xilhayeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilhayeen
-ka: (magac, lab, keli) qof masuul ah oo xil loo dhiibtay haya. Xilhayeen la doortaa gartana xaadir noo noqone. Dh: masuul. Wa: xilhayeenno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilqabeen
(Xilqabeen-ka)
Xildhibeen, xilkas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqabeen
m.l.kh Qof mas'uul ah oo aan ku dhiirran karin naftiisa inuu ka fekero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilqabeen
m. n. honorable person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqabeen
-ka: (magac, lab, keli) eeg xilkas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilqabeen
de: honorable person
initial: x
lx: xilqabeen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xilqabeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilayn
(Xilayn-ta)
1. Xil saarid; xiloodin.
2. Xilo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid masuuliyad saarid. Xilayn wuu ku fiican yahay. Dh: xilsaarid, xilays, xiloodin.
xilayn-ta: (magac, dhedig, keli) xilo samaysasho; reer dhisasho oo guursasho. Xilayni heshiis kama maaranto. Dh: xilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afhayeen
m.l la-mid: afhaye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afhayeen
m.l Eeg afhaye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afhayeen
-ka: (n) spokesman (ispowkisman); spokesperson
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afhayeen
-ka: (magac, lab, keli) eeg afhaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqeen
(Ilaaqeen-ka)
Dalool aad u yar; dul° (ibta naaska, irbadda) ilaaqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqeen
m.l (-nno, m.dh) 1. Dalool aad u yar. 2. Dulka cirbadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaaqeen
m. n. small hole ~ orifice
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaaqeen
a: ilaaqad
de: small hole ~ orifice
lx: ilaaqeen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ilaaqeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwareen
m.l (daawo) Cudur indhaha ku dhaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilwareen
m.l (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilwareen
m. n. painful eye disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilwareen
-ka: (magac, lab, keli) xanuun geela indhaha kaga dhaca gaar ahaan xilliga jilaalkii ee ay dhacaan dabaylaha qabowga badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilwareen
de: painful eye disease (one experiences stabbing pain in the eyes)
lx: ilwareen
pd: (-ka)
ps: n-m
key: ilwareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) Cid xikaayo u jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xikaayee
v. tell stories
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayee
(fal) sheekooyin iyo qisas ka sheekee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xikaayee
de: tell stories
initial: x
lx: xikaayee
pd: (xikaayeeyey)
ps: v2b=intr
key: xikaayee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ximaayee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid si kaftan ku jiro wax uga sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ximaayee
v. show one's jealousy towards someone, show hostility ~ an aversion for
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximaayee
(fal) ilaali oo nabadda iyo ammaanka sug. Askari haddaad tahaye dalkaaga ximaayee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ximaayee
de: show one's jealousy towards s.o., show hostility ~ an aversion for
initial: x
lx: ximaayee
pd: (ximaayeeyey)
ps: v2b=tr
key: ximaayee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af hayeen
-ka: (n) spokesman (ispookisman); spokesperson
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilwareejin
m.dh La kala wareegidda laba qof maamul la kala wareegaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xilwareejin
m.dh La kala wareegidda laba qof maamul la kala wareegaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilwareejin
-ta: (magac, dhedig, keli) masuuliyad wareejin oo cid kale u dhiibid. Aadan Cadde wuxu ahaa madaxweynihii u horreeyey ee xilwareejin sameeya. Dh: xilwareejis. Li: xilsaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhmaysan
(tilmaame) xidhmo xidhmo u xidhan ah. Alaabtii oo xidhmaysan ayaan haf la soo idhi Dh: seeraysan, xirmaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xilwareeji
-yey I say: (v) transfer responsibility to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-ayeen
de: they were doing (X)
lx: -ayeen
ps: v1-3pl-ppgr
xe: they were telling
xv: waa sheegayeen
key: -ayeen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayeen
[with preposition u ] they benefited
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeen
(Habeen-ka)
Inta u dhexaysa kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxdo; (ama hameen, habeyn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeen
m.l (-nno, m.dh) Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. la-mid: hameen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habeen
m.l (-nno, m.dh) Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. la-mid: hameen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeen
m. n. night
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeen
-ka: (n) night (naayt) ~ habayn, cawo
habeen hore (expression) last night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeen
-ka: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa kolka qorraxdu dhacdo iyo inta ay soo baxayso. Nin habeen kaa weyni habeen ba'as kaa wen. Dh: hameen. Li: dharaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeen
de: night
lx: habeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
xe: cawo
xv: hameen, habeyn
key: habeen
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
habeen
ليل
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
HALEEN
(I) Manza;
(E) Heifer
(S) HALEEN (S. c. m.; Halen); MA Rimmantai (S. c. m.: Ma rimmantai)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hameen
m.l la-mid: habeen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hameen
m. n. night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hameen
-ka: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa kolka qorraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxdo. Dh: habeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hameen
a: habeen
de: night
lx: hameen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hameen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haween
(Haween-ka)
Naagaha guud ahaan; dumar: dheddigood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haween
m.l.u Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haween
m.l.u Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haween
m. n., [collective] women, womankind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haween
-ka: (n) [Plural] women (wamen) ~ naago, dumar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haween
-ka: (magacwadareed) dadka intiisa aan ragga ahayn ee dhedig. Dh: dumar. Li: rag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haween
de: women, womankind
lx: haween
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
syn: bilis, dumar
key: haween
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilcayn
m.l/dh Dhabataysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilcayn
m. n. evil eye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilcayn
de: evil eye
lx: ilcayn
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n-m/f
key: ilcayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaan
ilhaan¹: m.dh (dii.) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga yimid.
ilhaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga imaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilhaan
ilhaan¹: m.dh (dii.) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga yimid.
ilhaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga imaansho. m.f.dh, ilhaamid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ilhaan
name-f inspiration, intuition
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illayn
xi. 1. la-mid: illeen. Eray hadalka lagu adkeynayo. 2. la-mid: illaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illayn
xi. 1. la-mid: illeen. Erey hadalka lagu adkeynayo. 2. la-mid: illaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illayn
conj. but, on the other hand
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Illayn
en effet.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illayn
(conjectiori) on the contrary; yet (yat); but (bat) ~ illeen, illayse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illayn
(xidhiidhiye) erey la yidhaahdo marka wax aan la ogayn la ogaado. Alaabtii aqalka ka soo qaado aan is lahaa, illayn Cali baa ila soo waydaartay. Dh: shaw, illeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illayn
a: illeen
de: but, on the other hand
lx: illayn
ps: conj
key: illayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illeen
xi. la-mid: illayn (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmayn
(Ilmayn-ta)
1. Indhaha biyo ka keenid; ilmo qubid.
2. Ilmo isdabajoog ah dhalid.
3. (Faal, kd.) isku sii jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmayn
m.f.dh eeg ilmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) indhaha illin ka keenid. Dh: ooyid, lilmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilwayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nirgaha labajir gaadhay oo uu geelu ka gudhay. Ilwayn nirgood kurus ma yeelato.
ilwayn -ta: (magac, dhedig, keli) gambo dumarku xidhaan oo dalool weyn leh. Ilwayn weeye gambada gabadhaydu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihayn
m.dh la-mid: jahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jihayn
vl. n. direction, directing, sending to ~ towards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka xaqa ah u tilmaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jihayn
a: jiheyn
de: direction, directing, sending to ~ towards
lx: jihayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: jihayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaye
-a: (magac, lab, kali) wixii nugul ee aan adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilayn
(Jilayn-ta)
1. Jil u yeelid, ku marid.
2. (wadaan, kd.) afka marin; aad u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayn
m.f.dh eeg jilee. la-mid: jilays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilayn
vl. n. filling to the brim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilayn
a: jilays (ka) [vn-m]
de: filling to the brim
lx: jilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: jilee
key: jilayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labeen
(Labeen-ta)
1. Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah, dusha ka fuula.
2.* Cunno macaan oo ka samaysan ukun iyo bur iyo sonkor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeen
m.dh Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah dusha ka fuula.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labeen
m.dh Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah dusha ka fuula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labeen
f. n., (mass n.): cream
labeen [feminine] n. cake, cookie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labeen
-ta: (n) milk cream (kiriim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeen
-ta: (magac, dhedig, keli) dufan cad oo caanaha dhayda ah dusha uga soo baxa, marka la dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaybin oo u kala soocid. Milayntaada ayaan sugaynnaa. Dh: milays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulhaye
-ha: (magac, lab, keli) ninka maamulka iyo nabadaynta beeshiisa u xilsaaran ee genduhu magacaabo. Beesha Ciise waxay leedahay ulhaye. Dh: beeldaaje
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saabuun lagu maydhay biyo nadiif ah saabuunta kaga saarid. Dh: xallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayees
(fal) weydaw oo qof dhuuban noqo. Intaad cuslaan lahayd xayees. Dh: dhuubo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xidhan
der. [adjective] shut, closed up; dressed, wearing clothes
xidhan [inchoative] v. get shut, be locked ~ closed; get tied up; jailed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xidhan
-xidhnaa / xidhnayd: (adj) 1. closed (kalowsidh); shut (shat) ~ xiran. Ex: dukaanku ma xidhan yahay? Is the store closed? 2. arrested (a-res-tidh); detained (di-teeynidh); imprisoned (im-piri-zenidh) ~ xabbisan
xidhan -xidhnaa / xidhnay: (adj) dressed; wearing. Ex: nin surweel xidhan; a man wearing trousers ~ labisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhan
(tilmaame) xadhig ku guntan. Joonyad afka ka xidhan oo bariis ah ayaan siiyay. Dh: xiran, guntan. Li: furan.
xidhan: (tilmaame) jeel ku jira ah; xabsi la geeyey ah. Dh: xabbisan, xiran. Li: furan.
xidhan: (tilmaame) qof wax laga doonayo ah. Dh: xiran.
xidhan: (tilmaame) aan socon oo la joojiyay ah. Baanbaddu way xidhan tahay. Dh: joojisan, xiran.
xidhan: (tilmaame) qufulan oo aan bannaanayn. Albaabku wuu xidhan yahay. Dh: qufulan.
xidhan: (tilmaame) dhar ku lebbisan. Dh: lebbisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xigeen
m. n. (adj.): next ~ adjacent item; near, following; related
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xigeen
see [eeg] ku xigeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigeen
-ka: (magac, lab, keli) ka ku xiga; ku xigeen: ka labaad. Wa: xigeenno