xidhiidh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xidhiidh
m. n. relationship, connection; relations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xidhiidh
-ka: (n) relation (ri-leey-shin); relationship (ri-leey-shin-shiip); communication (kom-yuni-keey-shin); connection (kon-nek-shin), contact (kon-takt); association (a-soo-siyeey-shin); rapport (ra-poor) -xiriir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidh
(fal) ka war qab oo ku xidhnow. Dh: xiriir.
xidhiidh -ka: (magac, lab, keli) wax si taxane ah isku dabajooga oo midba uu mid ka dambeeyo ama ku xiriirsan yahay. Dh: xiriir.
xidhiidh -ka: (magac, lab, keli) lafdhabar, anaan xiriir.
xidhiidh -ka: (magac, lab, keli) cilaaqo qarabe saaxiibtinimo, hawl ama wax kale ah ah oo laba qof ama in ka badan ka dhaxaysa oo isku xid Dh: xiriir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xidhiidh
de: relationship, connection; relations
initial: x
lx: xidhiidh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: xiriir {N}
key: xidhiidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhi
(fal) cid ka war hay oo hoo iyo hiil la garab joog. Qaraabada xidhiidhi. Dh: xiriiri. Li: goo.
xidhiidhi: (fal) wax xidhiidh ah oo is daba teedsan ka dhig: awr mid walba hoggaankiisa midka kale dabadiisa ugu xidh oo haysku xigxigaan. Xidhiidhi awrta. Dh: xiriiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhiidh
-ka: (magac, lab, keli) qof timo bidhiidh ah leh. Cali waa bidhiidh.
bidhiidh -ka: (magac, lab, keli) salaanta wejiga: wejiga badhtankiisa. Ninka tukada bidhiidhka ayaa madoobaada. Dh: biriir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidh
-a: (magac, lab, keli) badarka intiisa la yaryareeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
widhiidh
-a: (magac, dhedig, keli) gabaabsi aan ku fillayn baahida. Carrafada xooluhu waa widhiid. widhiidhi -da: (magac, dhedig, keli) cabsi kala garasho la'aan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidh
(fal) dad ama noolayaal badan oo meelo kala joogjooga xabsiga mid mid ugu taxaab. Tuugta magaalada wada xidhxidh. Dh: xirxir.
xidhxidh: (fal) wax keliya oo meel yaalla xadhko badan ku adadkee ama meelo badan kolba meel ka xidh. Alaabta dusha taalla aad u xidhxidh. Dh: xirxir.
xidhxidh: (fal) albaabyo badan oo wad furfuran kolba mid awd. Maqsinnada soo xidhxidh. Dh: xirxir.
xidhxidh-ka: (magacwadareed) guntimo yaryar oo badan oo inba gooni loo xidhay. Dh: guntimo, xirxir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhid
-da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh isku xiga noqosho.
xidhiidhid-da: (magac, dhedig, keli) cid xidhiidh la yeelasho. Dh: xidhiidhis, xiriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka war hayn oo hoo iyo hiilba la garab joogid. Dh: xiriirin, xidhiidhis.
xidhiidhin -ta: (magac, dhodig, keli) wax si taxane ah isku dabajoogin oo midba midka ka dambeeya ku aaddin. Dh: xiriirin.
xidhiidhin -ta: (magac, dhedig, keli) cilaaqo wanaagsan la samayn. Dh: xiriiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidhiidhis
m.l Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhiidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayooloji
m.l Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filoojani
m.l (-iyaal, m.l) (baayoloji) Taariikhda tadawurka ee noole ama koox noolayaal ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntin-dareen
m.dh (-no ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-deegaan
m.l (-no, m.dh) (baayoloji) Beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed ee la xidhiidha iyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikooloji
m.l Barashada xidhiidhada ka dhexeeya noolaha iyo degaankiisa dabeeciga ah, ha noolaado ama yaanu noolaan. Sababtaa awgeedi koolajiya-hannadu waxay bartaan noolayaasha marka laga eego dhinaca tirada dadka iyo beelaha, kuwaas oo ay isku kooxayn karaan iyo habdhisyada degaan ee ay ka qayb qaataan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islanoolaansho
m.l (baayoloji) Isdhexgal ka dhex dhaca laba noole oo sinyjiyo kala duwan ah. Erayga islanoolaanshaha badanaa waxa lagu xaddiddaa isdhexgalka labada sinjiba faa'iido ka helayaan. Laakiin waxa kale oo loo adeegsadaa xidhiidhka kale oo ku dhow sida wada noolaanshaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrid-maskaxeed
m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kala-faa'iidaysi
m.l (baayoloji) Xidhiidhka ka dhexeeya laba ama in ka badan oo sinjiyo ah, kaas oo labaduba ka faa'iidaysanayaan. Mararka qaarkood labada sinji midna ka kale la'aanti ma noolaan karo, mararka qaarkoodna midba ka kale la'aantii wuu noolaan karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kala-kaan
m.l (kiimika) Wax la xidhiidha in ka badan hal weji. Iskujir kala kaan ah, tusaale ahaan, wuxuu ka koobanyahay laba ama dhowr weji oo kala muuqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasoocid
kalasoocid¹: m.f.dh eeg kalasooc². la-mid: kalasooc¹ (2).
