xisbiyiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisbiyiin
m.dh.w Xubno xisbi ka tirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisbiyiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad siyaasad u go'ay oo xisbi ka tirsan. Li: mustaqilliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asbiriin
m.l (daawo) Dawo aad loo isticmaalo oo xanuunka, halaamacoodka iyo qandhada bi'isa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asbiriin
m.l (daaw.) Dawo aad loo isticmaalo oo xanuunka, halaamacoodka iyo qandhada bi'isa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asbiriin
m. n. aspirin (tablet)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asbiriin
de: aspirin (tablet) {Eng}
lx: asbiriin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: asbiriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbixin
m.f.dh eeg xilbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiskimin
(Xiskimin-ta)
Xiskin u kadin, u sugid, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiskimin
m.f.dh eeg xiskimi. la-mid: xigsimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiskimin
-ta: (magac, dhedig, keli) inta uu neefku xigsin yeelanayo sugid. Hasha xiskiminteeda sug.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasbiriin
-ka: (n) aspirin (aas-periin). Ex: keniin aasbariin ah; an aspirin tablet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasbiriin
-ka: (magac, lab, keli) daawo xummadda iyo garaaca loo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dishibiliin
m.l Asluub; maaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dishibiliin
m.l Asluub; maaddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dishibiliin
m. n. discipline
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dishibiliin
-ka: (n) discipline (disi-piliin); self-control; manners (maaneris) ~ aadaab, nidaam
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dishibiliin
de: discipline {Eng}
lx: dishibiliin
pd: (-ka)
ps: n-m
key: dishibiliin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliibiyiin
m.dh.u Ciidamadii masiixiga ahaa oo soo weerarey baytulmaqdis, Suuriya iyo meelo Falastiin ka mid ah, qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii saddex iyo tobnaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliibiyiin
m.dh.u Ciidamadii masiixiga ahaa oo soo weerarey baytulmaqdis, Suuriya iyo meelo Falastiin ka mid ah, qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii saddex iyo tobnaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliibiyiin
-ta: (magacwadareed) dadka u dagaallama faafinta diinta Nasaarada ee macatabku uu laabta ka lusha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miscililin
m.f.dh eeg miscilili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbaysiin
m.f.dh eeg xumbaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumbaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xumbo la kicin; xoor ka keenid. Saabuunta ayaa xumbay siinta ugu wacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniin
-ka: (magac, lab, keli) geed dhexe ay xooluhu cunaan. Geedkaa biniinka ah hasha daaqaysa soo celi.
biniin -ka: (magac, lab, keli) iftiin yar oo aad mooddo inuu sii bakhtiyayo. Biniin yar ka dhex muuqda godka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisiin
m.f.dh eeg cisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isniin
(Isniin-ta)
Maalinta u dhexaysa axadda iyo talaadada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isniin
m.dh Maalinta u dhexeysa axadda iyo talaadada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isniin
m.dh Maalinta u dhexeysa axadda iyo talaadada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Isniin
f. n. Monday (third day of the Somali week)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Isniin
-ta: (n) Monday (man dheey); Mon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isniin
-ta: (magac, dhedig, keli) ayaamaha toddobaadka, midda saddexaad ee u dhexaysa Axadda iyo Talaadada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Isniin
bw: Arabic
cf: maalin
de: Monday (third day of the Somali week)
lx: Isniin
pd: (-ta)
ps: n0-f-time, n2-f
key: Isniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikiin
m.dh la-mid: sakiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikiin
-ta: (magac, dhedig, keli) bir yar oo xalleefsan oo labada dhinac af ku leh, oo wax lagu jarto tintana lagu xiirto. Dh: makiinad, sakiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siniin
(Siniin-ta)
Sanuun; ur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siniin
m.dh.w eeg sano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siniin
f. n. unpleasant ~ musty smell
siniin [feminine] n., pl. years
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siniin
(adj) long-time or longtime (loogi-teeym)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siniin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanuun; urta dufanka, Siniin subaq baa kaa soo uraysa. Dh: ur.
siniin-ta: (magac, dhedig, keli) neef aan weyd ahayn. Lax siniin leh ayaa loo loogay iyaga.
