xifaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid si kaftan ah wax uga sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xifaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid si kaftan ah wax uga sheegid. m.f.dh, xifaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xifaalee
v. joke (around with); make fun (of), mock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xifaalee
-yey / xifaaleysay: (v) tease (tiiz); make fun of; ridicule (ridi-kiyuul); mock (maak) playfully ~ foorjee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xifaalee
de: joke (around with); make fun (of), mock
initial: x
lx: xifaalee
pd: (xifaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: xifaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaale
-ha: (magac, lab, keli) kaftan loo yidhaa si hufan oo maadi ku jirto oo wax la is kugu sheego iyada oo faanna ku jiro. Dh: xafaalo, kaftan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorjee
-yey / foorjeysay: (v) tease (tiiz); make fun of; ridicule (ridi-kiyuul); mock (maak) ~ xifaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn. m.f.dh, xaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaalee
v. consider, take into consideration, pay attention to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalee
(fal) xil iska saar; ihtimaab sii; il gaar ah ku eeg. Wixii dalka dani ugu jirtaba xaalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaalee
cf: dan; ka qabo
de: consider, take into consideration, pay attention to
initial: x
lx: xaalee
pd: (xaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: xaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Wax indhaindheyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaalee
v. observe, look at something attentively; patrol
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalee
-yey / ilaaleysay: (v) keep under observation; keep under surveillance; watch (waaj); surveil (sar-veel); observe (obseerv) ~ ilaali, waardiyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalee
(fal) eeg ilaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaalee
de: observe, look at s.t. attentively; patrol
lx: ilaalee
pd: (ilaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: ilaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaale
m.l Xaalad lagu suganyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaale
-ha: (magac, lab, keli) qof sifo lagu aqoonsado ama lagu yagaan leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xifaalo
(Xifaala-da)
Si hufan oo maad leh oo wax la isaga sheego; kaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaalo
m.dh Si hufan oo maad leh oo wax laysaga sheego; kaftan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xifaalo
m.dh Si hufan oo maad leh oo wax laysaga sheego; kaftan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xifaalo
f. n. joking, kidding, mockery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xifaalo
-xifaalada: (n) playful mocking; teasing (tiizing); practical joke ~ fooijo, kaftan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalo
-ha: (magac, lab, keli) kaftan loo yidhaa si hufan oo maadi ku jirto oo wax la is kugu sheego. Dh: xafaalo, kaftan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xifaalo
de: joking, kidding, mockery
initial: x
lx: xifaalo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xifaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigaale
-ha: (magac, lab, keli) inta qaraabo ahaan ninka u dhaw. Dh: xigto, sokeeye, xigaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Dhul dhowr jibaal u qaybin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibaalee
v. divide land into agricultural units
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaalee
(fal) qiyaas beeraha lagu qaybsho u samee oo ku kala qaybi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibaalee
de: divide land into agricultural units
lx: jibaalee
pd: (jibaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: jibaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax xalaal ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax xalaal ka dhigid. m.f.dh, xalaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalaalee
v. render religiously permissible; purify; circumcise; slaughter according to Muslim ritual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalee
(fal) neef dhimanaya gawrac si aanu u duufin. Dh: xalaalay, gawrac, bireo. Li: duufi.
xalaalee: (fal) ilmo yar baarada ka goo. Dh: gud. xalaaley.
xalaalee: (fal) ammaano ciddii lahayd illawsii oo iska yeelo. Dh: xalaaley.
xalaalee: (fal) shay inuu bannaan yahay bannee oo ku fatwoo. Dh: xalaaley, bannee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalaalee
de: render religiously permissible; purify; circumcise; slaughter according to Muslim ritual
initial: x
lx: xalaalee
pd: (xalaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: xalaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalay
(fal) kaftan dacaayad ah ku dheh. Xifaalay waa saaxiibkaaye. Dh: xifaalee, dacaayadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) Cid xikaayo u jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xikaayee
v. tell stories
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayee
(fal) sheekooyin iyo qisas ka sheekee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xikaayee
de: tell stories
initial: x
lx: xikaayee
pd: (xikaayeeyey)
ps: v2b=intr
key: xikaayee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ximaayee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid si kaftan ku jiro wax uga sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ximaayee
v. show one's jealousy towards someone, show hostility ~ an aversion for
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximaayee
(fal) ilaali oo nabadda iyo ammaanka sug. Askari haddaad tahaye dalkaaga ximaayee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ximaayee
de: show one's jealousy towards s.o., show hostility ~ an aversion for
initial: x
lx: ximaayee
pd: (ximaayeeyey)
ps: v2b=tr
key: ximaayee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itifaallee
(fal) faallee oo wax ka sheeg. Ammaantaada Cadareey haddaan ka itifaaloodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xifaalayn
(Xifaalayn-ta)
Hadallo xifaalo ah, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaalayn
m.f.dh eeg xifaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la kaftamid. Dh: xafaalayn, xifaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xifaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaaltan
xifaaltan¹: m.l la-mid: xafiiltamid.
