xididgoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididgoo
-ga: (magac, lab, keli) oday nin ay gabadhiisu ka dhimatay u xigsiimi waaya ee diida. Dh: arxangoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiidgood
m.l Xiidxiito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididnimo
(Xididnima-da)
Xidid ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididnimo
m.dh Xidid ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididnimo
f. n. relationship by marriage, affinity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xididnimo
-xididnimada: (n) affinity (a-finiti); kinship (kin-shiip) by marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo gacalnimo ahaan. Dh: gacalnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididnimo
de: relationship by marriage, affinity
initial: x
lx: xididnimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xididnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Digo dhigid (xoolo, ugaar iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Digo dhigid (xoolo, ugaar iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddo
(Xidda-da)
Dun midabyo leh oo marada serjigeeda ama faraqa salkiisa si gaar ah loogu sameeyo; waxay marada tartaa qurux iyo tifmidda oo ay ka ilaaliso; taarash (ama xaddaayad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddo
m.dh (-ooyin, m.l) Dun midabyo badan oo si gaar ah loo farsameeyey oo si ayan u tifmin dacallada maryaha looga tolo oo qurux loogu tala galay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xiddo
pr. n., [feminine] Hiddo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddo
f. n. fringe, decorative border woven onto cloth
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xiddo
name-f name-f decorator. Syn: Xaddi, Xaddiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddo
-da: (magac, dhedig, keli) dun midabyo leh oo marada afkeeda hoose lagu sagsaago oo marada ka ilaalisa rifanka. Gundhataha xiddo u yeel. Dh: taraash, xaddaayad, saanifad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xidid
(Xidid-ka)
1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah.
2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya.
3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidid
xidid¹: m.l (-do, m.l) 1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
xidid²: m.l (-do, m.l) (xisaab) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2=16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
xidid³: f.mg1 (-day, -dday) Xidid noqosho (dad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xidid
xidid¹: m.l (-do, m.l) 1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
xidid²: m.l (-do, m.l) (xisaab) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xidid
Root
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xidid
m. n. root; blood vessel (vein ~ artery); nerve; root {mathematics}; relatives by marriage, in-laws
xidid [inchoative] v. become related by marriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xidid
-ka: (n) 1. root (ruut). Ex: xididka geedaha; the root of the plants. 2. artery (aar-tari). Ex: xididada dhiiga; the blood vessels
xidid -ka: (n) relative by marriage; in-law (in-loo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidid
-ka: (magac, lab, keli) geedka intiisa dhulka ku aasan ee biyaha soo nuugta.
xidid -ka: (magac, lab, keli) dhuumo jidhka nafleyda ka buuxa oo dhiigu kor iyo hoos u maro. Ninka uu xidid go'aa dhiigbax ayuu halis u yahay.
xidid -ka: (magac, lab, keli) xidhiidh qaraabo oo gacalnimo salka ku haysa. Nin aan xidid nahay ayaan baabuur ka soo ergistay. Dh: gacal.
xidid -ka: (magac, lab, keli) xanuun kolkol dadka ku soo booda oo meel keliya qabsada oo ah murug ama xidid si noqda. Lugta xidid ayaa iga haya.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xidid
جِذْرٍ، وَرِيد، عِرْقٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidig
m.l (-go, m.l) (baayoloji) Jidh ku dhex samaysma unugga, marka ay dhacayaan mayoosiska iyo mitoosisku, kaasi oo ka qayb qaata filiqsanaanta koromatidhyada bu'da unugga hooyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xidig
m.l (-go, m.l) (baay.) Jidh ku dhex samaysma unugga, marka ay dhacayaan mayoosiska iyo mitoosisku, kaasi oo ka qayb qaata filiqsanaanta koromatidhyada bu'da unugga hooyada.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
XIDIG
BarLeria acanthoides 01
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adigoo
pron., [conjunction] while you ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adigoo
(pron.) while you..... Ex: adigoo cayaaraya....while you are playing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adigoo
de: while you ... = adiga + oo
lx: adigoo
ps: pro + conj
key: adigoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididi
f.g2 (-iyay, -isay) Xidid ka dhigid (dad); xididnimo ku dhawrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididi
v. make people one's relatives by marriage; consider ~ treat someone as such
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididi
(fal) gacalnimo u qaddari oo u ixtiraan. Xididi waa xaaskaaga abtigeede. Dh: xidhiidhi. Li: goo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididi
de: make people one's relatives by marriage; consider ~ treat s.o. as such
initial: x
lx: xididi
pd: (xididiyey)
ps: v2a=tr
key: xididi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiidmo
m.l Dheefshiidka intiisa yaryar oo ay ku dhammaato calooshu iyo qabsiinnada u dhexeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiidmo
m.l Dheefshiidka intiisa yaryar oo ay ku dhammaato calooshu iyo qabsiinnada u dhexeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiidmo
m. n., pl. intestines
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiidmo
-xiidmaha: (n) intestines (in-tes-tanis); guts (gatis); bowels (baawlis) ~ mindhiciro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiidmo
-ha: (magac, lab, keli) eeg xiidme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiidmo
cf: uurkujir, xaab, xaalo
de: intestines
initial: x
lx: xiidmo
pd: (/ha)
ps: n3-m-pl
key: xiidmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U x.: xiiso dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U x.: xiiso dareemid. .
