xirmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirmo
(Xirma-da)
1. In gaar ahaan isugu xiran; guntin; cuntub.
2. Kob loo xiray in waa danbe la daaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhawr wax oo isku nooc ah oo isku xiran. 2. Dhul daaqsimeed muddo go'an laga xayiro daaqidda xoolaha si loogu aayo goor dambe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirmo
f. n. bundle, sheaf; file
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xirmo
-xirmada: (n) package (paa-keeyj); bundle (bandhel)', bunch (banji) ~ guntin, gunud
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xirmo
Mucchio
Bundle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmo
-da: (magac, dhedig, keli) in isku xidhan. Dh: xidmo
xirmo-da: (magac, dhedig, keli) meel looseereeyey in kol dambe la daaqo. Dh: seere, xidhmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirmo
de: bundle, sheaf; [ext.] file
initial: x
lx: xirmo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: cuddad, fayl
key: xirmo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiirmo
vl. n. act of shaving
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiirmo
de: act of shaving
initial: x
lx: xiirmo
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xiirmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax xarig iyo wixi lamida ku qabsasho. 2. Cid xabbisasho. 3. Albaab, dariishad iyo wixi lamida qataarasho. 4. Haweeney mehersasho. 5. Dhar lebbisasho. 6. Salaad ama soon gelid. 7. Ku x.: qof kale imaam ka dhigasho. 8. Ku x.: markab, doon iyo wixi lamida marso tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax xarig iyo wixi lamida ku qabsasho. 2. Cid xabbisasho. 3. Albaab, dariishad iyo wixi lamida qataarasho. 4. Haweeney mehersasho. 5. Dhar lebbisasho. 6. Salaad ama soon gelid. 7. Ku x.: qof kale imaam ka dhigasho. 8. Ku x.: markab, doon iyo wixi lamida marso tegid. m.f.dh, xirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiro
v. shut ~ close (for oneself); dress (up), put on (clothes)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiro
-xirtay / xiratay: (v) 1. wear (weer); dress (darees); clothe oneself; attire (a-taayer) ~ xidho. Ex: waxay xiratay canbuur khafiif ah; she wore a light blouse. 2. tie (taqy); lace up, lash up. Ex: kabaha xiro; tie your shoes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiro
(fal) eeg xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiro
de: shut ~ close (for oneself); dress (up), put on (clothes)
initial: x
lx: xiro
pd: (xirtay / xiratay)
ps: v3b=tr
xe: Fasten your seat belts
xv: xidho
key: xiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmo
f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birmo
f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid. m.f.dh, birmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birmo
v. rescue, come to the aid of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birmo
(fal) goob shil ka dhacay ama cid dhibaato haysato taageero degdeg ah sii. War adhigii wuu goosmay gabbalkiina dhacaye ha loo birmado qoyska. Dh: gurmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birmo
de: rescue, come to the aid of
lx: birmo
pd: (birmaday)
ps: v3a=
key: birmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirmo
(Jirma-da)
Geed laf adag oo udgoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirmo
m.dh la-mid: jirme.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JIRMO
(Jirmo) S, May Caesalpinia erianthera Chiov. Caesalpinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg jirme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarmo
f.mg3 (-maday, -matay) 1. Xajiyid; xaj gudasho. 2. Waajibka xajka gudashadiisa gudagelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarmo
f.mg3 (-maday, -matay) 1. Xajiyid; xaj gudasho. 2. Waajibka xajka gudashadiisa gudagelid. m.f.dh, xarmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarmo
v. go on a pilgrimage to Mecca
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarmo
(fal) xaramka teg adoo cibaado gudanaya. Ugu yaraan mar xarmo noloshaada. Dh: xaji, xaj.