siniin: (falkaabe) sannado ka hor dhacay. Siniin miniin wixii dhacay maanta maxaa soo celiyey?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiijin
(Xiijin-ta)
Wax eryid, taniyo intuu ka xuurtoodo, ka xiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiijin
m.f.dh eeg xiiji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiijin
-ta: (magac, dhedig, keli) eryid tan iyo inta uu ka hiinraagayo. Dh: hiinraajin, xiiqsiin, daalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimin
m.f.dh eeg xiimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiin kaga keenid oo wax xiimaya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiniin
(Xiniin-ta)
Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiniin
xiniin¹: m.l Nin ama neef lab ah oo hal xiniin leh.
xiniin²: m.dh (-nyo, m.l) Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood.
xiniin³: m.dh (-nyo, m.l) (cilmiga naflayda) Labada kuuskuus ee xubin nimeedka ah oo sameeya shahwada, soona saara hormoonka ragga (androojin) oo ku xiran hormoonno kale (goonadotrofiinis) oo laga soo daayo qanjir dhiiqa bitwitariga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiniin
xiniin¹: m.l Nin ama neef lab ah oo hal xiniin leh.
xiniin²: m.dh (-nyo, m.l) Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood.
xiniin³: m.dh (-nyo, m.l) (cilmiga naflayda) Labada kuus-kuus ee xubin nimeedka ah oo sameeya shahwada, soona saara hormoonka ragga (androojin) oo ku xiran hormoonno kale (goonadotrofiinis) oo laga soo daayo qanjir dhiiqa bitwitariga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiniin
f. n. testicle; testicles
xiniin m. n. man ~ animal with one testicle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiniin
-ta: (n) [pl. xiniinyo] testicle (tas-tikal)-, scrotum (iskaroo-tam) ~ xaniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiniin
-ka: (magac, lab, keli) lab xiniin qudha leh. Dh: ciniin, circir.
xiniin-ta: (magac, dhedig, keli) laba qanjidh oo buurbuuran oo harag jilicsan ku dahaadhan midkood oo sameeya shahwadda laboodka kana mid ah cawrada ragga haddii labadaa xininyood labka laga saaro bohon ayuu noqdaa oo ma dhalo. Awr xiniin laga saaray bohon buu noqdaa. Dh: dhikil Wa: xiniinyo, dhikilo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xiniin
خُصْيَة، بَيْضَةً
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiskin
(Xiskin-ta)
1. Muddo neef la lisay, kol labaad candhadiisa caano ugu soo dhacaan oo godol laga helo.
2. Maalinta gelinkeeda hore; barqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiskin
xiskin¹: m.dh 1. Subaxnimada qaybyteeda hore; barqo. 2. (-imo, m.l) Neef geel ah oo la maalay inta candhadiisa caano uga soo dhacayaan. la-mid: xigsin¹.
xiskin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Hal irmaan oo la maalay waqtigii ay mar kale godlan kari lahayd gaarid. la-mid: xigsin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiskin
m.dh 1. Subaxnimada qaybyteeda hore; barqo. 2. (-imo, m.l) Neef geel ah oo la maalay inta candhadiisa caano uga soo dhacayaan. la-mid: xigsin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiskin
f. n. time necessary for an animal to be ready for milking again
xiskin v. be ready to be milked again
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiskin
(fal) neef labada caanamaal dhexdooda ka soo lis: hal soo xiq. Geela noo xiskin. Dh: xig.
xiskin-ta: (magac, dhedig, keli) caanaha neefka laga liso inta labada caanamaal u dhaxaysa.
xiskin -ta: (magac, dhedig, keli) maalinta gelinkeeda hore. Dh: barqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asbixin
m.f.dh eeg asbixi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hishiin
-ta: (n) the act of agreeing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifbixin
m.f.dh eeg ifbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaacbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixin
(Ilbixin-ta)
1. Kasmo sare iyo nolol wanaagsan oo lagu dhaqmo gaarsiin; galtinnimo ka bixin.
2. (badar) isha ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixin
m.f.dh eeg ilbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isasiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la isu hibeeyo oo la isu gudbiyo.
