xilay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilay
(fal) cid masuuliyad saar. Wiillka maamulka reerka u xilay. Dh: u xilsaar. Li: xilwareeji.
xilay: (fal) xilo samayso; reer dhis oo guurso. Xilay oo doobnimada ka bax. Dh: xiloodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilayn
(Xilayn-ta)
1. Xil saarid; xiloodin.
2. Xilo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid masuuliyad saarid. Xilayn wuu ku fiican yahay. Dh: xilsaarid, xilays, xiloodin.
xilayn-ta: (magac, dhedig, keli) xilo samaysasho; reer dhisasho oo guursasho. Xilayni heshiis kama maaranto. Dh: xilays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilay
(fal) cid kale, isha ku mud; cid kale, ku legad isha. Dh: cawri, dhabo, ilee.
ilay: (fal) iftiin u yeel; mugdiga ka saar. Dh: ifi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xila
de: adolescent, young male reaching the age of puberty
initial: x
lx: xila
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xila
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilay
(Hilay-ga)
1. Raro ama gogol duug ah (abjed, cajil, hilif, milif, kd.) mid kamid ah.
2. Minka timirta ah, galkiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilay
m.l 1. Xarig weel lagu hilo. 2. (-yo, m.dh) Derin yar oo duug ah. 3. (-yo, m.dh) Callaal caw ka samaysan oo timirta lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilay
m. n. old worn-out mat; basket ~ wrapping for dates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilay
-ga: (magac, lab, keli) raro ama gogol duug ah mid ka mid ah. Awrka waxa lagu rareereyey hilay duug ah. Dh: raro, abjed, cajil, hilif, milif.
hilay-ga: (magac, lab, keli) minka timirta ah, galkiisa.
hilay-ga: (magac, keli) xadhkaha wax lagu xidho oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilay
de: old worn-out mat; basket ~ wrapping for dates
lx: hilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: hilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilay
(Jilay-ga)
Dheri jabki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilay
m. n. plug, stopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilay
(fal) wax buuxiyey oo afka mariyey ka yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilay
de: plug, stopper
lx: jilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: jilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milay
(Milay-ga)
Xilli; waqti; goor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milay
m.l (-yo, m.dh) 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. la-mid: melay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milay
m.l (-yo, m.dh) 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. la-mid: melay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milay
m. n. time, occasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milay
-ga: (magac, lab, keli) xilli, ammin; waqti. Dh: xilli, goor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milay
de: time, occasion
lx: milay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: milay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalay
(Xalay-da)
Habeennadii la soo dhaafay, kan ugu danbeeyey; (ama xalayto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalay
m.dh Habeennadii la soo dhaafay, kan ugu dambeeyay. la-mid: xalayto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalay
m.dh Habeennadii la soo dhaafay, kan ugu dambeeyay. la-mid: xalayto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalay
f. n. last night, yesterday evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xalay
(adv) last night ~ xaleyto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalay
(fal) wax saabuun lagu maydhay biyo caddaan ah kaga saar oo saabuunta ku dhaafi. Dh: xalee, xallee.
xalay-da: (magac, dhedig, keli) xilliga kolkaa la jooga habeenka ka horreeya ee tegey; habeennadii dhaafay kii u dambeeyey. Dh: xalayto, xalaytoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalay
a: xaley
de: last night, yesterday evening
initial: x
lx: xalay
pd: (-da)
ps: n0-f-time
key: xalay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xil_2
de: shame, embarrass; dishonor {S}
hm: 2
initial: x
lx: xil
pd: (xilay)
ps: v1=tr
key: xil_2
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abusive
a., (wah) xilay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ashamed
a., xishood badan; be ashamed, xishoo; you make me ashamed, adigu waa i xilaysaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlay
(fal) gammaan, labada lugood ee danbe, wax ku harraati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislay
(fal) wax bissil ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlay
(fal) meel aan cidi joogin ka dhig; meel aan wehel joogin ka dhig. Dh: bannee. Li: cammir, buuxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaye
-a: (magac, lab, kali) wixii nugul ee aan adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilayn
(Jilayn-ta)
