xiirriin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiirriin
vl. n. shaving (one's beard ~ the head)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiirriin
-ka: (n) the act of shaving ~ xiirasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirriin
-ka: (magac, lab, keli) xiirniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiirriin
de: shaving (one's beard ~ the head)
initial: x
lx: xiirriin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xiirriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirniin
(Xiirniin-ka)
Timaha oo mandiil lagu xiiro (ama xiirriin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirniin
m.l la-mid: xiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirniin
-ka: (magac, lab, keli) xiirid, tima gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid timaha ka xiirid. Dh: xiirid, xiirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiritaan
-ka: (magac, lab, keli) xiiridda lafteeda. Dh: xiiris, xiirniin, xiirriin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirrin
(Diirrin-ta)
Wax diirran ka dhigid; (ama diirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirrin
m.dh la-mid: diirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriin
m.l la-mid: jirniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirniin
(Xirniin-ka)
Wax-xiridda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirniin
m.l la-mid: xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirniin
vl. n. act of tying (up) ~ shutting (in); imprisoning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirniin
-ka: (magac, lab, keli) xidhidda lafteeda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirniin
de: act of tying (up) ~ shutting (in); imprisoning
initial: x
lx: xirniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xirniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirsiin
(Jiirsiin-ta)
Xoog ku dhexmarsiin; jibaaxsiin; marsiin; qaadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirsiin
m.f.dh eeg jiirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax, wax kale, dul marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirniin
-ka: (magac, lab, keli) dareere weel uu wax kula jiro ka shubid oo ku kale inta saafiga ah ku xawilid. Miirniinka subaggu waa muhiim.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqniin
-ka: (magac, lab, keli) hiinraagitaan; xiiqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoorriin
-ka: (magac, lab, keli) iska tuurid. Dh: xoorniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riirriijin
(Riirriijin-ta)
Liilliijin; dhaqdhaqaajin; ruxruxid; ligligid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirsiin
(Dirirsiin-ta)
Dirir ku boorrin ama ku guubaabin; dagaalgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsiin
m.f.dh eeg dirirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dagaal gelin. Dh: dagaallansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fikirsiin
m.dh la-mid: fekersiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, in uu fikiro u horseedid; in uu fikiro sabab u noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiriijin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruxid oo dhaqdhaqaaq ku samayn. Dh: liilliijin, ruxruxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riirriiji
v. shake (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riirriiji
de: shake (up)
lx: riirriiji
pd: (riirriijiyey)
ps: v2a=pl
key: riirriiji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirin
(Biirin-ta)
Gundhig hadba wax yar ku sii darid si uu u bato; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirin
m.f.dh eeg biiri. la-mid: biiris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku darid. Biirinta mishaarada waxa laga sugayaa batroonka. Dh: siyaadin, kordhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirin
(Diirin-ta)
Wax yar kululayn; qandac ka dhigid; (ama diirrin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirin
m.f.dh eeg diiri. la-mid: diiris¹, diirrimaad, diirrin, diirris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dabka saarid oo in yar kulaylin ama qabawga ka bi'in. Dh: kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: diiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirri
v. warm up something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirri
de: warm up s.t.
lx: diirri
pd: (diirriyey)
ps: v2a=tr
see: diiri
key: diirri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirin
(Fiirin-ta)
1. Indhaha ku dhugasho; jeedaalin; eegid; arkid.
2. Fiiro u yeelasho; fekerid; baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirin
m.f.dh eeg fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro iyo feker u yeelad. Dh: fiiris, fekerid, baadhid.
fiirin -ta: (magac, dhedig, keli) indhaha ku dhugasho; fiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirin
m.dh la-mid: miyirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiirin
(Tiirin-ta)
1. (ku-tiirin) wax, si ayan u dhicin, wax kale oo xoog u qotoma, dhinaca u saarid, cuskin.
2. Tiir u yeelid; waxtarid; gargaarid; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirin
m.f.dh eeg tiiri. la-mid: tiiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tiirin
support
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey, si aanu u dhicin wax kaloo qotoma dhinaca u saarid.
tiirin-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) si ayan u dhicin, wax kale oo qotoma, dhinac u saarid, cuskin. Ku tiirintu waa culays.
tiirin -ta: (magac, dhedig, keli) gargaarid: tiiris; taageerid; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiirri
(Tiirri-da)
1. (sheekaxariiro) dad aad u waaweyn oo xoogag badan oo waxay arkaan laaya.
