xiladalaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiladalaaq
(fal) dalaaq ku dhawaaq; naagtaada fur. Dh: dalaaq, fur.
xiladalaaq -a: (magac, lab, keli) furidda uu ninku furo xaaskiisa. Afkaaga xiladalaaq ka ilaali. Dh: xilafur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiledalaaq
-a: (magac, lab, keli) furidda haweenay iyo ku dhawaaga kala tegga oori iyo abbaanwarreheed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilafur
(fal) dalaaq ku dhawaaq; naagtaada fur. Dh: xiladaaq.
xilafur -ka: (magac, lab, keli) furidda uu ninku furo xaaskiisa. Dh: xiladalaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilidsalaax
-a: (magac, lab, keli) qaboojin iyo dejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalay
(fal) wax ama shaqo, korka kala soco. Dh: kormeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laalaab
v. fold many times; zigzag; finish ~ wind up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laalaab
-ay / tay: (v) fold (fooldh); enfold (enfooldh); roll (rool)
laalaab -ka: (n) wrinkle (rin-kal); crease (kiriis) ~ canyayuub, duuduub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaab
(fal) eeg laablaab.
laalaab -ka: (magac, lab, keli) wax aan kala fidsanayn, meelaha uu ka laalaabmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laalaab
de: fold many times; zigzag; [fig.] finish ~ wind up
lx: laalaab
nt: laalaab (ka) [vn2a-m]
pd: (laalaabay)
ps: v1=pl
key: laalaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaad
-ka: (magac, lab, keli) luladka wax meel sare dhinac ku haya, dhankiisii kale na dhulka gaadhsiisnayn. Dh: lulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro sahan sugasho oo u kuurgelid iyo hullo ogaaneed; dersid iyo salgaadh dhammays ah. Guur saddex buu eedaa: ma aqoon, ma abraacin, ma ilaalayn. Dh: kuurgal, dersid.
ilaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) eeg'eegid ay foojignaani ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalaq
m.l Dhaca labaad ee meel hore loo dhacay lagu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaalaq
-a: (magac, lab, keli) weerar iyo dagaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labalaab
num: double
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labalaab
-ka: (adj) [Mathematics] twofold; double (dha bal) ~ labanlaab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labalaab
de: double Alt sp: laballaab
lx: labalaab
pd: (-ka)
ps: num-m
key: labalaab
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
labalaab
ضِعْفَ مُضَاعَفَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalan
milaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax mug leh oo wax kale laga buuxshay noqosho.
milaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Ka m.: wax mug leh oo wax kale laga buuxshay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milaalan
der. [adjective] filled (with), be full (of something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalan
(tilmaame) aad u buuxa oo daf ah. Kob caano ah oo milaalan ayuu gummud ka siyay buuxsan, miijisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milaalan
de: filled (with), be full (of s.t.) With preposition ka
lx: milaalan
pd: (milaalnaa)
ps: adj-der
xe: a full container
xv: buux
key: milaalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalay
(fal) neef dhimanaya gawrac si aanu duufin. Laxda xalaalay intayna duufin. Dh: qal xalaalee, gawrac. Li: duufi.
xalaalay: (fal) ilma yar baarada ka goo gaar ahaan gabadh. Wiilku intuu yaryahay xalaalay. Dh: gud, baaragoo, xalaalee.
xalaalay: (fal) ammaano ciddii lahayd illaws iska yeelo. Hadduu kombiyuutarka kuu soo doona waayo ka xalaalay. Dh: xalaalee.
xalaalay: (fal) shay inuu bannaan yahay banne ku fatwoo. Cunidda jaadka xalaalay: Dh: xalaalee bannay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalay
(fal) kaftan dacaayad ah ku dheh. Xifaalay waa saaxiibkaaye. Dh: xifaalee, dacaayadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilaqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof guurgal ah oo da'dii reer dhisi lahayd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaaqaad
m.dh la-mid: calaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilaaqaad
m. n. relations, connections
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilaaqaad
-ka: (n) relationship (ri-ley-shin-shiip)-, rapport (raapoor); association; connection ~ xiriir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqaad
-ka: (magac, lab, keli) xidhiidh ka dhexeeya laba qof ama laba dawladood (ama in ka badan) ee lagu wada noolaado. Dh: xidhiidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilaaqaad
a: calaaqo, calaaqaad
bw: Arabic
de: relations, connections
lx: cilaaqaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cilaaqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalaad
m.dh la-mid: dąldalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daldalaad
-da: (n) hanging (haang-ing); killing by hanging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalaad
-da: (magac, dhedig, keli) dil qofka la dilayo inta xadhig qoorta loo geliyo meel laga soo laadlaadiyo. Dh: daldalid.
daldalaad-da: (magac, dhedig, keli) wax aan kala go' lahayn, si is dabajoog ah oon kala go' lahayn u wadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dildilaac
Cleavage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildilaac
-a: (magac, lab, keli) qarqarradh hal ka badan; jeexkeex badan. Aqal sibidh xun lagu dhisay dildillaac lagama waayo. Dh: jeexleex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibasalaax
(fal) hal candhadeed, calaacasha gacantaada marmari si ay u godlato. Dh: xoodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalaalayn
(Xalaalayn-ta)
Xalaal ka dhigid; Bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalayn
m.f.dh eeg xalaalee. la-mid: xalaalays.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xalaalayn
Legittimazione
Legitimize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo yar gaar ahaan gabadh baaro ka goyn. Dh: gudid, gudis.
xalaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) xalaal ka dhigid oo inuu bannaan yahay sheegid. Dh: bannayn xalaalays.
xalaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhimanaya gawracid. Bisinka ku bilaw xalaalaynta neef. Dh: gawricid, birayn. Li: duufin.
xalaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) ammaano ciddii lahayd illawsiin oo iska yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalays
m.l la-mid: xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididalay
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta inta kalagoyska mataanaha iyo faraha u dhaxaysa ee dhabarka baabacada; lugta inta labada kuraamood iyo faraha u dhaxaysa ee cagta dhabarkeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xifaalayn
(Xifaalayn-ta)
Hadallo xifaalo ah, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaalayn
m.f.dh eeg xifaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la kaftamid. Dh: xafaalayn, xifaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xifaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaaltan
xifaaltan¹: m.l la-mid: xafiiltamid.
xifaaltan²: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: xafiiltan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaaltan
-ka: (magac, lab, keli) wada kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaabaad
m.l Maamul lacag oo hay'adi leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xisaabaad
m.l Maamul lacag oo hay'adi leedahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xisaabaad
m. n. accounting, bookkeeping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xisaabaad
-ka: (n) accounting (a-kaawnt-ing); accountancy (a-kaawn-tensi); bookkeeping (buuk-kiiping)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisaabaad
-ka: (magac, lab, keli) xilmiga lagu garto badida yarida hoos u dhac kor u kaca iyo xidhiidhka walaxaha iyo wixii la mid ah. Dh: xisaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xisaabaad
bw: Arabic
de: accounting, bookkeeping
initial: x
lx: xisaabaad
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: xisaabaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilataraar
-ka: (magac, lab, keli) dhaar been ah ku dhaarasho. Bilataraar badanaa inuu been sheegi sidaa ku garo. Dh: dhaarbeenaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaqdalaq
-da: (magac, dhedig, keli) nooc socodka ka mid ah oo aan habaysnayn. Ilmaha dalaqdalaqle dabka ka qabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmaxalaal
-ka: (magac, lab, keli) qofka inahabardoobireedka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalnaan
m.f.dh eeg milaalan². la-mid: milaalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilasaamad
-ka: (magac, lab, keli) da' qaangaadh gaadhid; da' xil qaadi karta gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) xil xambaaritaan oo dhabarka saaritaan. Dh: xilqaadniin.
xilqaaditaan-ka: (magac, lab, keli) xil ka casilitaan. Dh: xilqaadniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirfadyagaan
-ka: (magac, lab, keli) qof farsamo gacmeed wax lagu hagaajiyo yaqaan. Dh: farsamayaqaan, xirfadle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysad
-ka: (magac, lab, keli) dhaliil iyo cillad qarsoon yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilladaysan
der. [adjective] in difficulty, having problems
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilladaysan
-cilladaysnaa / cilladaysnayd: (adj) malfunctioning (maal-funk-shen-ing)', not functioning; defective (di-fektiv) ~ cillaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysan
(tilmaame) mid cillad leh; mid dhaliil qarsoon leh; mid kharriban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilladaysan
de: in difficulty, having problems
lx: cilladaysan
ps: adj-der
key: cilladaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilabadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xeelado iyo xirribo badanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilbawadaag
1. (Hilbawadaag-ga) Hilib isugu oollaansho; xigto ahaansho.
2. (Hilbawadaag-ta) Dad hilib isugu yaal; xigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilbawadaag
hilbawadaag¹: m.l Xiriir qaraabannimo.
hilbawadaag²: m.dh.u Dad xiriir qaraabannimo ka dhexeeyo. la-mid: hilbawadaageen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilbawadaag
m. n., [compound] blood relatives; close kinship, close relationship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilbawadaag
-ta: (magac, dhedig, keli) dad isku xigto iyo qaraabo ah; hilib isugu oollaansho; xigto ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilbawadaag
de: blood relatives; close kinship, close relationship
lx: hilbawadaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: hilbawadaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilacsanaan
m.dh la-mid: jilicsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) aad u buuxit oo daf ahaan. Kubbaayaddu milaalitaanka way ku balqan. Dh: miijitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyadsamaan
m.dh la-mid: niyasamaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Niyadsamaan
Buona volontà
Good-will
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyadsamaan
-ta: (magac, dhedig. keli) qalbi furnaan. Dadka nyadsamaan kula dhaqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyadwanaag
-ga: (magac, lab, kel) eeg niyadsami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silacsanaan
m.f.dh eeg silacsan. la-mid: silacsanaansho, silicsanaan, silicsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaataysnaan oo saxariir qabid. Dh: darxumaysnaan, rafaadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalaalaysad
(Xalaalaysad-ka)
Xalaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalaysad
m.l la-mid: xalaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan lagu oggolayn iskaa u bannaysasho oo sharci la'aan iska cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaydhalay
(tilmaame) wax xalay dhashay oo cusub ah.
xalaydhalay -da: (magac, dhedig, keli) hoshiis ku saabsan godob dhiig oo horay loo kala qabey oo lagu heshiiyo in la isa saamaxo oo laga soo qaado sidii wax aan dhicinba. Dh: xaladhaley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeladaysan
(tilmaame) tabaysan; farsamaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaandalnaan
m.f.dh eeg dalaandalan. la-mid: dalaandalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaandalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dalaandalaya ahaan.