1. Jil u yeelid, ku marid.
2. (wadaan, kd.) afka marin; aad u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayn
m.f.dh eeg jilee. la-mid: jilays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilayn
vl. n. filling to the brim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilayn
a: jilays (ka) [vn-m]
de: filling to the brim
lx: jilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: jilee
key: jilayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilays
(Jilays-ka)
Jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilays
m.l la-mid: jilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lillay
(fal) waxtar oo faa'iido ha lagaa helo. Dh: faa'iidee; lillee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaybin oo u kala soocid. Milayntaada ayaan sugaynnaa. Dh: milays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milays
-ka: (magac, lab, keli) eeg milayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milgay
(fal) hawraar murti iyo macno u yeel oo si wanaagsan u dheh. Kolkaad garramayso hadal kaaga milgay. Dh: milgee, murtiyee, qaabee.
milgay: (fal) cid kale xurmee oo si muunad le ula dhaqan. Gacalkaaga milgay. Dh: xurmee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mislay
/misley/mislaid; (v) boos khaldan wax dhigid, kuna hilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflay
(fal) dhibic, iyo wixii la mid, ah'dhac. Dh: tifiqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilgay
(fal) wilgo qaad oo ku hees; wilgo ciyaar. Orod oo haddaad sacab doonayso hablaha la wilgay. Dh: wilgee, ciyaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalay
(fal) dan ka gal oo wax ka qabashada arrin jirta xil iska saar. Dh: xaallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saabuun lagu maydhay biyo nadiif ah saabuunta kaga saarid. Dh: xallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallay
(fal) saabuunta ka saar; biyihii hore kuwo ka nadiifsan kagaga daba maydh. Dh: biyarraaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelay
(fal) tab iyo farsamo aad ujeeddadaada ku gaadho samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidday
(fal) sharraxaad iyo shaash qurxoon samee. Faraska xidday. Dh: xiddee.
xidday: (fal) dun midabya leh faraqa guntiga ama go'a salkiisa hoose si ruduc ah ugu tol. Gundhataha ii xidday. Dh: xiddee, aaradee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiilad
f. n. tactic; trick; strategy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiilad
cf: xeel
de: tactic; trick; strategy
initial: x
lx: xiilad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xiilad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisay
(fal) xiiso u qab; xiiso u hay. Dh: xiisee, jeclayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilbax
(Xilbax-a)
Xilbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbax
xilbax¹: m.l la-mid: xilbixid.
xilbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Waajib qof saarraa si fiican u gudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xilbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Waajib qof saarraa si fiican u gudasho. m.f.dh, xilbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilbax
m. n., [compound] honorable behavior
xilbax v., [compound] avoid shame; behave honorably
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilbax
-a: (magac, lab, keli) arrin xil leh si wanaagsan u qabasho oo masuuliyaddeeda ka soo bixid. Dh: hawlfulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilkas
(Xilkas-ka)
1. Qof xilka garan og; xildhibaan.
2. Neef irmaan oo madi ah, oo lagu xilbaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilkas
m.l.kh 1. Qof xilka garan og; xildhibaan. 2. Neef irmaan oo madi ah, oo lagu xilbaxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xilkas
m.l.kh 1. Qof xilka garan og; xildhibaan. 2. Neef irmaan oo madi ah, oo lagu xilbaxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilkas
m. n. responsible person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xilkas
-ah: (adj) responsible (ris-poonsibal)-, answerable (aan 'sarabal); liable (laayabal)-, accountable (a-kawntabal) ~ mas'uul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilkas
-ka: (magac, lab, keli) qof xilka saaran og oo sidii uu uga soo bixi laahaa u adeega. Xilkas ayaa xil lagu aammini karaa. Dh: xildhibaan.
xilkas -ka: (magac, lab, keli) neef irmaan oo madi ah oo lagu xilbaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilkas
de: responsible person Opp: laahi
initial: x
lx: xilkas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xilkas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilla'
(tilmaame) eed la'. Ninkaasi waxa uu sameeyey wuu ku xilla' yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xillad
m.l/dh (-do, m.l) Kal; waqti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmay
(fal) xirmo xirmo u xir. Tigaadda xirmay oo baabuurka saar. Dh: xidhmay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xisla'
-aa: (adj) stupid (istupidh), dumb (dhaam); unintelligent (anintalajent) ~ garaadla', garaadlaawe, garaadyar, garaadxun, doqon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolay
(fal) xoolo dhaqo oo faraqabsiin yeelo. Kol haddaad muddakartay reerka u xoolay oo caydha ka saar. Dh: xoolee, dhaq. Li: caydhi.
xoolay: (fal) bar adduun oon xoolo ahayn xoolo u rog. Dahabkan xoolay oo geel iyo adhi ka iibi. Dh: xoolee.
xoolay: (fal) weel dux xoolaad ku shub oo cusaybka ka baabi'i gocoyannimada ka bi'i. Dhillka aad toshay xoolay: Dh: qaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalay
(fal) kaftan dacaayad ah ku dheh. Xifaalay waa saaxiibkaaye. Dh: xifaalee, dacaayadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ila
pron. and preposition: with me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ila
(pronoun with preposition) with me or to me. Ex: waxii dhaca ila socodsii; report to me what happens
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lay
f.g2 (-aayay, -aysay) 1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. la-mid: laa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lay
f.g2 (-aayay, -aysay) 1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. m.f.dh, layn. la-mid: laa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lay
pron., pro: someone ... me
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lay
/ley/laid;(v) 1. dhigid; jiifin e.g. Can you lay your coat on the bed. 2. fariisin (sal u yeelid) booska ku habboon dhigid. 3. ugxan dhalid (shimbira iwm). 4. ku oogid (sharci, dambi iwm). e.g.The police have laid a serious charge against him 5. sharad dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lay
(fal) dil wax tiro ah ama badan. Dh: baabbi'i, warjeef, makal, laa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lay
de: someone ... me la + i
lx: lay
ps: pro + pro
key: lay
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lay
v.tr., (place) dhig; lay aside, dhaq, dhaqo, dhigo; lay away, reeb; lay before, open out, muuji, tus; lay over, dusha ka saar; lay on, ku reeb; lay down, u dhiibo; lay hold of, hoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xay
(Xay-ga)
1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub ama xirmo yar oo dun ah.
2. Midabkiisu, sida xayga qaarki, cad yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xay
m.l 1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub ama xirmo yar oo dun ah. 2. Midabkiisu, sida xayga qaarkii, cadyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xay
m. n. white flower species; white color
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xay
nickname; name-f whittish; white flower. Cf: Xaayow, Xayle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xay
ama Xaayow magac loo bixiyo wiil midabkiisu aad u cad yahay.
xay: (ereycodeed) erey lagu kexeeyo idaha.
xay: (tilmaame) caddaan ah.
xay -ga: (magac, lab, keli) midab caddaan xooga ah. Dh: caddaan. Li: madaw.
xay -ga: (magac, lab, keli) ubax u baxa sida bul ama cutub oon caleen lahayn. Dh: ubax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xay
de: white flower sp.; [ext.] white color
initial: x
lx: xay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: xay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xil
(Xil-ka)
1. Xishood; sheex: sarriig.
2. Wax ama hawl la isu dhiibey ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hagrado ama lagu gaboodfalo.
3. Ceebaal; fadeexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xil
xil¹: m.l 1. Xishood; sheex; sarriig. 2. Wax ama hawl la isu dhiibay ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hargado ama lagu gaboodfalo. 3. Ceebal; fadeexo.
xil²: f.g2 (-ilay, -ishay) 1. Cid mas'uul saarid. 2. Cid ceebayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xil
m.l 1. Xishood; sheex; sarriig. 2. Wax ama hawl la isu dhiibay ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hargado ama lagu gaboodfalo. 3. Ceebal; fadeexo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xil
m. n. responsibility; sense of decorum, shame, modesty
xil v. shame, embarrass; dishonor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xil
-ka: (n) responsibility (rispoonsibiliti)-, obligations (oobli-geeyshinis)-, duties (dhuutis) ~ mas'uuliyad, waajibaad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xil
Responsabilità
Responsibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xil
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo ixtiraam. Li: xildaro, xishood la'aan. Wa: xilal.
xil-ka: (mmagac, lab, kelii) masuuliyad la hayo. Nin xil qaaday eed qaad. Wa: xilal.
xil -ka: (magac, lab, keli) ceebaal; fadeexad; fadeexo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xil
مَسْئُولِيَّة
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Clay
Dhoobo