2. Dad aan raxmad iyo jimic lahayn, Ilaahna aan aqoon; gaalo.
3. Yahaaburro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirri
m.dh 1. Xoog aad u badan. 2. Dad aad u xoog badnaa oo Soomaaliya ku noolaa waa hore. 3. Waran tiir xooggan leh iyo samayo gaaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiirri
m.dh 1. Xoog aad u badan. 2. Dad aad u xoog badnaa oo Soomaaliya ku noolaa waa hore. 3. Waran tiir xooggan leh iyo samayo gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiirri
f. n., [collective] giants, ogres (in folklore); uncouth people; unbelievers, infidels
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirri
-da: (magacwadareed) aan raxmad iyo jimic lahayn.
tiirri-da: (magacwadareed) dad laxaad iyo xoogweyni isku darsaday oo dhulka ku noolaan jirey, ragii hore ee awranaa magaca loo yaqaanay badnaa oo waxay arkaan laaya, tiirrida dad ka xoog badan illaa hadda lama arag. Dh: yahaaburro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiirri
de: giants, ogres (in folklore); uncouth people; unbelievers, infidels
initial: t
lx: tiirri
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: tiirri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xerrin
(Xerrin-ta)
Xer ka dhigid, geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerrin
m.dh la-mid: xergeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerrin
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba meel baad iyo biyo leh ku hayn. Raggii xerrin bay ku magan yihiin hablihiina saxati. Dh: xergeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiijin
(Xiijin-ta)
Wax eryid, taniyo intuu ka xuurtoodo, ka xiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiijin
m.f.dh eeg xiiji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiijin
-ta: (magac, dhedig, keli) eryid tan iyo inta uu ka hiinraagayo. Dh: hiinraajin, xiiqsiin, daalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimin
m.f.dh eeg xiimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiin kaga keenid oo wax xiimaya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiiran
Loo xiiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xiiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xiiray ahaansho. m.f.dh, xiirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiiran
der. [adjective] shaved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiiran
-xiirnaa / xiirnayd: (adj) shaved (sheeyvidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiran
(tilmaame) moolaysan o timaha laga xiiray ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiiran
de: shaved
initial: x
lx: xiiran
pd: (xiirnaa)
ps: adj-der
key: xiiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirid
(Xiirid-da)
Timo mandiil ku jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirid
m.f.dh eeg xiir. la-mid: xiirniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirid
-da: (magac, dhedig, keli) jarid oo timo googoyn. Dh: xiiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiris
-ta: (magac, dhedig, keli) timo googoyn oo moolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirni
-da: (magac, dhedig, keli) moolo lahaan; wax la xiiray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiniin
(Xiniin-ta)
Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiniin
xiniin¹: m.l Nin ama neef lab ah oo hal xiniin leh.
xiniin²: m.dh (-nyo, m.l) Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood.
xiniin³: m.dh (-nyo, m.l) (cilmiga naflayda) Labada kuuskuus ee xubin nimeedka ah oo sameeya shahwada, soona saara hormoonka ragga (androojin) oo ku xiran hormoonno kale (goonadotrofiinis) oo laga soo daayo qanjir dhiiqa bitwitariga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiniin
xiniin¹: m.l Nin ama neef lab ah oo hal xiniin leh.
xiniin²: m.dh (-nyo, m.l) Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood.
xiniin³: m.dh (-nyo, m.l) (cilmiga naflayda) Labada kuus-kuus ee xubin nimeedka ah oo sameeya shahwada, soona saara hormoonka ragga (androojin) oo ku xiran hormoonno kale (goonadotrofiinis) oo laga soo daayo qanjir dhiiqa bitwitariga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiniin
f. n. testicle; testicles
xiniin m. n. man ~ animal with one testicle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiniin
-ta: (n) [pl. xiniinyo] testicle (tas-tikal)-, scrotum (iskaroo-tam) ~ xaniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiniin
-ka: (magac, lab, keli) lab xiniin qudha leh. Dh: ciniin, circir.
