xiniinyataabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiniinyataabad
-ka: (magac, lab, keli) carin iyo dhafoortaabad; xoogsheegad cid lagula kaco. Dh: dhafoortaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiniinyataabo
f.mg3 (-btay, -batay) Qof la raba in laga salgaaro xummaantiisa, gardarro bareer ah ku samayn. la-mid: xiniintaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiniinyataabo
f.mg3 (-btay, -batay) Qof la raba in laga salgaaro xummaantiisa, gardarro bareer ah ku samayn. m.f.dh, xiniinyataabasho. la-mid: xiniintaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiniinyataabasho
m.dh eeg xiniinyataabo. la-mid: xiniintaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiniintaabo
f.g3 (-btay, -batay) la-mid: xiniinyataabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiniintaabo
(fal) car dheh oo si dhafoortaabasho ah ula hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiniinyacadde
-ha: (magac, lab, keli) willyar oo leh astaamo gesinimo iyo calool adayga. Dh: faruurya-cade. Li: fule.
xiniinyacadde -ha: (magac, lab, keli) geesi fariid ah. Dh: ninkarmeed. Li: liid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiniintaabasho
m.f.dh eeg xiniintaabo. la-mid: xiniinyataabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiniintaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) carin iyo dhafoortaabsho aan la qaadan karin, xoogsheegasho iyo awood la iskugu faano. Xinintaabashada ka dhiidhi. Dh: dhafoortaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg finiinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabad
m.l la-mid: indhasaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabad
-ka: (magac, lab, keli) xaabsi si degdeg ah gacanta wax loogu xaabsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriiryaabid
m.f.dh eeg biriiryow². la-mid: biriiryow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyacabad
m.dh Naag dadka laysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyacabad
f. n. bloodthirsty woman, killer, murderer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyacabad
de: bloodthirsty woman, killer, murderer
lx: dhiigyacabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhiigyacabad