xilqaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) xil masuuliyadeed qaadid oo dhabarka u ridasho. Dh: xilqaadis.
xilqaadid -da: (magac, dhedig, keli) xil ka wareejin oo cid kale u dhiibid. Dh: casilid, xilqaadis Li: xilsaarid, xilsaaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xilqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilqaamid
(Xilqaamid-da)
(is xilqaamid) xil isa-saarid; hawl u kicid, isu dirid, ku dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqaamid
m.f.dh eeg xilqan². la-mid: xilqaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dan guud iskaa isku dirid oo isku xilsaarid. Hawshu is xilqaamid bay ku wanaagsan tahay. Dh: is dirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) korid oo xilli masuuliyad la qaadi karo gaadhid. Dh: xilqaadid, hanaqaadis, mudakarid, taabbagalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof weyn oo maan iyo maskaxba buuxa oo xil qaadi kara. Curadku haddeed waa xilqaad. Dh: xilqabeen, xilkas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dal dalkisii laga riixo oo dad kali ka qaataan. Dh: dalqaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqaadid
m.f.dh eeg halqaad². la-mid: halqaad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadid
m.dh la-mid: jallaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minqaadid
m.f.dh eeg minqaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tisqaadid
m.f.dh eeg tisqaad². la-mid: tisqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waqtigii lagu ciidmayey gaadhid. Tisqaadid ayuu joogaa wiilkaygii. Dh: taabo-gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid hawl ama arrin maaraynteeda u dhiibid oo kaga eedbeelid, Dh: xilsaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isxilqaamid
(Isxilqaamid-da)
Xil isa saarid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isxilqaamid
Perseveranza
Perseverance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaadniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaaditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaqaadid
m.f.dh eeg calaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
citiqaadid
m.f.dh eeg citiqaad². la-mid: citiqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citiqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) rumaysasho; ictiqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirqaadid
m.f.dh eeg dhirqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadmid
m.dh la-mid: jallaadmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo wax la mid ah, subcismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaqaadid
m.f.dh eeg kalaqaad². la-mid: kalaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo kalaqaad u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaadi
(fal) roob durugsan kobtuu hayo qiyaas oo taftiis iyo taagtiis oddoros. Roob, ninba aqoontiisuu ilaadiyaa. Dh: oddoros, hilaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilqaad
-ka: (magac, lab, keli) caano markaa uun soo yara dhanaanaanaya. Ilgaad baan cabay oo aan ka dhergay markaan gurigii ayeyday tegay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laadid
(Laadid-da)
Laad ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laadid
m.f.dh eeg laad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadid
-da: (magac, dhedig, keli) lugta faygeeda hore ee ku abbaaran dhinaceeda kore, xoog wax ugu dhufad; leed ku dhufasho. Dh: harraatiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadid
(Qaadid-da)
1. Wax kor la geeyey sidid, meel ka wadid oo meel kale geyn.
2. (kor u qaadid) Meel hoose ka qaadid oo meel kore geyn; bilid.
3. (roob) Kicid.
4. (duullaan, col) xoolo dhicid.
5. (cudur) ku dhicid.
6. (hees kd.) Ku dhawaaqid; ka luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadid
m.f.dh eeg qaad². la-mid: qaad¹ (4), qaadis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadid
-da: (n) the act of carrying (keering) or lifting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhulka yaal kor u hinjin. Qaadidda ad qodaxda dawga ka qaaddaa waa sadaqad. Dh: qaadis. Li: dhigid.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) in wax mug leh gudihiisu deeqi karo ku shubid. Weel gaadid yar wax laguma shubto. Dh: deeqid, qaadis.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) cudur ama bugtaan cid kale haysa la bukoosho. Tallaalku kala qaadidda cudurrada ayuu yareeyaa.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) duullaan meel ugu kacid oo dagaal u xamaanqaadasho. Dh: weerarid.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) ku luuqaynoo ku heesid. Qasaa'idka waa la kala qaadid ogyahay. Dh: heesid, qaadis.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) da'idda joojin Mayay qaadiddii milay ma leh. Dh: kacid, joogi. Li: da'id, hoorid.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) xil aqbalid oo masuul noqosho, xil dusha u ridasho. Xilka qaadiddiisa dad badan ayaan ku degdegin. Dh: xilqaadis.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) dhac xoolaad samayn oo boobid. Qaadidda geel aad lahayn waa dembi kuu yaal. Dh: dhicid, boobid.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) deeq iyo axsaan ku siin. Isku qaadidda jaadku way ka fududahay isa siinta lacagta. Dh: siin. Li: diidid.