xarmo: (fal) u banbax; u soo shir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarmo
de: go on a pilgrimage to Mecca (thus fulfilling one's Islamic obligation)
initial: x
lx: xarmo
pd: (xarmaday)
ps: v3a=intr
key: xarmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirfo
(Xirfa-da)
Hawl la bartay oo lagu shaqaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirfo
m.dh la-mid: xirfad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirfo
f. n. profession, craft, skill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirfo
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon faraha laga sameeyo oo waxqabad muuqda ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirfo
de: profession, craft, skill
initial: x
lx: xirfo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: xirfad
key: xirfo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xurmo
(Xurma-da)
Weyneyn; sharaf; tixgelis; muuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurmo
m.dh 1. Weyneyn; sharaf; tixgelis; muuno. 2. Hanti yar oo nin siiyo naagtiisa qaraabadeeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xurmo
m.dh 1. Weyneyn; sharaf; tixgelis; muuno. 2. Hanti yar oo nin siiyo naagtiisa qaraabadeeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurmo
f. n. honor, respect; favor, grace
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xurmo
name-f honor, respect; favor, grace (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xurmo
-xurmada: (n) respect (ris-pekt); consideration (kon-si-dha-reey-shin); courtesy (koor-tasi) ~ tixgelin, qaddarin, tixgelis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xurmo
magac loo baxsho gabadh sharafin qaddarin lagu metaalayo ama la rajaynayo qof xurmaysan ahaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurmo
-da: (magac, dhedig, keli) qadrinin karaamayn. Si xurmo leh ayaa odayaasha dhaweeyey. Dh: xushmad, qadarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurmo
bw: Arabic
de: honor, respect; favor, grace
initial: x
lx: xurmo
pd: (/da)
ps: n-f
key: xurmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bul
(Bul-ka)
Xirmo ka samaysan dun ama mayrax ama wax kaloo la budliyey oo la jilciyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bundad
(Bundad-da)
Xirmo dhar ah oo daaqado badani ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddad
(Cuddad-da)
1. Xirmo alaabo ah.
2. Bir duuban oo culus oo korkeeda wax lagu tumo; dubbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuntub
(Cuntub-ka)
(dad, wax) tiro yar oo wadajirta; xoogaa isku duuban; xayn; hormo; koox; xirmo; (ama cutub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuub
(Dhuub-ka)
1. Waxyaalo dhawr ah oo laysku xiray ama laysku duubay; xirmo.
2. Daliig mayrax ah ama wax la mid ah.
3. Sacab muggi; dhererto; xantoobo.
4. Ubaxa docihiisa middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubi
(Duubi-ga)
1. Qof la duubay oo waayeel laga dhigtay.
2. Lugta xoolaha xubin kamid ah oo u dhexaysa bowdada iyo dhudhunka majinta; shansho.
3. (xarig, kd.) Xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liifad
(Liifad-da)
Cad yar oo xarig ah ama daliig kale oo ama xirmo yar oo liilammo ah, oo feynuuska gaaska ku baxa ama shimica iyo waxyaalo kale, la dhexgeliyo oo inta daarma olola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marduuf
(Marduuf-ka)
1. Dhar cad oo laga qurux badan yahay oo aad u qiro weyn.
2. Xirmo qaad (jaad) ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siib
(Siib-ka)
(caw, kd.) in isku xiran ama isa suran oo kol la soo siibo; cuntub: xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tigtig
(Tigtig-ga)
Xirmo, tolmo u eg, oo wax ballaaran ama af weyn leh qarkiisa xoog isugu soo uruurisa oo isu keenta oo xirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xay
(Xay-ga)
1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub ama xirmo yar oo dun ah.
2. Midabkiisu, sida xayga qaarki, cad yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirmayn
(Xirmayn-ta)
Xirmo xirmo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awdmid halbowle wadne
m.l (daawo) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bundad
m.dh (-do, m.l) Xirmo dhar ah oo ka kooban dhawr daaqadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddad
m.dh (-do, m.l) 1. (u) Qalabka birtumuhu adeegasado oo dhan. 2. Birdhuuban, culus oo qalbka la tumayo hoostiisa la dhigo; dubbad. 3. (u) Xirmo dhar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curun
m.l Xirmo xaskul, caws, mayrax iyo wixi lamida ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabbulad
m.dh (-do, m.l) Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. la-mid: daabbule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisaal
dhisaal¹: m.l Dh. ah: xirmooyin dhis, sisin iyo wixi lamida oo meel ku urursan.
dhisaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Xirmooyin, dhis, sisin, iyo wixi lamida meel ku ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax meel lagu ururiyey ahaansho (xirmooyin dhis, sisin iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duub
duub¹: m.l (-bab, m.l) 1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iyo wixi lamida ah.
duub²: f.g1 (-bay, -btay) Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid.
duub³: f.g/mg1 (-bay,-btay) 1. (f.g) Dermo, maro, xarig iyo wixi lamida dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iyo wixi lamida ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhmo
-da: (magac, dhedig, keli) in isku xidhan. Xidhmo buugaag ah ayaa diyaaradda iila socota. Dh: guntin, cutub, seere, xirmo.
xidhmo -da: (magac, dhedig, keli) meel loo seereeyey in kol dambe la daago. Xidhmo doogle ayaan irmaanka u xidhay: Dh: seere, xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiidmo
m.l Dheefshiidka intiisa yaryar oo ay ku dhammaato calooshu iyo qabsiinnada u dhexeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiidmo
m.l Dheefshiidka intiisa yaryar oo ay ku dhammaato calooshu iyo qabsiinnada u dhexeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiidmo
m. n., pl. intestines
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiidmo
-xiidmaha: (n) intestines (in-tes-tanis); guts (gatis); bowels (baawlis) ~ mindhiciro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiidmo
-ha: (magac, lab, keli) eeg xiidme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiidmo
cf: uurkujir, xaab, xaalo
de: intestines
initial: x
lx: xiidmo
pd: (/ha)
ps: n3-m-pl
key: xiidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmay
(fal) xirmo xirmo u xir. Tigaadda xirmay oo baabuurka saar. Dh: xidhmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Meel xirmo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirmee
v. make into bundles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmee
(fal) xirmo xirmo u xir. Jaadka marduuf marduuf u xidhmee. Dh: xidhmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirmee
de: make into bundles
initial: x
lx: xirmee
pd: (xirmeeyey)
ps: v2b=tr
key: xirmee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirmid
(Xirmid-da)
Wax xirmay ama xiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmid
m.f.dh eeg xiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xirmay noqosho. Albaabka xirmidda ka ilali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirnow
v. be tied up, be closed; be imprisoned
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirnow
a: xiran
de: be tied up, be closed; be imprisoned
initial: x
lx: xirnow
pd: (xirnaaday)
ps: v3a=
key: xirnow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xishmo
(Xishma-da)
1. Xishood.
2. Muuno; sharaf; weyneyn; tixgelis.
3. Edeb; (ama xushmo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xishmo
m.dh la-mid: xushmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xishmo
f. n., [abstract] honor, respect, face; modesty, good manners
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xishmo
-da: (magac, dhedig, keli) sharaf tixgelis iyo qadarin Dh: xushmo, xushmad, xishmad, edeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xishmo
a: xushmo
bw: Arabic
de: honor, respect, face; modesty, good manners
initial: x
lx: xishmo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: xishmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imo
(fal) meel kale soo gaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xir
(Xir-ka)
Meel dhir badani xirtay; jiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xir
xir¹: m.l (-rar, m.l) Kayn jiq oo aan meel la maro lahayn.
xir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax xarig iyo wixi lamida ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax xarig iyo wixi lamida ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin. m.f.dh, xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xir
v. tie, fasten; close (up); imprison, jail, arrest, stop
xir m. n. forest, area of scrubland
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xir
-ay / tay: (v) 1. close (kalows); shut (shat) ~ xidh. Ex: fadlan albaabka xir! Please close the door! 2. jail (jeel)-, imprison (im-piri-zen), detain (di-teeyn)-, arrest (a-res-ti)-, detain in custody (kas-ta-dhi)-, put under arrest ~ xabbis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xir
(fal) eeg xidh.
xir-ka: (magac, lab, keli) eeg xidh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xir
إقفال، إغلاق
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
biro
horizontal bar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biro
m. n., pl. iron, steel; tools; parts
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biro
-biraha: (n) [Plural of bir] metals (metalis); steels (istiilis); irons (aa yanis)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
biro
s.f. - qalin biiro ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biro
de: iron, steel; tools; parts
lx: biro
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: biro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diro
m.dh la-mid: dire.