xila'irmaaneeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xila'irmaaneeye
-ha: (magac, lab, keli) nin inuu islaan ka dhalo mooyee manaafacaad kale lahayn. Xila'irmaaneeye iyo ma xoogsade Alloow ha na badin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xila'irmaanee
(fal) naag ka dhal uun adoon waxba u qabanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xila'irmaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dumar ka dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xila-irmaaniye
m.l 1. Wiil gaaray da'dii qaangaarnimada. 2. Nin waxtar aan lahayn oo nacas ah. la-mid: xila-irmaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xila-irmaanis
m.l la-mid: xila-irmaaniye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xila-irmaanis
m. n. adolescent, young male reaching the age of puberty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamadeeye
-ha: (n) marker (maarkar); highlighter — qalab wax lugu calaamadiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof xoolaha ama alaabada sumad ama astaan gaar ah u yeela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaataneeye
m.l Tir qiyaas ahaan soddon u dhow. la-mid: labaatameeye, labaatameeyo, labaataneeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaataneeye
m.l Tir qiyaas ahaan soddon u dhow. la-mid: labaatameeye, labaatameeyo, labaataneeyo.