qaadid -da: (magac, dhedig, keli) gabadh iyada oon reerkoodu ogayn guur u kaxaysasho. Qaadidda gabdhaha in reerkooda laga doono ayaa ka sharaf badan. Dh: la tagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid (roob).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilaadi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid (roob). m.f.dh, hilaadiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaadi
(fal) saadaali wax la fili karo. Dh: saadaali, saadi, mala'awaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaadid
m.f.dh eeg idaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalid
m.f.dh eeg ilaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqid
(Ilaaqid-da)
1. Murmid; doodid; jiriibbamid (ama cilaaqid).
2. Arkid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqid
m.dh la-mid: cilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, si aan dhab ahayn ula marmid; si kaftan ah ugu dheeldheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbaadi
(fal) wax uu qof kale leeyahay dusha ka ilaali. Ilbaadi xoolaha adigu inta dadkii lahaa ay imanayaan. Dh: dhawr, ilaali, eeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax maskax ka qiyaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilqaan
(Xilqaan-ka)
(is-xilqaan) Arrin ama hawl xilkeed oo la isa-saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqaan
xilqaan¹: m.l la-mid: xilqaamid.
xilqaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Is x.: is adeejin, wax isu dirid, xil isa saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xilqaan
f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Is x.: is adeejin, wax isu dirid, xil isa saarid. m.f.l, xilqaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilqaan
m. n. responsibility, task
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xilqaan
see [eeg] is xilqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaan
(fal) is dir oo wax dadka dan u wada ah fulintiisa iskaa isku xilsaar. Intaan lagu dirin adu is xilgaan.
xilqaan -ka: (magac, lab, keli) is dirid uu qofku dammiirkiisa isku diro wax dadka dan u wada ah. Nin xilqaanka yagaanbaa hawl loo dhiibaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilqaan
de: responsibility, task
initial: x
lx: xilqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xilqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geed meel ka biqlay, meel kale u rarid oo ku joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaabid
(Bilaabid-da)
Bilaw u yeelid; ku dhaqaaqid; abuurid; curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabid
m.f.dh eeg bilow². la-mid: billaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax unkamo u yeelid. Bilaabid fiican baad ku bilowday. Dh: dhaqaajin, curin, ambaqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidaadid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, madawgii ku hadhay iyo huubihii culayga, ka masaxid oo wixii uu ku reebay ka sifayn. Dh: catirid.
cidaadid -da: (magac, dhedig, keli) meel yar oo daloosha, walax kale ku cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilaaqid
(Cilaaqid-da)
Hadal cilaaq ah, kula hadlid; muran ka horkeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaaqid
m.f.dh eeg cilaaq². la-mid: ilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cilaaq ah, kula hadlid; muran ka horkeenid. Dh: ilaaqid, murmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cinaadid
(Cinaadid-da)
Cinaad ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaadid
m.f.dh eeg cinaad². la-mid: canaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinaadid
-da: (magac, dhedig, keli) amardiiddo samayn; madax'adaygid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciqaabid
(Ciqaabid-da)
Eedsiin; ka goyn; kajeebid; yakayn; ganaaxid; khasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciqaabid
m.f.dh eeg ciqaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciqaabid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale oo gaboodfal samaysay, ka goyn ama ganaaxid. Dh: ganaaxid, khasiraad, garraaxid, ciqaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidaadid
(Gidaadid-da)
(xoolo, kd.) Gedaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadid
m.dh la-mid: gadoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadin
m.dh la-mid: hilaadiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) saadaalin sida wax noqonayaan oo la sii sheego. Dh: hilaadis, saadaalin.
hilaadin -ta: (magac, dhedig, keli) roob oddoros ku garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadis
m.l la-mid: hilaadiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaamid
m.f.dh eeg ilhaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaawid
(Illaawid-da)
Illoobid; xusuusan-waa; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaawid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilxaaxid
(Ilxaaxid-da)
(aragga) indhaha ka badasho, wareerin; indhawirqid; in- dhasarcaadid; indhaddaraandarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxaaxid
m.f.dh eeg ilxaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylada ama cida dheer ee riyaha. Jalaadidda riyuhu waa astaan barwaaqo. Dh: qalaadid. Li: amusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaadid
(Jibaadid-da)
Xoog u reemid; aad u taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaadid
m.f.dh eeg jibaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaadid
-da: (magac, dhedig, keli) taahid oo xanuun ama ciil la reemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihaadid
m.dh la-mid: jahaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal jihaad ah oo sharciga ku dhisan qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladid
m.dh la-mid: jelledid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaqaadid
vl. n. confiscation, taking away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaqaadid
de: confiscation, taking away
lx: kaqaadid
pd: (-da)
ps: vn1-f
see: qaad
key: kaqaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaadin
m.f.dh eeg milaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalid
m.f.dh eeg milaal². la-mid: milaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u buuxin oo tirrijin. Dh: miijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minqaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Fogaan minqaad ah reer rarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qilaafid
-da: (magac, dhedig, keli) af garan waayid: ka hor jeesasho cid laga horjeesto iyada oo wax lagu diiddan yahay. Is qilaafid kuma maqal labadii shirkadda wada lahayd. Dh: khilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadid
(Siraadid-da)
Siraad daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadid
m.f.dh eeg siraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadid
-da: (magac, dhedig, keli) siraad daarid, shidid, shidid ama noolayn.