xilwareeji
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xilwareeji
-yey I say: (v) transfer responsibility to
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilwareejin
m.dh La kala wareegidda laba qof maamul la kala wareegaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilwareejin
-ta: (magac, dhedig, keli) masuuliyad wareejin oo cid kale u dhiibid. Aadan Cadde wuxu ahaa madaxweynihii u horreeyey ee xilwareejin sameeya. Dh: xilwareejis. Li: xilsaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilay
(fal) cid masuuliyad saar. Wiillka maamulka reerka u xilay. Dh: u xilsaar. Li: xilwareeji.
xilay: (fal) xilo samayso; reer dhis oo guurso. Xilay oo doobnimada ka bax. Dh: xiloodi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka xilwareeji
v. transfer responsibility, hand over responsibility
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_xilwareeji
de: transfer responsibility, hand over responsibility
lx: ka xilwareeji
nt: xilwareejin (ta) [vn-f]
pd: (xilwareejiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_xilwareeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareeji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax wareegaya ka dhigid. 2. Dhinac kale u dhaqaajin (wax ama qof) 3. Ku w.: qalab ama xil qof faraha ka saarid. 4. Badar shiidan si buunshaha looga saaro walaanwilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareeji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax wareegaya ka dhigid. 2. Dhinac kale u dhaqaajin (wax ama qof) 3. Ku w.: qalab ama xil qof faraha ka saarid. 4. Badar shiidan si buunshaha looga saaro walaanwilin. m.f.dh, wareejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareeji
v. twist, turn, rotate, whirl, revolve; transfer; take around; screw on (a lid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareeji
-yey / say: (v) rotate (roow-teeyt); twist (tu-wiist); encircle (enseer-kal); spin (ispiin) circulate (seer-ki-leeyt); roll (rool) —ku
wareeji -yey / say: (v) hand over; transfer responsibility to; pass on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareeji
(fal) wax wareegaya ka dhig. Wareeji shaagga.
wareeji: (fal) dhinac u dhaqaaji; u du'; u socodsii.
wareeji': (fal) qaybi oo hadal kolba qof u dhiib. Hadalka wareeji doodda ha laga wada qayb galee.
wareeji: (fal) qoraal, wargeys iyo wixii la mid ah, daabac oo badi.
wareeji: (fal) xil, alaab ama wax kale oo aad hayso cid kale u dhiib. Alaabtii aad haysay Masuulka cusub ku wareeji.
wareeji: (fal) gabadh ad guursatay aqal geyso oo aqalkii ehelkeeda ka kexee. Gabadha wareeji oo meel geyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareeji
de: twist, turn, rotate, whirl, revolve; transfer; take around; [ext.] screw on (a lid)
initial: w
lx: wareeji
pd: (wareejiyey)
ps: v2a=tr
key: wareeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwareen
m.l (daawo) Cudur indhaha ku dhaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilwareen
m.l (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilwareen
m. n. painful eye disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilwareen
-ka: (magac, lab, keli) xanuun geela indhaha kaga dhaca gaar ahaan xilliga jilaalkii ee ay dhacaan dabaylaha qabowga badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilwareen
de: painful eye disease (one experiences stabbing pain in the eyes)
lx: ilwareen
pd: (-ka)
ps: n-m
key: ilwareen
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku wareeji
v. hand ~ turn over to; give something on consignment; entrust something to someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_wareeji
de: hand ~ turn over to; give s.t. on consignment; entrust s.t. to s.o.
lx: ku wareeji
pd: (wareejiyey)
ps: v2a=expr
key: ku_wareeji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareeji
(fal) wax wareega kolba dhinac gacanta ugu duuri. Shookaanta warwareeji. Dh: duurduuri.
