog u haysasho oo xajisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodsad
m.l la-mid: xoodsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogsad
-ka: (magac, lab, keli) shaqaysad muruga la maalo. Xiniinyoolihii kula sinnaa xoogsad buu tegaye. Dh: shaqaysad, tabcad, xoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xooxsad
(Xooxsad-ka)
Xooxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xooxsad
m.l la-mid: xooxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooxsad
-ka: (magac, lab, keli) xoox ka lisad oo godolka hortii ka maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoriyad
-da: (magac, dhedig, keli) madaxbanaani buuxda oon cid kale la hoos tegin. Dh: gobonnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmisad
m.l la-mid: holmisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisad
(Labbisad-ka)
Labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisad
m.l la-mid: labbisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisad
-da: (magac, dhedig, keli) labbis qaadasho; labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lebbisad
m.l la-mid: labbisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lebbisad
-ka: (magac, lab, keli) lebbis qaadad; dhar gashad. Dh: labbisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbisan
Xabbis ku jira; maxbuus ah; xiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xabsi la geliyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabbisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xabsi la geliyey ahaansho. m.f.dh, xabbisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbisan
der. [adjective] jailed, imprisoned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabbisan
-xabbisnaa / xabbisnayd: (adj) arrested (a-res-tidh); detained (di-teeynidh); imprisoned (im-piri-zenidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbisan
(tilmaame) qof xabsi ama jeel ku jira ah. Dh: xidhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbisan
cf: xiran
de: jailed, imprisoned
initial: x
lx: xabbisan
pd: (xabbisnaa)
ps: adj-der
key: xabbisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbisid
(Xabbisid-da)
Xabbis gelin; xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbisid
m.f.dh eeg xabbis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbisid
-da: (magac, dhedig, keli) jeel ku xidhid; xabsi gelin. Dh: xidhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabiibad
f. n. close female friend; sweetheart, lady-love; mistress
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabiibad
de: close female friend; sweetheart, lady-love; mistress
initial: x
lx: xabiibad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xabiibad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogobsad
-ka: (magac, lab, keli) xobkisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorriyad
(Xorriyad-da)
Xornimo haysasho; isutalis; madaxbannaani (ama xorriyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorriyad
m.dh Madaxbannaani. la-mid: xorriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xorriyad
m.dh Madaxbannaani. la-mid: xorriyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorriyad
f. n. freedom, independence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xorriyad
-da: (n) independence (in-di-beendhansi); freedom (firii-dham)~ see [eeg] xornimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorriyad
-da: (magac, dhedig, keli) madaxba buuxda oon cid kale la hoos tegin. Dh: made naani, gobonnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xorriyad
a: xurriyad
bw: Arabic
de: freedom, independence
initial: x
lx: xorriyad
pd: (-da)
ps: n-f
key: xorriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toxobaysad
-ka: (magac, lab, keli) madax, holobadaysadka; qolofaysadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsad
(Cabiidsad-ka)
Bidde ka dhigad; addoonsad; beelaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsad
m.l la-mid: cabiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabiidsad
vl. n. enslavement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsad
-ka: (magac, lab, keli) addoonsad; bidde ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabiidsad
de: enslavement
lx: cabiidsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cabiidsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisaad
-da: (magac, dhedig, keli) xidhashada labbis ama dhar isku socda. Dh: dharxidhasho, lebbisaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobkicid
m.f.dh eeg toobkac². la-mid: toobkac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebsad
m.l la-mid: xabeebsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg xabeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqiiqsad
(Xaqiiqsad-da)
Xaqiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiiqsad
m.l la-mid: xaqiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) rumaysad oo jiritaankiisa run u aaminid. Dh: xaqiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiskiisan
(Xiskiisan-ta)
Xigsiisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiskiisan
m.l la-mid: xigsiisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiskiisan
f. n. sister-bride
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiskiisan
-ka: (magac, lab, keli) xigsiin ah.
xiskiisan -ta: (magac, dhedig, keli) walaasheed lagu xigsiimay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiskiisan
de: sister-bride
initial: x
lx: xiskiisan
pd: (-ta)
ps: n-f
see: xigsiisan
key: xiskiisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysad
-ka: (magac, lab, keli) xoog yeelasho. Dh: quwaysi, xoogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysad
(Xoolaysad-ka)
Xoolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysad
m.l la-mid: xoolaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysad
-ka: (magac, lab, kell) xoolo yeelasho: maal dhaqasho. Xoolaysadka waa loo hedladaa