xikaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xikaayo
(Xikaaya-da)
Qaybaha suugaanta mid ka mid ah; sida googgaalaha bay waxay leedahay ulajeeddo labaad oo murti ah oo dad yari garan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayo
m.dh Halxiraale gaar ah oo dhallinyarada ragga iyo dumarku isu jeedin jireen waayadii hore marka ay haasaawayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xikaayo
f. n. story (tall story); fairy tale, fable; nonsense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayo
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko dheer cibro iyo xigmadi ku jirto. Dh: sheeko, qisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xikaayo
bw: Arabic
de: story (tall story); fairy tale, fable; [ext.] nonsense
initial: x
lx: xikaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xikaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xikaayo sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayoo
(fal) sheeko ama xikaayo ka sheekee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xikaayow
v. tell stories
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xikaayow
de: tell stories
initial: x
lx: xikaayow
nt: xikaayood (ka) [vn-m]
pd: (xikaayooday / xikaayootay)
ps: v3a=intr
key: xikaayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ximaayo
(Ximaaya-da)
Xifaalo; xin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ximaayo
m.dh Xifaalo; xin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ximaayo
f. n. spite, hostility, sarcasm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximaayo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ximaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ximaayo
cf: xin; xifaalo
de: spite, hostility, sarcasm
initial: x
lx: ximaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ximaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xikaayood
(Xikaayood-ka)
Xikaayo ku hadlid, sheegid; xikaayayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayood
m.f.l eeg xikaayoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayood
-ka: (magac, lab, keli) dad xikaayad u sheekayn; u qisoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) Cid xikaayo u jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xikaayee
v. tell stories
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayee
(fal) sheekooyin iyo qisas ka sheekee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xikaayee
de: tell stories
initial: x
lx: xikaayee
pd: (xikaayeeyey)
ps: v2b=intr
key: xikaayee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayo
kaayo¹: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tusaale: “Waa isku kaayo mid”. la-mid: kayo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaayo
mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tusaale: Waa isku kaayo mid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayo
(magacuyaal) layeele ah oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Dh: kayo.
kaayo: (dibkabe) lahaansho oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin; aanu leenahay. Dh: kaayaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikaaco
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Walax kasta oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo xoodan ama labada dhinacba xoodan. Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin dhud ileys.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bikaaco
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Walax kasta oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo xoodan ama labada dhinacba xoodan. Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin dhud ileys.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bikaaco
Lens
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bikaaco
-bikaacada: (n) lens (leenis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikaaco
-da: (magac, dhedig, keli) dhalo dhumuc ama qaro weyn, labada dhinac fallaadhaha iftiinka ah ee ku soo dhaca, xagashay ka soo galeen xagal aan ahayn u leexisa, ka saarta, u qalloocisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dicaayo
m.dh la-mid: dicaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidaayo
-da: (magac, dhedig, keli) hanuun dawga toosan lagu hagaago. Dh: hidaayo, hanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaayo
(Hinaaya-da)
Uurkutaallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaayo
m.dh Uurkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaayo
f. n., [abstract] bitterness, grief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaayo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore la isku gaadhsiiyey xasuusta iyo caloosha ku haynta aan saamaxaada lahayn. Dh: uurkutaallo, caloolxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaayo
de: bitterness, grief
lx: hinaayo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hinaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kifaayo
(Kifaaya-da)
In wax ku filan; wax deeqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kifaayo
m.dh In wax ku filan; wax deeqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kifaayo
m.dh In wax ku filan; wax deeqa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kifaayo
f. n. (adj.): sufficiency; satisfaction; sufficient, enough
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kifaayo
name-f sufficiency; satisfaction; enough (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kifaayo
-ah: (adj) enough (i-naaf); sufficient (safishant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kifaayo
magac loo baxsho gabadh dhalashadeedu hooyadeed deeqday oo cid walba kaga fillaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kifaayo
-da: (magac, dhedig, keli) in wax ku filan; wax wax deega.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kifaayo
de: sufficiency; satisfaction; [atr.] sufficient, enough
lx: kifaayo
pd: (/da)
ps: n-f
xe: Thats enough.
xv: Waa kifaayo.