warwareeji: (fal) wareeg ku celceli. Dameeraha kuuska ku warwareeji ha jalleeyaane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalwareeji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax ay dhaxal u lahayd ka dhumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaxalwareeji
v. disinherit, cut off ~ take away one's inheritance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaxalwareeji
de: disinherit, cut off ~ take away one's inheritance
lx: dhaxalwareeji
pd: (dhaxalwareejiyey)
ps: v2a=tr
key: dhaxalwareeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareeri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wareer ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareeri
f.g2 (wareer-iyay, wareer-isay) Cid wareer ku ridid. m.f.dh, wareerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareeri
v. make someone dizzy; confuse; cause to be restless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareeri
-yey / say: (v) confuse (kon-fiyuus); perplex (peer-palaksi); confound (kon-faawndi); throw someone into a state of confusion. Ex: ha i wareerin! Don't confuse me!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareeri
(fal) madaxa xanuuni; madax wareer ku rid.
wareeri: (fal) dawikhi oo kolba wax buuq geliya ku samee. Miftaaxa ka khabbee oo wareeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareeri
de: make s.o. dizzy; confuse; cause to be restless
initial: w
lx: wareeri
pd: (wareeriyey)
ps: v2a=tr
key: wareeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xareedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dugaag, shimbiro iyo wixi lamida ciyaaro, ci' ama dhaqdhaqaaq kale oo ay ku muujinayaan barwaaqo samayn. 2. Shimbiro ci' iyo dhaqdhaqaaq la aamminsanyahay in ay ku roobdoonayaan samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xareedi
v. speak rhythmically ~ poetically, modulate, make harmonious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareedi
(fal) dacawooy ci'. Sida dacawada u xareedi. Dh: ci'.
xareedi: (fal) baryo ah roobow xareed noo da'. Rooboow nabad, rooboow noo xareedi sidii gugii hore. Li: ajee.
xareedi: (fal) miir oo dhoobada ka reeb. Guntii oo dhoogo leh baa hadhaye inyar nooga xareedi. Dh: miir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xareedi
de: speak rhythmically ~ poetically, modulate, make harmonious
initial: x
lx: xareedi
pd: (xareediyey)
ps: v2a=
key: xareedi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilwade
m. n., [compound] person in charge; commander
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilwade
de: person in charge; commander
initial: x
lx: xilwade
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: taliye
key: xilwade
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FILAREED
(Filared) May Boscia coriacea Pax. Capparidaceae.
May Maerua Sp. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareejin
(Wareejin-ta)
Dhinac u dhaqaajin, u duwid, u socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareejin
m.f.dh eeg wareeji. la-mid: wareejis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
wareejin
lapping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareejin
-ta: (n) the act of rotating or turning around ~ wareejis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wareejin
Girata
Endorsement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareejin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wareegaya ka dhigid. Shaaggu waa faaruge wareejinta ka daa.
wareejin-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u dhaqaajin; u duwid; u socodsiin.
wareejin-ta: (magac, dhedig, keli) hadal qaybin oo kolba qof u dhiibid oo inuu hadlo u saamixid. Kolka shir lagu jiro wareejinta hadalku waa muhiim. Dh: qaybin.
wareejin -ta: (magac, dhedig, keli) qoraal, wargeys iyo wixii la mid ah, daabicid oo badin.
wareejin -ta: (magac, dhedig, keli) xil, alaab ama wax kale oo la hayo cid kale u dhiibid. Waxaa lagaa sugayaa wareejinta mafaatiixda.
wareejin -ta: (magac, dhedig, keli) miir ama gidaar meel ku meerin oo xayndaab ka dhigid. Laba cisho ayaan wareejinta ijaarka ku jirnay.