xifaaltan²: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: xafiiltan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaaltan
-ka: (magac, lab, keli) wada kaftamid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xisaablye
Contabile
Accountant
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XISAAB LEHE
Correntista, titolare
Holder of current account
Waa qofka xisaab Banki ku leh, ama ay magaciisa ku qoran tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilee
v. shame, make someone ashamed; make responsible for
xilee v. marry (a woman), take on (a wife)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalle
m.l la-mid: faallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalle
m. n. comment, remark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faalle
-faallada: (n) comment (komment); explanation. Ex: faalle badan uma baahna; it doesn't need much comment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faalle
a: faallo
de: comment, remark
lx: faalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Facle samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faclee
v. gambol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclee
(fal) eeg faclay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faclee
de: gambol
lx: faclee
pd: (facleeyey)
ps: v2b=
key: faclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: fadallee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Socod xarrago leh socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fahlee
v. walk gracefully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahlee
(fal) wax xidhnaa ama daboolnaa, mar keli ah, si kedis ah u furan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fahlee
de: walk gracefully
lx: fahlee
pd: (fahleeyey)
ps: v2b=
key: fahlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid gaal ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid gaal ka dhigid. m.f.dh, gaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaalee
v. turn someone into an infidel; convert from Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaalee
-yey / gaalaysay: (v) cause someone to become unbeliever, nonbeliever, disbeliever or infidel (in fi del) of Islam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalee
(fal) dad diinta islaamka haysta diin kale geli ama diinlaawayaal ka dhig.
gaalee: (fal) dad muslimiin ah gaalnimo ku sheeg. Li: muslimi, islaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaalee
de: turn s.o. into an infidel; convert from Islam
lx: gaalee
pd: (gaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: gaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: qaaliyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaalee
v. put a high price on, sell dearly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalee
-yey / qaaleysay: (v) raise the price; make more expensive ~ qaaliyee, qaaligaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalee
(fal) qaali ka dhig. Dh: qaaliyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaalee
a: qaaliyee {S}
de: put a high price on, sell dearly
lx: qaalee
pd: (qaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: qaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaal
m.l (sifaallo, m.dh) Shay badanaa ka samaysan caw, qaab wareegsanna leh oo sooryooyinka waaweyn cuntada lagu geeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaal
-ka: (magac, lab, keli) ifafaalo ama sifo. Dh: calaamo, sifaale, tilmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiflee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) eeg tifiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflee
(fal) eeg tifiqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiflee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Orod iyo socod tiro badan samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiflee
v. pass by fast ~ quickly, zoom past
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiflee
de: pass by fast ~ quickly, zoom past
initial: w
lx: wiflee
pd: (wifleeyey)
ps: v2b=intr
key: wiflee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) Qoryo la shito ururin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaabee
v. put firewood into the fire, feed a fire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabee
(fal) xaabo guro; qoryo soo gur. Buurta u bax oo soo xaabee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaabee
de: put firewood into the fire, feed a fire
initial: x
lx: xaabee
pd: (xaabeeyey)
ps: v2b=tr
key: xaabee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xifaad
-da: (n) diaper (daay-par) ~ xafaayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xigaal
(Xigaal-ka)
Xigto; sokeeye (ama xigaalo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigaal
m.l.u Qaraabo. la-mid: xigaalo, xigto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigaal
m.l.u Qaraabo. la-mid: xigaalo, xigto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xigaal
m. n. close relative, relation, kin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigaal
-ka: (magac, lab, keli) inta qaraabo ahaan kuu dhaw. Dh: xigto, sokeeye, xigaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xigaal
de: close relative, relation, kin
initial: x
lx: xigaal
pd: (-ka)
ps: n1-m, n2-m
key: xigaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Koob yar oo sida badan dhoob ka samaysan oo lagu cabbo bunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaale
-ha: (magac, lab, keli) koob shaaha lagu shubto, lagu cabbo oo dheg la qabsado leh, ka samaysan dhoobo. Bilaale shaaha ii keen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyaale
m. n. water seller