xintira
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xintira
name-f spite-eraser, hostility eliminator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xintira
magac loo baxsho gabadh uu aabbeheed labo xaas leeyahay oo dangalada hooyadeed ay imlo dhashay inta ay iyadu dhalan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xintire
name-m spite-eraser, hostility eliminator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xintire
magac loo baxsho wiil aabbihii labo xaas. uu lahaa oo hooyadii ma ahee xaaska kali wiil lahayd isaga hortii.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
intra
pref. - hor kabe tilmaama gude, dhex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fintir
m.l (fintir, m.dh) (botani) Geed yar oo jilicsan oo lug tool ah oo ubax qurxoon kor ku leh, hoosna buruq kuusan oo kulul oo xooluhu ku dhacaartaan waxna lagu dhayo; wamme.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kintir
m.l (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Xubin yar oo jilicsan oo u eg dhoorka digaagga oo ku taal xubinta taranka haweenka, kuna shaqo leh dareenka macaansiga galmada.

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kintir
m. n. clitoris
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kintir
-ka: (n) clitoris (kilitaras)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kintir
-ka: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah xubinta taranka ee haweenka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kintir
de: clitoris
lx: kintir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kintir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kintir
بَطْرٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiltir
(Xiltir-ka)
1. Geed-quwaax miro kulkulucsan iyo beeyo leh.
2. Xiltirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiltir
xiltir¹: m.l la-mid: xiltirid.
xiltir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof hawl cid laga sugaayey fulinteeda isu xilsaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiltir
f.g1 (-ray, -rtay) Qof hawl cid laga sugaayey fulinteeda isu xilsaarid. m.f.dh, xiltirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiltir
m. n., [compound] demotion
xiltir v. take someone's responsibility away; remove something from one's past
xiltir m. n. plant species, with plump fruits; its gum is used for incense
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XILTIR
(Hiltir) S Commiphora boiviniana Engl. Burseraceae.
C Commiphora longipedicellata Vollesen. Burseraceae.
May, S Commiphora boranensis Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiltir
(fal) shaqo cid ku aamin oo u daa. Shagada aniga igu xiltir. Dh: aamin.
xiltir -ka: (magac, lab, keli) geed quwaax midho buur buuran iyo xamag udguun oo beeya ah leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xinjir
(Xinjir-ta)
Dhiig guntamay oo adkaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xinjir
m.dh (-ro, m.l) Dhiig guntamay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xinjir
m.dh (-ro, m.l) Dhiig guntamay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xinjir
f. n. coagulation, clotting of blood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xinjir
-ta: (n) blood clot (balaadh kaloofy, coagulation (ko-agi-leey-shin)-, scab (iskaab)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinjir
-ta: (magac, dhedig, keli) guntin dhiig is qabsaday ah. Wa: xinjiro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xinjir
de: coagulation, clotting of blood
initial: x
lx: xinjir
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: xinjir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xinjir
خَيْرَة جُلْطَة جَلْطَة
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oontira
name-f thirst reliever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Oontira
magac loo baxiyo gabadh xilli biyo la helay dhalatay ama dhib jirtay lagaga baxo. Waxa kale oo loo bixiyaa gabadh ay hooyadeed wiilal uun lahayd.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tintura
s.f. - rinji; sabbakh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqtirad
-ka: (magac, lab, keli) daalgoosad hiinraag laga nasto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ciiltira
magac loo baxsho gabadh kolkii ay dhalatay hooyadeed ay ka baxday dulmi ay dareemaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gigtiran
La gigtiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gigtiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la gigtiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gigtiran
der. [adjective] laid out, spread, displayed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gigtiran
-aa: (adj) stretched out tightly ~ giigsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gigtiran
(tilmaame) mid aad loo dhuujiyey. Dh: giigsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gigtiran
de: laid out, spread, displayed
lx: gigtiran
ps: adj-der
key: gigtiran
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
giuntura
s.f. - isqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintifay
m.l (-yo, m.dh) Nooc dhurwaaga ka mid ah oo gaagaaban, madax buuran oo geela iyo xoolaha kaleba laaya. la-mid: hintifaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shintiri
f.mg2 (-iyay, -isay) Maalmo, sanado, gu'yaal iyo wixi lamida tirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shintiri
f.mg2 (-iyay, -isay) Maalmo, sanado, gu'yaal iyo wixi lamida tirin. m.f.dh, shintirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shintiri
v. count days ~ months by the calendar; calculate ~ reckon time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shintiri
(fal) u maalmo, bilo, guyaal, u tiri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shintiri
de: count days ~ months by the calendar; calculate ~ reckon time
initial: s
lx: shintiri
nt: shintirin (ta) [vn-f], shintiris (ka) [vn-m]
pd: (shintiriyey)
ps: v2a=intr
key: shintiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirtiran
La tirtiray; baabba'san.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirtiran
der. [adjective] wiped, clean; erased; removed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtiran
(tilmaame) la tirtiray, la masaxay.
tirtiran: (tilmaame) xasuuqan, dad la laayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirtiran
de: wiped, clean; erased; removed
initial: t
lx: tirtiran
pd: (tirtirnaa)
ps: adj-der
key: tirtiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqtiro
(fal) naso oo hiinraagga jooji. Dh: neefgooso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiltir_1
de: demotion
hm: 1
initial: x
lx: xiltir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xiltir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiltir_2
de: take s.o.'s responsibility away; remove s.t. from one's past
hm: 2
initial: x
lx: xiltir
pd: (xiltiray)
ps: v1=tr
key: xiltir_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiltir_3
de: plant sp., with plump fruits; its gum is used for incense
hm: 3
initial: x
lx: xiltir
pd: (-ka)
ps: n-m
key: xiltir_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiltirid
(Xiltirid-da)
1. Xil ka wareejin, ka qaadid, ka tirid.
2. (ku xiltirid) Qof laga sugayey abaalgud ama waxtar kale oo (inta lagu rajo go'o ama si kale loo dhaliilo) loo caddeeyo inaan waxba laga sugeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiltirid
m.f.dh eeg xiltir². la-mid: xiltir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiltirid
-da: (magac, dhedig, keli) eed iyo canaan reebid oo wax cid ay eedi uga iman lahayd qa basho. Xaajadaa xiltirideeda adeer igala wareeg.