kalasoocid²: m.dh (baayoloji) Habaynta noolayaasha iyada oo loo kala qaybinayo kooxo taxane ah, laguna salaynayo fisiyoolajigooda, anatamigooda, bayokiimiko ahaan ama xidhiidho kale oo ka dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koo-insaym
m.l (-myo, m.dh) (baayoloji) Molikiyuul aan borotiin ahayn oo orgaanik ah, kaas oo ku xidhiidhiya molikiyuul insaym dedejinta falgallada baayokiimi-keed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskaxyaro
maskaxyaro¹: m.dh 1. Maskaxda qaybteeda dambbe ee qadaadka ku taal. 2. la-mid: maskaxyari.
maskaxyaro²: m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta maskaxda lafdhabarleyda ee khusaysa xidhiidhinta iyo joogtaynta waxqabadka muruqyada, waxaanay sugtaa baaxadda muruqa iyo dheellitirkiisa. Maskaxyarada naasleydu waxay ka koobantahay laba gibil oo isku xidhan, kaas oo ka samaysan maatar cad oo wareegsan iyo lakab sare oo aad u laalaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
metasoowa
m.l (-yo, m.dh) (baayoloji) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuqsheeg
m.l (-ooyin, m.l) (baayoloji) Astaamaha ka muuqan kara noolaha. Astaamahaasi waxay ku xidhanyihiin hiddo-sidihiisa, xidhiidhka shiiqsanaanta ee ka dhexeeya aliiladiisa, iyo laqabsiga hiddo-sidaha degaankiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negayaal
m.l/dh (fiisikis) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waagii macdanka
m.l (waayahii ..., m.l) (jooloji) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer-neefeed
m.l (fiisikis) Xeerarka la xidhiidha heerkulka cadaadiska iyo mugga ee neef cufkeedu go'an yahay. Xeerarka neefta ee ugu muhiimsani waa xeerka Boyle iyo kan Jaarlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayooloji
m.l Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidhiidhi
m. n. narrow area, crowded place; tight; bustling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cidhiidhi
-ah: (adj) narrow (naarow) ~ cariiri. Ex-, jid cidhiidhi ah; a narrow street
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhiidhi
(fal) qof kale, meel uu fadhiyo ama aqal uu ku jiro oo aan ku fillayn, la fadhiiso ama la gal; cidhiidhi geli.
cidhiidhi: (fal) weel iyo wax la mid ah, muggiisa in ka badan ku rid.
cidhiidhi -ga: (magac, lab, keli) meel, aqal iyo wax la mid ah oo muggiisu ka yar yahay waxa ku jira; meel aan faalal ahayn. Dh: ciriiri.
cidhiidhi: (tilmaame) mid mug yar; mid aan faalal ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidhiidhi
de: narrow area, crowded place; tight; bustling
lx: cidhiidhi
pd: (-ga)
ps: n2-m
see: ciriiri {N}
key: cidhiidhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindhiidh
-a: (magac, dhedig, keli) ur qudhmuun. Dh: siniin. Li: udgoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig ku guntid. Dh: xirid, guntid. Li: furid.
xidhid -da: (magac, dhedig, keli) jeel ku ridid: xabsi geyn. Dh: xirid, xabbisid, xirid. Li: furid. xidhid -da: (magac, dhedig, keli) masalo ama su'aal u jeedin. Dh: xirid, su'aalid.
xidhid -da: (magac, dhedig, keli) baanbad naqas iyo wixii la mid ah joojin. Dh: joojis, xirid. xidhid -da: (magac, dhedig, keli) cibaado galid. Dh: xirid, xiris. Li: furid.
xidhid-da: (magac, dhedig, keli) albaab qufulid. Xidhidda albaabka ha illoobin. Dh: xiris, qufulis.
xidhid -da: (magac, dhedig, keli) cid dhar u lebbisid. Dh: lebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhidh
-ka: (magac, lab, keli) hubka qarxa ama wax la mid ah, duulduulka uu sameeyo.
fidhidh -ka: (magac, lab, keli) duulduulka qaraxu sameeyo. Dh: firir, firidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xidhmay noqosho. Dh: xirmid, xirmis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhiidh
magac loo baxsho wiilka dhashay isaga oo ay timihiisa ama yixdiisu yartahay. Dh: bidhiidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidh
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin yar oo si dhakhso badan marna daarmaya marna demaya. Garabildhaanka bidhbidha hayaa ilaa waaga berigiisa. Dh: biligbilig, birbir, bigbig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhfidh
-ka: (magac, lab, keli) buurbuur yaryar o subag ah oo caanaha la lulaayo yeeshaan.