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisoo
(fal) meel, qof, cunto ama wax kale inaad dib u aragto jeclaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idinkoo
pron., [conjunction] while you all ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idinkoo
de: while you all ... = idinka + oo
lx: idinkoo
ps: pro + conj
key: idinkoo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xiddigo
name-f star. Syn: Xidig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xiddigo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo inay qayrkeed ka dhex muugato qurux iyo qaayo ba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xidid_1
cf: coobbe
de: root; blood vessel (vein ~ artery); nerve; root {mathematics}; [fig.] relatives by marriage, in-laws
hm: 1
initial: x
lx: xidid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xidid_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xidid_2
de: become related by marriage
hm: 2
initial: x
lx: xidid
pd: (xididay)
ps: v1=inch
key: xidid_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididid
(Xididid-da)
(dad) xidid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididid
m.f.dh eeg xixid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididid
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo gacalnimo salka ku haysa noqosho. Xididid ayaa xoolo la isku siiyaa. Dh: xididis, gacaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididin
(Xididin-ta)
(dad) xidid ka dhigid; xididnimo ku dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididin
m.f.dh eeg xididi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh u dhisid oo xidid la noqosho.
xididin-ta: (magac, dhedig, keli) gacalnimo u qaddarin oo u ixtiraamid. Dh: xididis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xididin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidigin
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddigaha ka faalin oo wax ka sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidigis
-ka: (magac, lab, keli) cilmiga lagu barto xiddigaha iyo wax ka sheeggooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada sargaalnimada u horraysa; askari derajadiisu u dhexayso saddexadhigle iyo labaxiddigle. Dh: kowle, xiddigle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribgoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Wax jiritaankooda ama isticmaalkooda baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribgoo
(fal) cid kale, madhi oo dabargoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rixingoo
-ga: (magac, lab, keli) qof qaraaba neceb oo dadka u dhaw xidhiidhin. Dh: qaraabagoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (kiimika) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soocani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xididshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (kiim.) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soocani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xidid tiro
Radicand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididdayso
(fal) meel ku raag oo gacal iyo gayaan ku yeelo. Haddeed waad degtaye xididdayso.
xididdayso: (fal) xidid yeelo. Geed yahaw xididayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididdeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Xidid yeelasho. 2. Ku x.: meel mudda badan ku sugnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xididdeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Xidid yeelasho. 2. Ku x.: meel mudda badan ku sugnaansho. m.f.dh, xididdeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibgo'
-a: (magac, lab, keli) baaba' iyo taranla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribgooy
v. eliminate, eradicate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciribgooy
-ay /say: (v) get rid of; abolish (abool-ash)-, exterminate (ikisteermineyt) ~ baabi', ciribtir. —Syn: extinguish, extirpate, eradicate, obliterate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribgooy
de: eliminate, eradicate
lx: ciribgooy
pd: (ciribgooyey)
ps: v2a=tr
key: ciribgooy
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digiigoxo
v. slide, slope, descend
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digiigoxo
de: slide, slope, descend
lx: digiigoxo
pd: (digiigixday)
ps: v3b=intr
key: digiigoxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidgoosi
m.l la-mid: fiidgoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidgooso
f.mg3 (-stay, -satay) Fiid hawl qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidgooso
v., [compound] perform an activity in the first (early) part of the evening
fiidgooso v., [compound] cut the bud of a flower; cut the tip of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidgooso
(fal) milayga fiidka, hawl qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidgooyo
(Fiidgooya-da)
Xoolaha oo aan lisiddooda loo caweysimine fiid-horaadka la liso, marti timid ama carruur ama sabab kale darteed.
2. Cashada (fiidimada) oo la soo hormariyo; fiid'horor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidgooyo
m.dh Hawl la qabto fiid-horaadka. la-mid: fiid-horor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidgooyo
f. n., [compound] activity (e.g., milking) done at dusk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidgooyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo aar lisiddooda loo caweysimine fiid'horaadkaba maalo. Dh: fiid-horor.
fiidgooyo -da: (magac, dhedig, keli) xilliga fiidka dariiqa dad iyo duunyo wixii maraya loo joogado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiidgooyo
de: activity (e.g., milking) done at dusk
lx: fiidgooyo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: fiidgooyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiidyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Kadiidyo dareemid. la-mid: kadiidoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididalay
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta inta kalagoyska mataanaha iyo faraha u dhaxaysa ee dhabarka baabacada; lugta inta labada kuraamood iyo faraha u dhaxaysa ee cagta dhabarkeeda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yididiilo
-yididiilada: (n) prospect (poros-pekt); anticipation (aantisipeey-shen); cheerful expectation (ekis pak teey shen) ~ hididdidiilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhdagooye
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan xidhiidhin ehelkiisa. Dh: rixingooye.