xididmaskaxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididmaskaxeed
(Xididmaskaxeed-ka)
1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka.
2. mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida saymo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididmaskaxeed
m.l 1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka. 2. Mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida saymo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididmaskaxeed
m. n., [collective] medulla, inner part of spinal column; nerve tissues
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididmaskaxeed
-ka: (magac, lab, keli) xidid halbowle ah oo isku xidha lafta dheer ee dhabarka iyo maskaxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididmaskaxeed
de: medulla, inner part of spinal column; nerve tissues
initial: x
lx: xididmaskaxeed
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: xididmaskaxeed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirridmaskaxeed
m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirridmaskaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuxdheere
(Dhuuxdheera-ha)
Dhuuxa arxaanka dhex mara; xangulle; xididmaskaxeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxdheere
-ha: (magac, lab, keli) dhuuxa lafdhabarta dhex mara. Dh: xididmaskaxeed, xangulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrid-maskaxeed
m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-maskaxeed
m.l (-bab.../-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-maskaxeed
m.l (-bab.../-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sawir-maskaxeed
-ka: (n) imagination (i-maaji-neey-shin); imaginary (i-maaji-nari); fancy (faansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unugmaskaxeed
-ka: (magac, lab, keli) unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumeysi maskaxeed
n. phr. brain-washing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumeysi_maskaxeed
de: brain-washing Lit: colonization of the brain
lx: gumeysi maskaxeed
ps: np
key: gumeysi_maskaxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bildayaxeed
m.dh (-lal ..., m.l) (c.fal.) Waqtiga uu dayaxu wareeg buuxa ku sameeyo dhulka, waqtigaas oo u dhexeeya bil cusub ilaa bil cusub; waana ugu dhawaan 29.5 maalmood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bil dayaxeed
m.dh (-lal ..., m.l) (c.fal.) Waqtiga uu dayaxu wareeg buuxa ku sameeyo dhulka, waqtigaas oo u dhexeeya bil cusub ilaa bil cusub; waana ugu dhawaan 29.5 maalmood.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bil dayaxeed
Lunar month
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejidayaxeed
m.l (-iyo ..., m.l) (c.fal.) Heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa, iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidayaxeed
-ka: (magac, lab, keli) heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigbadeed
-ka: (magac, lab, keli) noole xiddigta u eg oo badaha ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidmadaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda la marsado timaha madaxa. Ku dhaasho saliid madaxeed.