key: kifaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Likaaco
(Likaaca-da)
Jeesjees; cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
likaaco
m.dh Hadal jeesjees ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
likaaco
m.dh Hadal jeesjees ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
likaaco
f. n. joking, derision, playing around
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
likaaco
-likaacada: (n) foolery (fuulari)-, ridicule (ridikiyuul) ~ jeesjees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
likaaco
-da: (magac, dhedig, keli) jeesjeeska iyo cayaayirka; dheeldheelka dhabta ka fog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
likaaco
cf: cayaar, jeesjees
de: joking, derision, playing around
lx: likaaco
pd: (/da)
ps: n-f
key: likaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miraayo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: meraayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxo
(fal) meherso gabadh, xalaalayso. Nikaaxo gabadha haddaad rabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wakaayo
m.dh Hanti yar oo xoolo nool ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
widaayo
-da: (magac, dhedig keli) wiil aad saaxiibo tihiin. Widaayo walaal ka wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiqaayo
(Wiqaaya-da)
Xumaha oo cid ama wax laga ilaaliyo, laga dhawro, laga badbaadiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiqaayo
f. n. protection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiqaayo
-da: (magac, dhedig, keli) badbaado iyo ka horteg. Tallaalku wuxu ubadka u yahay wiqaayo. Dh: ilaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiqaayo
bw: Arabic
de: protection
initial: w
lx: wiqaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wiqaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaayo
(Xagaaya-da)
Roob xilliga xagaaga ka da'a deexda Soomaaliyada koofure qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaayo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagaayo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagaayo
f. n. light rain falling during the lesser dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaayo
-da: (magac, dhedig, keli) roob xilliga xagaaga ka da'a meelaha xeebaha ah qaarkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagaayo
cf: roob
de: light rain falling during the lesser dry season (in southern coastal Somalia)
initial: x
lx: xagaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xagaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xifaalo
(Xifaala-da)
Si hufan oo maad leh oo wax la isaga sheego; kaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaalo
m.dh Si hufan oo maad leh oo wax laysaga sheego; kaftan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xifaalo
m.dh Si hufan oo maad leh oo wax laysaga sheego; kaftan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xifaalo
f. n. joking, kidding, mockery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xifaalo
-xifaalada: (n) playful mocking; teasing (tiizing); practical joke ~ fooijo, kaftan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalo
-ha: (magac, lab, keli) kaftan loo yidhaa si hufan oo maadi ku jirto oo wax la is kugu sheego. Dh: xafaalo, kaftan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xifaalo
de: joking, kidding, mockery
initial: x
lx: xifaalo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xifaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xigaalo
(Xigaala-da)
Sokeeye; xigto (ama xigaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigaalo
m.dh la-mid: xigaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xigaalo
f. n., [collective] kinfolk, close relatives; relation; kinship, relationship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xigaalo
-xigaalada; (n) family connection; relative (rela-tiv); kin (kin), kinship (kin-shiip) ~ ehel, qaraabo, rixin, sokeeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigaalo
-ha: (magac, lab, keli) qaraadaba reer ee dhanka ninka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xigaalo
cf: xigaal
de: kinfolk, close relatives; relation; kinship, relationship
initial: x
lx: xigaalo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xigaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xijaabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Wax xijaab ka dhigasho. 2. Qof muslim ah dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xijaabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Wax xijaab ka dhigasho. 2. Qof muslim ah dhimasho. m.f.dh, xijaabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xijaabo
v. be veiled, get covered; be in hiding; pass away, die
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xijaabo
-xijaabtay / xijaabatay: (v) cover with a veil
xijaabo -xijaabtay /xijaabatay: (v) pass away (paas-aweey); decease (di-siis); die (dhaay) ~ dhimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xijaabo
(fal) geeryoo oo wafaad. Dh: dhimo, allayso.
xijaabo: (fal) jidhkaaga qari oo xijaab sharci ah huwo. Dh: asturo.
xijaabo: (fal) xirsi xijaab ka akhriso wax walba shar leh. Dh: gaashaamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xijaabo
de: be veiled, get covered; be in hiding; [fig.] pass away, die
initial: x
lx: xijaabo
nt: xijaabasho (/da) [vn-f]
pd: (xijaabtay)
ps: v3b=intr
key: xijaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaabo
f.g3 (-btay, -batay) Wax tirsasho. la-mid: xisaabso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xisaabo
f.g3 (-btay, -batay) Wax tirsasho. m.f.dh, xisaabasho. la-mid: xisaabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisaabo
(fal) wax ad leedahay tirso oo dakhliga iyo kharashka kala garo. Waxaaga xisaabso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xikaayayn
(Xikaayayn-ta)
Hadal xikaayo ah ku hadlid, sheegid, cid ku xujeyn; xikaayood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayayn
m.f.dh eeg xikaayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sheekooyin qisas la yaab leh ka sheekayn. Dh: sheekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikaacso
f.g3 (-saday, -satay) Kala qaadid, kala qabasho (il iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bikaacso
f.g3 (-saday, -satay) Kala qaadid, kala qabasho (il iyo wixi lamida). m.f.dh, bikaacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bikaacso
v. open up ~ wide; opening one eye's or spreading one's legs while sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikaacso
(fal) wax kala qabo ama kala qaad.
bikaacso: (fal) kala qabo, kala fur, kala qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bikaacso
de: open up ~ wide
lx: bikaacso
pd: (bikaacsaday)
ps: v3a=
xe: s or spreading ones legs while sitting
xv: opening one eye
key: bikaacso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kismaayo
pr. n., loc. Kismayo [coastal city in south Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kismaayo
(n) Kismayo; port city of southern Somalia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kismaayo
cf: caasimad
de: Kismayo [coastal city in south Somalia] Capital of Jubbada Hoose region;
lx: Kismaayo
ps: n0-loc
key: Kismaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
likaacoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ka l.: cid ku jeesjeesid.