xiriirfurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiriirfurid
(Xiriirfurid-da)
Wax isku xiriirsan kala furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirfurid
m.f.dh eeg xiriirfur². la-mid: xiriirfur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirfurid
-da: (magac, dhedig, keli) xiriir jiray goyn: ballan ka bixid. Dh: xidhiidhfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiriirfurad
(Xiriirfurad-ka)
Xiriirfurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirfurad
m.l la-mid: xiriirfurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirfurad
-ka: (magac, lab, keli) kala furashada wax xiriir isku daba socda. Dh: xidhiidhfurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiriirfur
(Xiriirfur-ka)
Xiriirfurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirfur
xiriirfur¹: m.l la-mid: xiriirfurid.
xiriirfur²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax isku xirnaa kala furid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiriirfur
v. untie, disconnect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirfur
-ka: (magac, lab, keli) ballan ama heshi ka bixid. Xiriirfur ha samayn. Dh: xidhiidhur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiriirfur
de: untie, disconnect
initial: x
lx: xiriirfur
nt: xiriirfur (ka) [vn-m], xiriirfurid (da) [vn-f]
pd: (xiriirfuray)
ps: v1=tr
key: xiriirfur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirfuro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ka x.: awr iyo wixi lamida wixii uu ku daba xirnaa ka furasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiriirfuro
v. break loose from a caravan (of camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirfuro
(fal) furo oo wax aad ku xiriirsanayd ka hadh. Xiriirfuro haddaad socoka saluugto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiriirfuro
de: break loose from a caravan (of camel)
initial: x
lx: xiriirfuro
nt: xiriirfurad (ka) [vn-m], xiriirfurasho (/da) [vn-f]
pd: (xiriirfurtay)
ps: v3b=intr
key: xiriirfuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiriirid
(Xiriirid-da)
Wax isku xiriirsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirid
m.dh eeg xiriir². la-mid: xąriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirid
-da: (magac, dhedig, keli) xiriir isku xiga noqosho.
xiriirid -da: (magac, dhedig, keli) cid xiriir la yeelasho. Dh: xidhiidhid.
xiriirid -da: (magac, dhedig, keli) laf jaban ladnaan oo wax isku toostay oo soo kabmaysa haan. Dh: xidhiidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhfurid
-da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh jiray goyn oo kala go'id. Dh: xidhiidhgoyn, ballanfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiriirfurasho
(Xiriirfurasha-da)
Awr isku xiriirsan oo kala xiriir furata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirfurasho
m.f.dh eeg xiriirfuro. la-mid: xiriirfurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirfurasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala furashada awr ama wax kale oo xidhiidh ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giriifid
-da: (magac, dhedig, keli) cabasho muujin; muddaaharaad muujin; shaqajoojin samayn; si wadar ah oo dad meel ka wada shaqeeyaa ay wakhti shaqada u hakiyaan si ay cabashadooda u muujiyaan. Maanta giriifiddii masar laba qof baa lagu dilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariirid
(Xariirid-da)
1. (caano) xariir ka dhigid.
2. (il bugta) xariir ku farsamayn, ku daweyn.
3. Summad (xariir) xoolo ku dhigid.
4. Hadal xariir ah (cid ku) dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariirid
m.f.dh eeg xariir³. la-mid: xariirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąriirid
m.f.dh eeg xąriir². la-mid: xiriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariirid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo biyo isku badhxid. Dh: fadhxid, badhxid.
xariirid-da: (magac, dhedig, keli) il bugta sarid oo xirribta sare ka dhiijin. Dh: xariiris.
xariirid -da: (magac, dhedig, keli) qof iin uu leeyahay hortiisa ku caddayn. Li: xan.
xariirid -da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh cid kale la samayn. Dh: xadhiidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiriirin
(Xiriirin-ta)
1. Midba midka ka horreeya ku xirid, ku dabid; tixid.
2. (dad) waxtarid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirin
m.f.dh eeg xiriiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirin
-ta: (magac, dhedig, keli) xiriirjoogto ah la yeelasho, cilaaqo wanaagsan la samayn. Xiriirinta garaabadu waa sharci. Dh: xidhiidhin.
xiriirin -ta: (magac, dhedig, keli) isku aaddin co is daba joojin. Xiriirinta awrta waan agaan.
xiriirin -ta: (magac, dhedig, keli) cilango wanaagsan la samayn. Dh: xidhiidhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xiriirin.
xiriiris-ta: (magac, dhedig, keli) soo kabasho oo laf xidhiidhay noqosho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirsifur
m.l (-ryo, m.dh) X. ah: waxa loo sadqeeyo qof sixir lagu sameeyey ama jirro darani hayso, si uu uga badbaado halista.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xirsifur
m.l (-ryo, m.dh) X. ah: waxa loo sadqeeyo qof sixir lagu sameeyey ama jirro darani hayso, si uu uga badbaado halista.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirxirid
(Xirxirid-da)
Meelo badan ka xirid; dhawr jeer xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirxirid
-da: (magac, dhedig, keli) in marka badan xidhid. Dh: xidhxidhid.
xirxirid-da: (magac, dhedig, keli) caddibidoo qof baahan waxuu mucuurto u qabay ku kadeedid.
xirxirid -da: (magac, dhedig, keli) in mar ka badan xirid.
xirxirid -da: (magac, dhedig, keli) qof baahan meermeerin oo caddibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifurid
-da: (magac, dhedig, keli) ka baxid ballan ama wacad cid aad wada dhigateen. Barifurid bahdayda hawga baqin. Dh: badhifurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciriiryid
(Ciriiryid-da)
Ciriiri ka dhigid; ciriiri gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriiryid
m.f.dh eeg ciriiri². la-mid: cariirin, cariiryid, ciriirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriiryid
-da: (magac, dhedig, keli) cidhiidhi ka dhigid. Dh: cidhiidhyid.