isasiin -ta: (magac, dhedig, keli) wiil iyo gabadh isu guurin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isburin
Contradiction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isjirin
(verbplus negative)-, not being careful or taking care
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg lisitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishiin
m.l la-mid: mashiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mishiin
Machine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mishiin
m. n. machine, motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mishiin
-ka: (n) machine (mashiin); engine (en jin); motor (mootar) ~ mashiin, matoor-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mishiin
-ka: (magac, lab, keli) biro la isku geeyey kuna shaqeeya saliid iyo shidaal si uu tamar iyo dab u dhaliyo. Dh: matoor, mashiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mishiin
a: mashiin {Eng}
de: machine, motor
lx: mishiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mishiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miskiin
(Miskiin-ka)
Qof aan maal lahayn; qof cayr ah; sabool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miskiin
miskiin¹: m.l (-nno/masaakin, m.dh) 1. Nin aan hanti lahayn ama cayr ah. 2. Nin aan shiddo badnayn. la-mid: maskiin¹.
miskiin²: m.dh la-mid: miskiinad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miskiin
m.l (-nno/masaakin, m.dh) 1. Nin aan hanti lahayn ama cayr ah. 2. Nin aan shiddo badnayn. m.dh.w, masaakiin. la-mid: maskiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miskiin
m. n., [collective] poor, wretched ~ destitute person, beggar; harmless unprotected man ~ woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miskiin
-ka: (n) 1. poor man; beggar (beg'er) ~ maskiin. 2. humble man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miskiin
-ka: (magac, lab, keli) qof faramadhan oo wax ku filan aan haysan. Dh: caydh, faqiir, danlay. Li: qani, hodan, taajir.
miskiin -ka: (magac, lab, keli) qof deggen oon faradheeri iyo faduul midna lahayn. Cali nin dad dhiba maahee waa miskiin. Dh: macaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miskiin
bw: maskiin
de: poor, wretched ~ destitute person, beggar; [ext.] harmless unprotected man ~ woman
lx: miskiin
pd: (-ka ~ -ta Pl: masaakiin (ta))
ps: n2-m/f, n8-m/f
syn: faqiir, saabbir
xv: Arabic
key: miskiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nisbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku qiyaasid; barbardhigid.
nisbayn -ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama war kale loo tiiriyo cid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nisbeyn
m.f.dh eeg nisbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nisbeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama wax kale loo tiiriyo cid. Dh: nisbayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiitiin
-ka: (n) cactus (kak-tas) ~ tiin, tiintiin Ex: geedka tiintiinka; the cactus plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisniin
-ka: (magac, lab, keli) tuqitiinka, tan dhaafniinka. Tisniinka cuntada wuu ku matagi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasilin
(Xasilin-ta)
1. Wax xasilloon ka dhigid; joojin; dejin.
2. U miyirin; qaboojin; tartiibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasilin
m.f.dh eeg xasili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasilin
-ta: (magac, dhedig, keli) dejin oo aguugga ka joojin. Xasilinta xooluhu waa muhiim.
xasilin -ta: (magac, dhedig, keli) dagaallo iyo buuq hakin oo wax xasilloon ka dhigid. Dh: qaboojin, defin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididin
(Xididin-ta)
(dad) xidid ka dhigid; xididnimo ku dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididin
m.f.dh eeg xididi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh u dhisid oo xidid la noqosho.
xididin-ta: (magac, dhedig, keli) gacalnimo u qaddarin oo u ixtiraamid. Dh: xididis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidigin
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddigaha ka faalin oo wax ka sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigniin
-ka: (magac, lab, keli) dib caano uga maalniin. Dh: xigitaan.
xigniin-ka: (magac, lab, keli) qaraabo ahaan ugu xigitaan.
xigniin -ka: (magac, lab, keli) xaggiisa u dhawaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsiin
m.f.dh eeg xigsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) guur nin xaaskii ka dhintay walaasheed loogu xigsiimo oo loo dhiso. Xigsiintu waa dhaqan Soomaaliyeed.
xigsiin-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh loo dhiso nin ay walaasheed ama gabadh u dhawi ka dhimatay. Xigsiini bilcan uma dhiganto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid in ay xilkeeda si fiican u gudato geyeysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilbixi
v. make someone discharge his responsibility honorably
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilbixi
de: make s.o. discharge his responsibility honorably
initial: x
lx: xilbixi
pd: (xilbixiyey)
ps: v2a=tr
key: xilbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirniin
(Xirniin-ka)
Wax-xiridda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirniin
m.l la-mid: xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirniin
vl. n. act of tying (up) ~ shutting (in); imprisoning