xila'irmaanee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xila'irmaanee
(fal) naag ka dhal uun adoon waxba u qabanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xila'irmaaneeye
-ha: (magac, lab, keli) nin inuu islaan ka dhalo mooyee manaafacaad kale lahayn. Xila'irmaaneeye iyo ma xoogsade Alloow ha na badin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xila'irmaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dumar ka dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xila-irmaaniye
m.l 1. Wiil gaaray da'dii qaangaarnimada. 2. Nin waxtar aan lahayn oo nacas ah. la-mid: xila-irmaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xila-irmaanis
m.l la-mid: xila-irmaaniye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xila-irmaanis
m. n. adolescent, young male reaching the age of puberty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaamacne
-ha: (magac, lab, keli) wax aan waxtar lahayn. Bilaamacne nagu daaliseen iyo waxaan wax ba ka soo naasacaddayn. Dh: macnalaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiraanyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid tiiraanyo ku abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiraanyee
(fal) tiiraanyo ku rid; caloolxumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimaale
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan u eg dirxi weyn oo leh xaad haddii ay maqaarla taabato ku dhalisa olol iyo cuncun la isla xoqo o kabxararisa dubka.
xajiimaale -ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah qolofleyda badaha ku nool oo u eg dhagax isku tuulan dhimashadeedu na deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xildhibaan
(Xildhibaan-ka)
Qof wixii xil leh iska ilaaliya; xilkas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xildhibaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xildhibaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xildhibaan
m. n., [compound] responsible person; higher official, functionary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xildhibaan
-ka: (n) 1. responsible person. 2. MP (Member of Parliament)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xildhibaan
-ka: (magac, lab, keli) qof wixii xil ah iska ilaaliya. Dh: xilkas.
xildhibaan-ka: (magac, lab, keli) nin xubin ka ah gole baarlamaan ama gole guurti. Sahal wuxu u sharraxan yahay xildhibaan. Dh: mudane, dibitee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xildhibaan
de: responsible person; [ext.] higher official, functionary
initial: x
lx: xildhibaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xildhibaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Xildhibaan
مَسْئُول
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirxirnaan
(Xirxirnaan-ta)
Wax xirxiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirxirnaan
m.f.dh eeg xirxiran. la-mid: xirxirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirxirnaan
f. n., [abstract] state of being fastened repeatedly ~ tied in several places
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirxirnaan
-ta: (magac, dhedig, kel) wax xirxiran ahaan furfurnaan la'aan uu wax walba cid keliya gacanta ugu jiro. Dh: xidhoinaan
xirxirnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax kala xidhxidhan ahaan: xadhig meelo badan kaga xidhnaan. Dh: xidhxidhnaan.
xirxirnaan -ta: (magac, dhedig, keli) aan furfurnayn oo meelo badan ka xidhan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirxirnaan
de: state of being fastened repeatedly ~ tied in several places
initial: x
lx: xirxirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xirxirnaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diradiraale
-diradiraalaha: (n) monger (man-ger); troublemaker (tarobal'maykar); quarrelmonger, one who stirs up trouble or strife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradiraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka u kala sheega war xun oo la isku naco ama la isku dilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirmaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax xiiran oon timo lahayn ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banka'irmaanaad
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha oo iyaga oo aan dhalin barwaaqada ku irmaanaada.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILAAL-MAKAREEN
(Jilal-makaren) S Enicostema axillare Lam. Gentianaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirsixirmaansho
-ha: (magac, lab, kel)eeg xirsixnaan.