ciriiryid -da: (magac, dhedig, keli) faalalka uga bi'id. Dh: cidhiidhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilafurid
(Xilafurid-da)
Xilafur ku dhaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilafurid
m.f.dh eeg xilafur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilafurid
-da: (magac, dhedig, keli) naag la qabo dalaaqid, islaan furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirixid
m.f.dh eeg biriirix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax xiriirsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirsixirid
(Xirsixirid-da)
Xirsixir akhriyid; nabaaddiinaxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirsixirid
m.f.dh eeg xirsixir². la-mid: xirsixir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirsixirid
-da: (magac, dhedig, keli) xirixidh u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhfurad
-ka: (magac, lab, keli) kala furashada awr ama wax kale oo xidhiidh ah. Dh xidhiidhfurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriiryaabid
m.f.dh eeg biriiryow². la-mid: biriiryow¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xiriir gudbe
Transitive relation
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xiriir gudbo
Relation, transitive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirribagubid
-da: (magac, dhedig, keli) bahdilid oo qof aan marmarsiiyo haysan gefkiisa si un u sheegsheegid oo ugu cadaadin. Dh: laffajebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birbirid
(Birbirid-da)
Dhaldhalaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birbirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaldhalaalid ama iftiimid isdaba socda. Birbiridda kurdadda na shawaqisay. Dh: bidhbidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirin
m.f.dh eeg biriiri. la-mid: biriiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriiris
m.l la-mid: biriirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirix
f.g1 (-xay, -xday) Wax aqoon yar ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biriirix
f.g1 (-xay, -xday) Wax aqoon yar ka helid. m.f.dh, biriirixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriirin
m.dh la-mid: ciriiryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariirid
m.f.dh eeg dariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirdirid
(Dirdirid-da)
In kol ka badan meel u dirid ama wax u dirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) mid fiqiir ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firfirid
(Firfirid-da)
Firfir noqosho; firfir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firfirid
m.f.dh eeg firfir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfirid
-da: (magac, dhedig, keli) fidhfidh noqosho ama yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firiiric
(Firiiric-a)
Nabarro ama finan aad u yaryar oo badan oo dadka korkiisa ka soo yaacyaaca; ciir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiiric
m.l Nabarro yaryar oo jirka dadka ka soo baxa waqtiyada kulaylka ah; roobsugow. la-mid: furuuruc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firiiric
m.l Nabarro yaryar oo jirka dadka ka soo baxa waqtiyada kulaylka ah; roobsugow. la-mid: furuuruc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firiiric
m. n., [collective] rash, acne, pimples ~ blisters that form on the skin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firiiric
-a: (n) rash (raash); skin eruption, skin rash ~ furuuruc, finiinic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiiric
-a: (magac, lab, keli) fudad yaryar ama kuuskuus yaryar. Dh: huruuruc, furuuruc, finan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firiiric
cf: maqil; See also: furuuruc
de: rash, acne, pimples ~ blisters that form on the skin
lx: firiiric
pd: (-a)
ps: n-m-col
key: firiiric
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furfurid
(Furfurid-da)
Waxyaalo badan oo xirxiran ama gunguntan, midba mar furid ama wada furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furfurid
m.f.dh eeg furfur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furfurid
vl. n. solution {mathematics}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furfurid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo badan oo xidhxidhan ama gunguntan, midba mar furid ama wada furid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furfurid
de: solution {mathematics}
lx: furfurid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: furfurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariirid
(Gariirid-da)
Qarqaryo ama cabsi ama wax kale la ruxasho, la jarcayn, la qarqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirid
m.f.dh eeg gariir². la-mid: gariir¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirid
-da: (magac, dhedig, keli) qadhqadhyo ama cabsi darteed la jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girgirid
m.f.dh eeg girgir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirkirid
(Kirkirid-da)
Mindi ama qalab kale oo aan af lahayn wax ku goynteed ku celcelin; kirkir u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirkirid
m.f.dh eeg kirkir³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirkirid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi ama qalab kale oo aan af lahayn wax ku goynteed oo ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirmirid
-da: (magac, dhedig, keli) meermeerin qof kolba ballan been ah u qabasho. Dh: mirmiris, meerdayn, meermeerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siqiirid
(Siqiirid-da)
Saqiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqiirid
m.f.dh eeg saqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) cunug markuu dhashayba dhintay; yaraan ku dhimasho; saqiirid. siqiirnimo -da: (magac, dhedig, keli) mid yaraan ku dhintay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixirfur
(Sixirfur-ka)
Sixirfuryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixirfur
m.l Daaweynta cid sixir laga daaweeyo. la-mid: sixirfuryo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sixirfur
m.l Daaweynta cid sixir laga daaweeyo. la-mid: sixirfuryo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixirfur
m. n., [compound] counter-spell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixirfur
-ka: (magac, lab, keli) qofka la sixray waxyaalaha lagula kco. oo lagu daweeyo; furdaamis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixirfur
a: sixirfuryo (/da) [n6-f]
de: counter-spell
initial: s
lx: sixirfur
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: sixirfur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirtirid
(Tirtirid-da)
Wax qoran ama meel ku ba'ay baabbi'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirtirid
vl. n. crossing out, erasing, liquidation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tirtirid
-da: (n) deletion (di-lii-shin); erasure ~ masaxid, tirtiris
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tirtirid
Cancellatura
Cancellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel maray baabi'in, masaxid. Dh: baabi'in.
tirtirid -da: (magac, dhedig, keli) wada layn, xasuuqid, xaaqid.