ereyga

xobkis

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xobkis

DHAN
1

-ka: (magac, lab, keli) layiig cad oo qayacatada ku dul hadha kolka maydhaxda laga diiro oo la cuno.

2

xobkis-ta: (magac, dhedig, kel) xogob ka xaquugid. Dh: sobkin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xobkiso

DHAFAN
1

(fal) laan maydhax laga diray xobogta ka xaquuqasho. Laanta diir oo xobkiso. Dh: xaquuqo.

2

xobkiso: (fal) wax meel ku dhejisan adu xaquugo. Rajiska xobkiso. Dh: xaquugo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xobki

DHAFAN

(fal) laan maydhaxdii laga diiray cad yar oo macaan oo mullaaxda ka hooseeya oo xogob ah ka xaquuqo. Laanta xobki. Dh: xaquuq.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xobkin

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) xogob ka xaquugid. Dh: xogid, xobkis

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daguugmid

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) xobkismid oo wixii dul saarnaa ka hobobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

millaax

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) xayuub jilicsan oo macaan oo u dhexeeya maydhaxda iyo qayracatada laanta xobkiskana ka sarreeya. Maydhaxda jillaw iyo millaax u kala saar. Dh: mullaax, mulli.

2

millaax -da: (magac, dhedig, keli) dhuub kasta co jilicsan. Hadal iyo dhammaantiiba muramamaha intaan goyno han u digo millaaxdiisa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mullixagato

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) xobkisas laanta la xobkisto kolka maydhaxda laga diirto. Dh: xobog.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rommogsad

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) xobkinta gudunta afkeeda lagu xoqo ee lagu xobkisto rommogga saaran lafta ee maydhaxda ka hooseeya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rommogsi

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) rommogsad samayn oo qayacato xobkisasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rommogso

DHAABAN

(fal) rommog mullaax ka hooseeya xobkiso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xogob

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) hilib baruur ah oo ku hadha xaragga kolka neefka laga saaro.

2

xogob-ta: (magac, dhedig, keli) dheecaan macaan oo ku hadha laanta maydhaxda laga diirto dusheeda oo kolka mullaaxda laga qaado la xobkista Xogobta ciddiyahaaga ama gudunta afkeeda ku xobkiso. Dh: xobog.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xogobsad

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) xobkisasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xogobso

DHAABAN

(fal) xobogga xaquuqo oo ciddida amagu dunta afkeeda ku xobkiso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xobkisad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xobkiska xaquuqasho. Dh: xobkisasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoqis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xoqid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kobcis

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: kobcin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kobcis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) korid oo weynaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xabbis

DHAFANDHAAF
1

(Xabbis-ka)

2

Dadka denbiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig; (ama xabsi).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xabbis

DHAFANDHAAF
1

xabbis¹: m.l (-syo, m.dh) Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. la-mid: xabsi.

2

xabbis²: f.g1 (-say, -stay) Qof xabsi gelin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xabbis

DHAFANDHAAF
1

xabbis¹: m.l (-syo, m.dh) Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. la-mid: xabsi.

2

xabbis²: f.g1 (-say, -stay) Qof xabsi gelin. m.f.dh, xabbisid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xabbis

DHAFANDHAAF
1

m. n. prison, jail, cell

2

xabbis v. imprison, incarcerate, lock someone up

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xabbis

DHAFANDHAAF
1

-ka: (n) jail (jeeyl); prison (pirizan); penitentiary (panitenshari) ~ jeel, xabsi, gaalshire

2

xabbis -ay / tay: (v) jail (jeeyl); imprison (im-piri-zen); detain (di-teeyn); arrest (a-res-ti); detain in custody (kas-ta-dhi); put under arrest ~ xidh, xir

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xabbis

DHAFANDHAAF
1

(fal) jeel ku xidh; xabsi geli. Dh: xidh.

2

xabbis -ka: (magac, lab, keli) meel lagu xidho dadka dembiyada gala oo lagu hayo inta ciqaabtii lagu xukumay ay ka dhammaanayso. Dh: xabsi, jeel.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoodis

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) qalloocin.

2

xoodis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xoodin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoogis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xoogid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoomis

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) muuqaal ka mid ah dhaysta geela oo ah danbarin iyo dhalmo isku diyaarin.

2

xoomis -ta: (magac, dhedig, keli) meel ku soo ururid oo ku soo shawrid. Dh: xoomid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xooris

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) eeg xoorin.

2

xooris-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xoorid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xooxis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) xoox ka lisid. Dh: xoaxin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xabkays

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) xabag gurasho.

waa la naqliyay ✓