xiledalaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiledalaaq
-a: (magac, lab, keli) furidda haweenay iyo ku dhawaaga kala tegga oori iyo abbaanwarreheed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiladalaaq
(fal) dalaaq ku dhawaaq; naagtaada fur. Dh: dalaaq, fur.
xiladalaaq -a: (magac, lab, keli) furidda uu ninku furo xaaskiisa. Afkaaga xiladalaaq ka ilaali. Dh: xilafur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilidsalaax
-a: (magac, lab, keli) qaboojin iyo dejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilaqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof guurgal ah oo da'dii reer dhisi lahayd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalaad
m.dh la-mid: dąldalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daldalaad
-da: (n) hanging (haang-ing); killing by hanging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalaad
-da: (magac, dhedig, keli) dil qofka la dilayo inta xadhig qoorta loo geliyo meel laga soo laadlaadiyo. Dh: daldalid.
daldalaad-da: (magac, dhedig, keli) wax aan kala go' lahayn, si is dabajoog ah oon kala go' lahayn u wadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dildilaac
Cleavage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildilaac
-a: (magac, lab, keli) qarqarradh hal ka badan; jeexkeex badan. Aqal sibidh xun lagu dhisay dildillaac lagama waayo. Dh: jeexleex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididalay
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta inta kalagoyska mataanaha iyo faraha u dhaxaysa ee dhabarka baabacada; lugta inta labada kuraamood iyo faraha u dhaxaysa ee cagta dhabarkeeda.