xigsim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsim
-ka: (magac, lab, keli) guurka nin xaaskii ka dhintay walaasheed loogu xigsiimo oo loo dhiso.
xigsim-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh loo dhiso nin ay walaasheed ka dhimatay oo seedigeed ahaa. Dh: xigsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: xiskimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsi
-ga: (magac, lab, keli) laba qof mid qaraabo ahaan u soo dhawaysasho. Dh: dhawaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. la-mid: xiji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. m.f.dh, xigsiin. la-mid: xiji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsin
xigsin¹: m.dh la-mid: xiskin¹.
xigsin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) la-mid: xiskin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsin
-ta: (magac, dhedig keli) xilli barqagaab ah oo geela la maalo. Xigsintu ma gaadhine suga.
xigsin-ta: (magac, dhedig, keli) caanaha xigta ah ee neefka laga liso inta labada caanamaal u dhaxaysa. Dh: xig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiskimid
m.f.dh eeg xiskin². la-mid: xigsimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiskimin
m.f.dh eeg xiskimi. la-mid: xigsimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiskimid
-da: (magac, dhedig, keli) xig laga maalo oo caana ah yeelasho. Dh: xigsimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsimid
m.dh la-mid: xiskimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsimid
-da: (magac, dhedig, keli) nin ay islaantii ka dhimatay walaasheed ama tu qaraabadeeda ah u guurin oo u dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsimin
m.dh la-mid: xiskimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsimin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xigsimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsiin
m.f.dh eeg xigsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) guur nin xaaskii ka dhintay walaasheed loogu xigsiimo oo loo dhiso. Xigsiintu waa dhaqan Soomaaliyeed.
xigsiin-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh loo dhiso nin ay walaasheed ama gabadh u dhawi ka dhimatay. Xigsiini bilcan uma dhiganto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isim
(Isim-ka)
Magac (ama Isin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isim
m.l Magac. la-mid: isin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isim
m. n. name
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isim
-ka: (n) name (neeym) ~ isin. Ex: isimka Illaahay; in the name of my God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isim
-ka: (magac, lab, keli) martabada madaxdhaqameed qabiil ama beel Soomaaliyeed. Dh: boqor, islaam, wabar, duub, malaaq, caaqil, ugaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isim
a: isin
de: name
lx: isim
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: magac
xv: Arabic
key: isim
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digsi
(Digsi-ga)
Weel cunnada lagu karsho; (ama disti).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digsi
m.l (-iyo, m.l) Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cunnada lagu karsado; sufriyo. la-mid: disti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digsi
m.l (-iyo, m.l) Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cunnada lagu karsado; sufriyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digsi
m. n., [collective] cooking vessel, pot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digsi
-ga: (n) cooking pot (paat); cooking vessel ~ dhari, dheri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digsi
-ga: (magac, lab, keli) weel af ballaadhan oo cuntooyinka Igu karsado. Digsigiyo dabqaadkiyo kildhiga daaradkiyo weelka. Dh: gisti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digsi
a: disti
de: cooking vessel, pot
lx: digsi
pd: (-ga Pl: digsiyaal (/sha), dusuud (da))
ps: n2a-m, n7-m, n8-m
key: digsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg higsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xigid
(Xigid-da)
1. U dhowaan aan wax kale ama cid kale u dhexayn.
2. Xigto iyo sokeeye (cid u) ahaansho.
3. Meel ku sugnaan; ku jirid.
4. Xoolo la lisay, haddana (waxyar kaddib) lisid labaad ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigid
m.f.dh eeg xig³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigid
-da: (magac, dhedig, keli) xaskul ka shaqayn oo masayda iyo diirka xigga kala saarid. Xijinku waa qalab xigidda xaskusha loo isticmaalo. Dh: xigis.
xigid-da: (magac, dhedig, keli) u dhowaan aan cid kali ka xigin oo u dhexayn. Dh: xigis.
xigid-da: (magac, dhedig, keli) ka dambayn oo daba socosho. Dh: xigis.
xigid -da: (magac, dhedig, keli) nasab ahaan ugu dhawaan. Dh: dhawaansho, qaraabo, xigis. Li: shishayn.
xigid-da: (magac, dhedig, keli) neef la maalay inta labada caanamaal u dhaxaysa caano ka dayasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid meel fadhida ag fariisasho. 2. (f.g) Cid qaraabo ka dhigasho. 3. (f.mg) Ka x.: cid dhib ka furasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid meel fadhida ag fariisasho. 2. (f.g) Cid qaraabo ka dhigasho. 3. (f.mg) Ka x.: cid dhib ka furasho. m.f.dh, xigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xigso
v. make oneself close to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xigso
-xigsaday / xigsatay: (v) [with proposition ku] be next to; follow after; succeed (sak-siidh) Ex: Cali ku xigso; follow behind AH
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigso
(fal) hadal horay loo yidhi soo qaado oo daliil ka dhigo. Dh: xigo.