wareejin -ta: (magac, dhedig, keli) caruusad aqalkeedii geyn oo la aqalgalid. Caruusku wuxu ku jiraa qabangaabadii wareejinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareejis
m.dh la-mid: wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareejis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirwareen
(Cirwareen-ta)
Cirboor; qode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirwareen
m.dh Cirboor; qode.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirwareen
f. n., [compound] tornado, cyclone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirwareen
-ka: (n) cyclone (saay-kaloon) ~ leexo, cirboor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirwareen
-ka: (magac, lab, keli) cirboodh; qode.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirwareen
de: tornado, cyclone
lx: cirwareen
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
syn: cirboor
key: cirwareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarooji
f.mg2 (-iyay, -isay) U i.: qof u iljebin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmarooji
f.mg2 U i.: qof u iljebin. m.f.dh, ilmaroojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarooji
v. glare, look cruelly (at)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarooji
de: glare, look cruelly (at) With preposition u
lx: ilmarooji
pd: (ilmaroojiyey)
ps: v2a=intr
key: ilmarooji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilhayeen
-ka: (magac, lab, keli) qof masuul ah oo xil loo dhiibtay haya. Xilhayeen la doortaa gartana xaadir noo noqone. Dh: masuul. Wa: xilhayeenno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilqabeen
(Xilqabeen-ka)
Xildhibeen, xilkas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqabeen
m.l.kh Qof mas'uul ah oo aan ku dhiirran karin naftiisa inuu ka fekero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilqabeen
m. n. honorable person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqabeen
-ka: (magac, lab, keli) eeg xilkas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilqabeen
de: honorable person
initial: x
lx: xilqabeen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xilqabeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwareerto
m.dh la-mid: ilikuwareertay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilwareerto
f. n., [compound] horizon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilwareerto
-ilwareertata: (n) horizon (haraayzan); apparent horizon ~ ilkuwareeto, ilikuwareeto
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilwareerto
a: ilikuwareertay
de: horizon
lx: ilwareerto
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: ilwareerto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjareeri
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta iyo xajinta sirta. Nin aan xanjareeri lahayn sir laguma aamino.
xanjareeri -da: (magac, dhedig, keli) hal'adayg iyo kalsooni uu qof leeyahayi inta ay le'eg tahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAL-WAREERIS
(Alvareris) S Maerua subcordata (Gilg)Dewolf. Capparidaceae.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Soo wareejin
Trasferimento, storno
Transfer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaahwareeri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qas iyo shaki gelin. la-mid: jahawareeri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaahwareeri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qas iyo shaki gelin. m.f.dh, jaahwareerin. la-mid: jahawareeri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaahwareeri
v. disorient, confuse someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaahwareeri
(fal) cid kale, wareer aanu wax la kala garan, ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaahwareeri
a: jahawareeri
de: disorient, confuse s.o.
lx: jaahwareeri
pd: (jaahwareeriyey)
ps: v2a=tr
key: jaahwareeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahawareeri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: jaah-wareeri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jahawareeri
v. disorient, confuse, make someone confused
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jahawareeri
-yey / say: (v) cause a person to experience disorientation or confusion; disorient (dis-oori-yant); confuse (kon fiyuus)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jahawareeri
a: jaahwareeri
de: disorient, confuse, make s.o. confused
lx: jahawareeri
pd: (jahawareeriyey)
ps: v2a=tr
key: jahawareeri
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
La wareegid
Esproprio
Expropriation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirdareerid
m.f.dh eeg mirdareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafwareemid
m.dh la-mid: tafwareemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafwareemid
-da: (magac, dhedig, keli) doc ka wareenka, dad dagaal ku jira qoloqolo loogu hiiliyo tafwareemid -da: (magac, dhedig, keli) qof, nabar aanu filayn dhinac kaga dhufasho, Dh: docwareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareegid
-da: (magac, dhedig, keli) tiir ama goobo ku dul duurduurid oo kolkaad mar wareegtaba haddana ku celin.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) Socsocosho oo kolba meel iska marid Warwareegid bilaa macni ah waa lagu daalaa. Dh: Socsocod.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) socod aan toos ahayn oo kolba dhinac loo baydho socosho. Dalcadaha toos looma bexee warwareegid ayaa lagu fuulaa. Dh: duurduur, baydhbaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanshareeri
-da: (magac, dhedig, keli) halka ama awooda wax lagu qarsado. Dh: sirqarsi.
xanshareeri -da: (magac, dhedig, keli) badhida la shiilo cad ka soo baxa oo dumarka iyo carrurtu cunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanwareeji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhaqanguur ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanwareeji
(fal) cid kale, dhaqanguuri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeeg-wareejin
-ta: (n) check endorsement