xiniin-ta: (magac, dhedig, keli) laba qanjidh oo buurbuuran oo harag jilicsan ku dahaadhan midkood oo sameeya shahwadda laboodka kana mid ah cawrada ragga haddii labadaa xininyood labka laga saaro bohon ayuu noqdaa oo ma dhalo. Awr xiniin laga saaray bohon buu noqdaa. Dh: dhikil Wa: xiniinyo, dhikilo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xiniin
خُصْيَة، بَيْضَةً
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiriir
(Xiriir-ka)
1. Wax si taxan isu dabajooga; midba mid ka danbeeya uu ku xiran yahay.
2. Awr ama wax kale oo la mid ah, oo isku daban.
3. Lafdhabar; arxaan.
4. Dhaqan ama heshiis ka dhexeeya ama isku xiraya labo qof ama dad ka badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriir
xiriir¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Qaab wax is daba yaalla ay isugu xiran yihiin. 2. Cilaaqaad ka dhexeeya laba qof ama ka badan. 3. Urur lammaaneyaal horsan, ama isku xir ka dhexeeya kutirsaneyaasha urur ama ururro.
xiriir²: m.dh la-mid: xąriir¹.
xiriir³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax si aan kala go' lahayn isu daba jooga noqosho. 2. La x.: arrin xogteeda cid kala hadlid. 3. la-mid: xąriir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiriir
xiriir¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Qaab wax is daba yaalla ay isugu xiran yihiin. 2. Cilaaqaad ka dhexeeya laba qof ama ka badan. 3. Urur lammaaneyaal horsan, ama isku xir ka dhexeeya kutirsaneyaasha urur ama ururro.
xiriir²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax si aan kala go' lahayn isu daba jooga noqosho. 2. La x.: arrin xogteeda cid kala hadlid. 3. la-mid: xąriir². m.f.l, xiriirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xiriir
Relation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiriir
m. n. spine, backbone
xiriir m. n. relation, relationship, connection; relations; continuity; federation
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XIRIIR
(Hirrir) N Capparis decidua (Forsk) Edgew. Capparidaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiriir
-ka: (n) relation (ri-leey-shin)-, relationship (ri-leey-shin-shiip)-, communication (kom-yuni-keey-shin)', connection (kon-nek-shin), contact (kon-takt)-, association (a-soo-siyeey-shin); rapport (ra-poor) ~ xidhiidh
la xariir -ay / tay: (v) 1. communicate (kom-yuni-keeyt)-, get in touch; relate (ri-leeyt); contact (koon-takt); have connection. 2. relate to; connect with. Ex: sheekadaan waxay la xariirtaa, taariikhdii Sayid Maxamed; This story relates to the history of Sayed Mohamed
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xiriir
Relazione
Relation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriir
(fal) ka war qab oo ku xidhnow. Waalidkaa mar walba la xiriir. Dh: xidhiidh.
xiriir-ka: (magac, lab, keli) wax si taxane ah isku dabajooga oo midba uu mid ka dambeeyo ama ku xiriirsan yahay. Dh: xidhiidh.
xiriir-ka: (magac, lab, keli) lafdhabar, arxaan.
xiriir-ka: (magac, lab, keli) cilaago garaabo, saaxiibtinimo, hawl ama wax kale ah oo laba qof ama in ka badan ka dhaxaysa oo isku xidha. Dh xidhiidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirrib
(Xirrib-ta)
1. Isha guruxeeda iyo sanqaroorka meesha u dhexaysa.
2. Tab; dhagar; xeelad; khatal; siyaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirrib
m.dh 1. Isha guruxeeda iyo sanqaroorka meesha u dhexaysa. 2. Tab; dhagar; xeelad; khatal; siyaasad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xirrib
m.dh 1. Isha guruxeeda iyo sanqaroorka meesha u dhexaysa. 2. Tab; dhagar; xeelad; khatal; siyaasad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirrib
f. n. corner of the eye; edge of the eyelid
xirrib [feminine] n. skill, cunning, intelligence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirrib
-ta: (magac, dhedig, keli) labada liin ee timaha ah ee isha xagga sare iyo xagga hoose kaga yaal midkood. Dh: baad, xaajib. Wa: xirribo.
xirrib-ta: (magac, dhedig, keli) isha guruxeeda iyo sangaroorka meesha u dhexaysa. Dh: ilyar.
xirrib-ta: (magac, dhedig, keli) tab iyo xeelaad uu qof adeegsan karo. Dhixeelad, garoome.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriin
m.l Dhar ama lacag gabar guur laga doonayo la siiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birniin
-ka: (magac, lab, keli) hurinta dab yar. Dh: daarniin, dhidniin, hurniin.
birniin -ka: (magac, lab, keli) eeg bidhniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsii
(fal) cid kale, dhan u liici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirfin
m.l Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.