xigso: (fal) laba dhinac mid dhawayso oo xaggaaga xigsii. Dh: xijisiiso, dhawayso. Li: fogee, durki.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xigso
cf: kalaxigso
de: make oneself close to
initial: x
lx: xigso
pd: (xigsaday)
ps: v3a=tr
key: xigso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirsi
(Xirsi-ga)
Qardhaas; xijaab; makaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirsi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Warqad quraan ku qoran yahay ama wax kale oo inta idiin lagu dahaaro balaayo xijaab ahaan loo qaato. 2. Cunto, lacag, iyo wixi lamida oo balaayo xijaab ahaan loo bixiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xirsi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Warqad quraan ku qoran yahay ama wax kale oo inta idiin lagu dahaaro balaayo xijaab ahaan loo qaato. 2. Cunto, lacag, iyo wixi lamida oo balaayo xijaab ahaan loo bixiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xirsi
name: Hersi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirsi
m. n. amulet, charm
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xirsi
name-m amulet; guard; charm; blessed. Cf: Xirsiyo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xirsi
-ga: (n) charm (jaarm); amulet (am-yu-lat); periapt (peeri-yaapt)-, countercharm; especially worn around the hand, as a charm against evil ~ qardhaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xirsi
magac loo baxsho wiil ay dhalashadiisa xirsi ama gardhaasi xidhiidh la lahayd ama gardhaas Joo goray foosha oo ku raagtay awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirsi
-ga: (magac, lab, keli) qardhaas wadaaddadu u dhigaan qof buka oo dawo ahaan loo xidho. Dh: xijaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiisid
(Xiisid-da)
1. Dhudaha dunta ama xarigga isku jebin, isku dhufasho.
2. Xiiso wax u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisid
m.f.dh eeg xiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisid
-da: (magac, dhedig, keli) araggiisa u hiloobid; xiiso u qabid; u xiisitaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
biàsimo
s.m. dood kulul, canaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birisim
m. n. prism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birisim
de: prism {Eng}
lx: birisim
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: birisim
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jicsimo
f.g3 (-intay, -imatay) Sahay qaadasho. la-mid: jiscimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pilgrim
/pilgram/ (n) xaaji (qofka xajka taga).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pilgrim
n., xaaji, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiigsin
(Tiigsin-ta)
1. Ul weyn oo dheer.
2. Meel cabbaar loo socdo; camcamo; tiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiigsin
m.dh (-imo, m.l) 1. Ul weyn oo dheer. 2. la-mid: tiig¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiigsin
f. n. large long stick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigsin
-ta: (magac, dhedig, keli) ul weyn oo dheer. Dh: qaare, ul, qawsaar.
tiigsin -ta: (magac, dhedig, keli) meel nabar loo socdo. Tiigsin ayey inoo jirtaa. Dh: camcamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiigsin
de: large long stick
initial: t
lx: tiigsin
pd: (-ta Pl: tiigsimo (/ha))
ps: n1-f
key: tiigsin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaysimo
-ha: ( magac, lab, keli) dhulka intiisa ka rogan buuralayda ee bannaanka ah. Xaysimo waa loo xays tegaa. Dh: carra dabac, cagjilayc. Dh: buuralay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xigasho
(Xigasha-da)
1. Xoolo waqtigii la lisi jirey la lisay, iyagoo aan weli xiskimin, kol labaad, caano ka maalid.
2. Wax cid kale horay u samaysay, wax u eg, samayn; ku dayasho; ka dheegasho; ka xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigasho
m.f.dh eeg xigo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xigasho
vl. n. supplementary milking outside the usual times; copying, plagiarism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xigasho
-xigashada: (n) the act of quoting; quotation (kuwoo-teey-shin). Ex: calaamadda xigashada; the quotation mark; [“ ”]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal horay loo yidhi daliil ahaan u soo qaadasho. Dh: daliilsasho.
xigasho -da: (magac, dhedig, keli) xoolo labo caanamaal dhexdooda ka maalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xigasho
de: supplementary milking outside the usual times; [fig.] copying, plagiarism
initial: x
lx: xigasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xigasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigniin
-ka: (magac, lab, keli) dib caano uga maalniin. Dh: xigitaan.
xigniin-ka: (magac, lab, keli) qaraabo ahaan ugu xigitaan.
xigniin -ka: (magac, lab, keli) xaggiisa u dhawaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirsi_1
bw: Arabic
cf: makaraan, qardhaas
de: amulet, charm
hm: 1
initial: x
lx: xirsi
pd: (-ga)
ps: n1-m, n2a-m
key: xirsi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xirsi_2
bw: Arabic
de: Hersi
hm: 2
initial: x
lx: Xirsi
ps: name-m
key: Xirsi_2
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xirsiyo
name-f amulet; charm; blessed. Cf: Xirsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiskimi
f.g2 (-iyay, -isay) Neef geel ah oo irmaan xiskin gaarsiin. la-mid: xigsimi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiskimi
v. wait for the right time to milk an animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiskimi
(fal) sug inta uu neefku xigsin yeelanayo. Hasha xiskimi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiskimi
de: wait for the right time to milk an animal
initial: x
lx: xiskimi
pd: (xiskimiyey)
ps: v2a=tr
key: xiskimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xigsiisan
(Xigsiisan-ta)
(xeer hore) kolka naag la qabey dhimato, walaasheeda ka yar oo xagga filka ku xigta, oo beddel ahaan, ninka (walaasheed ka dhimatay) la siiyo oo loo guuriyo; (ama xiskiisan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsiisan
m.l Aroosidda nin ooridii ka dhimatay walaasheed arooso. la-mid: xiskiisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xigsiisan
f. n. traditional custom of giving a dead wife's sister as a replacement bride
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsiisan
-ka: (magac, lab, keli) eeg xigsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xigsiisan
de: traditional custom of giving a dead wife's sister as a replacement bride
initial: x
lx: xigsiisan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: xigsiisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsinayn
m.dh (fiisikis) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagantahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigsinayn
m.dh (fiisikis) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagantahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xigsinayn
Differentiation
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xigsingal
Differentiable