fidhfidh -ka: (magac, lab, keli) farac tiro badnaa o dabar go'ay wixii ka soo hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidhiish
(ereydhawaaq) tusmeeya hadal aan macne ku fadhiyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadhiidh
-a: (magac, dhedig, keli) hadhuudhka marka midxinka aan loogu ridqin oo yara buurbuur leeyahay. Dh: jimidh. Li: budo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhjidh
-ka: (magac, lab, keli) marka la sheegayo wax u eg dub qof.
jidhjidh -ka: (magac, lab, keli) muruqyada tunka ninka doobka ama awrka turuqyadiisa xooggan. Dh: margaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhiidh
(fal) sonkor iyo wax la mid ah, in yar oo far iyo suul ah cid kale sii. li qadhiidh sonkorta.
qadhiidh -ka: (magac, lab, keli) sonkor aan badnayn oo kolka jaadka la cunayo lagu qayilo. Rubuc qadhiidh ah soo iibso. Dh: qariir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
widhwidh
(ereycodeed) tusmeeya iftiin yar oo aad u fog oo meel ka bildhaamay oo indhaha kaaga dhacaya sida muraayada cawirkeeda. Waxbaa buurta agteeda ka widhwidh leh. Dh: biligbilig.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xidhiidh-ka
relations, rapports.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhfur
-ka: (magac, lab, keli) goynta claquad laba dhinac u dhexeeya; xidhiidh horay u jiray laga baxo. Dh: xiriirfur, heshiisjebin, ballanfur.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xidhiidhiye
Commutator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhsan
(tilmaame) isku aaddan oo is wada daba jooga. Dh: xiriirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidhan
(tilmaame) la xidhxidhay ah. Intii aad il dirtay oo dhani way wada xidhxidhan yihiin. Dh: xirxiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) in mar ka badan xidhid. Xidhxidhidda jiho qudha u daa. Dh: xirxirid, xirxiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhxidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baldhiidh
(tilmaame) deegaan barwaaqo ah. Buurta Dhay waa baldhiidh. Dh: cosob. Li: abaar.
baldhiidh: (tilmaame) wax aad u badan oo si fudud lagu heli karo. Caanihii way jabeen oo waa baldhiidh. Dh: ceeryoon, ceegaag. Li: naadir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhi
(fal) wax qarsoonaa bildhaantiisa soo saar oo soo muuji. Borkii na abuurayoow baadidii noo bidhbidhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhfidhi
(fal) caanaha lul oo subag kaga keen. Dh: cagaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdhiidh
-ga: (magac, lab, keli) aad u dhooqoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowdhiidh
-ka: (magac, lab, keli) wax ku dul foorarsasho. Dh: gawriir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhinbidhi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar inta dhabarka loo jiifsado oo cunug labada lugood la dul saaro, hoos iyo sare loogu qaado iyadoo lagu heesayo 'tukoow futada ka dhuuqeey' ama 'bidhibidhi bankii ololay, faayoy fundhaallo cadcad'. Dh: goroyoquuqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhiidhyid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah, muggiisa in ka badan ku ridid. Dh: ciriiryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidhico
-da: (magac, dhedig, keli) kolka wax naxdi leh la arko furuuruc yar oo jidhka korkiisa kasoo yaaca oo markiiba baaba'a.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhigxidhe
-ha: (magac, lab, keli) qof qaraabo ahaan kuu dhaw oo gardarradaada qaban kara gartaadana kuu dooni kara. Dh: aabbo, xidhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xidid
(Xidid-ka)
1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah.
2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya.
3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidid
xidid¹: m.l (-do, m.l) 1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
xidid²: m.l (-do, m.l) (xisaab) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2=16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
xidid³: f.mg1 (-day, -dday) Xidid noqosho (dad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xidid
xidid¹: m.l (-do, m.l) 1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
xidid²: m.l (-do, m.l) (xisaab) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xidid
Root
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xidid
m. n. root; blood vessel (vein ~ artery); nerve; root {mathematics}; relatives by marriage, in-laws
xidid [inchoative] v. become related by marriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xidid
-ka: (n) 1. root (ruut). Ex: xididka geedaha; the root of the plants. 2. artery (aar-tari). Ex: xididada dhiiga; the blood vessels
xidid -ka: (n) relative by marriage; in-law (in-loo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidid
-ka: (magac, lab, keli) geedka intiisa dhulka ku aasan ee biyaha soo nuugta.