xiltirid -da: (magac, dhedig, keli) ka saamixid qof laga saamaxo wax inuu keeno ay ahayd oo uu keri waayo gaar ahaan kolka ay tahay wax magac iyo sumcad taabanaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinjirow
(fal) xinjir noqo. dhiigoow xinjirow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirxiran
La xirxiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirxiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Cid wax safar u diyaar ah ahaansho. 2. Qof aan furfurnayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xirxiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Cid wax safar u diyaar ah ahaansho. 2. Qof aan furfurnayn ahaansho. m.f.dh, xirxirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirxiran
adj., pl. fastened repeatedly, tied in several places
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirxiran
(tilmaame) la xidhidhay ah. Dh: xinxiran.
xirxiran: (tilmaame) meelo badan ka xidhan ah; mid in ka badan oo xidhan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirxiran
de: fastened repeatedly, tied in several places
initial: x
lx: xirxiran
pd: (xirxirnaa)
ps: adj-pl
key: xirxiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xintifaalo
-ha: (magac, lab, keli) xafiiltan iyo isxanaakadayn. Dh: ficiltan, xafiiltan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inta
1. (inta) (inta aan = intaan; kd.) Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya sida: Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad; Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado.
2. (Inta) Halka; meeshaan; kobtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inta
fk. 1. Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya. Tusaale: “Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad”, “Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado”. 2. Halka, meeshaan, kobtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inta
fk. 1. Erey tixda qaarkeeda hore ama danbe had la'aan iyo ulajeeddo qabyo ah u yeela una baahi geliya ereyo kaloo caddeeya. Tusaale: Inta (aad) dugsiga tagtid, ardayga soo wad, Lacagtaan inta (uu) qaado, cunno ha soo gado. 2. Halka, meeshaan, kobtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inta
conj. while, until
inta [conjunction] before
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Inta
avant que, avant de.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inta
-intii: (conjunction) during the time that: while (waayl); during (dhuuring). Ex: intii uu joogay... during his stay... inta badan: (adv) mostly; usually
inta: (conjunction with negative) before ... not. Ex: inta aadan imaan wac; call him before you come
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiir
f.g1 (-ray, -rtay) Timo iyo wixi lamida gun ka jarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiir
f.g1 (-ray, -rtay) Timo iyo wixi lamida gun ka jarid. m.f.dh, xiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiir
v. shave, cut (hair) off completely
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiir
-ay / tay: (v) shave (sheeyv); shave body hair with a razor (reey-zer) or shaver (sheey-ver)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiir
(fal) timo moolee ama gaabi. Dh: jar, goo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiir
de: shave, cut (hair) off completely
initial: x
lx: xiir
pd: (xiiray)
ps: v1=tr
xe: Do you want a shave?
xv: Garka inaan kuu xiiro miyaad rabtaa?
key: xiir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Binti
pr. n., [feminine] Binti
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Binti
name-f daughter (Arb)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Binti
bw: Arabic
de: Binti
lx: Binti
ps: name-f
key: Binti
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
finir
finir, v. - dhammaansho; dhammayn; idlayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
finta
s.f. - isyeelyeel, iska dhigid (da).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinti
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama weedh ka soo baxda qof garabdaar leh oo inta badan. waxa uu sheego ama wax u dhow la arko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iltir
f.g1 (-ray, -rtay) Weel iyo wixi lamida wax ka buuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iltir
v., [compound] block off the sight (of something); fill up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iltir
de: block off the sight (of s.t.); [ext.] fill up
lx: iltir
pd: (iltiray)
ps: v1=cmp
key: iltir
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
India
n., ardal Hindi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Injir
(Injir-ta)
Bahalhoosaad yaryar oo aan baalal lahayn oo dadka aan aad u hufnayn timaha iyo dharka ka gala oo dhiigga dadka ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
injir
m.dh Cayayaan yaryar oo aan baala lahayn oo dhiig ku nool ah oo timaha iyo dharka ka gasha dadka aan nadiifta ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
injir
m.dh Cayayaan yaryar oo aan baala lahayn oo dhiig ku nool ah oo timaha iyo dharka ka gasha dadka aan nadiifta ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
injir
f. n., [collective] lice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
injir
-ta: (n) louse (laws) ~ qandhicil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
injir
-ta: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo ku dulnool noole kale oo dhiigga ka jaqda oo badanaa ku dhalata timaha ama dhogorta iyo dharka wasakhda ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
injir
de: lice
lx: injir
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: injir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
injir
قمْلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkir
(Inkir-ka)
Asaraar; dafir; qirashaddiid; ogaaldiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkir
inkir¹: m.l 1. Dafiraad. 2. la-mid: inkirid.
inkir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inkir
inkir¹: m.l Dafiraad.
inkir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, diidid. m.f.dh, inkirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inkir
v. disclaim, deny (evidence), lie; negate; ignore
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inkir
-ay / tay: (v) deny (dinaay); reject (ri-jakt); negate (negeeyt); disaffirm (dis-a-feerm), disclaim (dis-kaleeym); declare untrue; deny flatly ~ dafir