xidid -ka: (magac, lab, keli) dhuumo jidhka nafleyda ka buuxa oo dhiigu kor iyo hoos u maro. Ninka uu xidid go'aa dhiigbax ayuu halis u yahay.
xidid -ka: (magac, lab, keli) xidhiidh qaraabo oo gacalnimo salka ku haysa. Nin aan xidid nahay ayaan baabuur ka soo ergistay. Dh: gacal.
xidid -ka: (magac, lab, keli) xanuun kolkol dadka ku soo booda oo meel keliya qabsada oo ah murug ama xidid si noqda. Lugta xidid ayaa iga haya.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xidid
جِذْرٍ، وَرِيد، عِرْقٍ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhid
-da: (magac, dhedig, keli) sare u qaadid oo si fudud sare ugu tuurid. Dh: biriyow, hillaacid, birin. bidhiidh -a: (magac, lab, keli) timaha madaxa oo noqda timo jilicsan, cawlan oo aan isku dhadhawayne banbannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhid
-da: (magac, dhedig, keli) feedhidda timo la dhex marmariyo fidhin ama shanlo si loo qurxiyo Dh: firid, firis, shanlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midiid
midiid¹: m.l Catireynta weel la culayo aad loo catiriyo. la-mid: madiid¹.
midiid²: f.g1 (-day, -dday) Weel la culayo aad u catirid. la-mid: madiid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midiid
(fal) gacanta aad ugu adkee wax aad xuruudayso. Aad ugu midiid dhoobada gidaarka Dh: madiid.
midiid -ka: (magac, lab, keli) culay xoog: hogayn aad loo hogeeyo gorfaha iyo qadaadayaasha Dh: catirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xadiid
Steel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadiid
m. n. railroad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xadiid
-ka: (n) iron (aay-an); steel (istiil) ~ bir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadiid
-ka: (magac, lab, keli) macdanaha cidd jir mid ka mid ah oo aad u adag walxo badan soluhu u baahan yahayna laga sameeyo. Dh: bir.
xadiid-ka: (magac, lab, keli) labada birood ee jiifa ee roorka ama tareenku dul maro; dhabbada tareenka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadiid
bw: Arabic
de: railroad Lit: iron
initial: x
lx: xadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xadiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididi
f.g2 (-iyay, -isay) Xidid ka dhigid (dad); xididnimo ku dhawrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididi
v. make people one's relatives by marriage; consider ~ treat someone as such
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididi
(fal) gacalnimo u qaddari oo u ixtiraan. Xididi waa xaaskaaga abtigeede. Dh: xidhiidhi. Li: goo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididi
de: make people one's relatives by marriage; consider ~ treat s.o. as such
initial: x
lx: xididi
pd: (xididiyey)
ps: v2a=tr
key: xididi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xldhid
Occlusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhiiq
-a: (magac, lab, keli) qolofta badarka qaarkii, wixii qush ama suqul ah ee badarka ku jira. Bidhiiqa ka gur bariiska. Dh: bariiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddiid
m.dh Duurjoogta (ugaarta) inta hilibkooda la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciddiid
m.dh Duurjoogta (ugaarta) inta hilibkooda la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiidhi
(Dhiidhi-ga)
Wax xun oo ama afka layska yiri ama addin layska gaarsiiyey, xumaan laga xumaaday muujinteeda; camashood; umal; dhirif; caro; xanaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhi
dhiidhi¹: m.l 1. Caro qiiro leh oo cid fal xun loo geystay muujiso; xanaaq. 2. la-mid: dhiidhiyid.
dhiidhi²: m.l Ciid biyo qooyeen; dhiiqo.
dhiidhi³: m.dh Dhoobo aad u qoyan.
dhiidhi⁴: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid fal xun loo geystay caro qiiro leh muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiidhi
dhiidhi¹: m.l Caro qiiro leh oo cid fal xun loo geystay muujiso; xanaaq.
dhiidhi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid fal xun loo geystay caro qiiro leh muujin. m.f.dh, dhiidhiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiidhi
m. n. annoyance
dhiidhi v. be angry, get annoyed, lose one's temper
dhiidhi m. n., (mass n.): mud, muddy soil
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiidhi
nickname; name-m annoyance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiidhi
-yey. / say: (v) [with preposition ka] 1. fight back, resist ~ ka dhiidhi. 2. dhiidhi -ga: (n) mud (madh) ~ dhiiqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhi
(fal) dareen yeelo iyo ficil. Dh: gadood.
dhiidhi -ga: (magac, lab, keli) dareen iyo ficil yeelad. Dh: gadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhiid
(Fadhiid-ka)
Ilmaha cudur aawadi ama dheefxumo darteed asaaggi ka hara oo fadhiga ku raaga oo aan soconnin; curyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiid
m.l.kh F. ah: ilmo cudur, nafaqaxumo awgeed waqtigii uu socon lahaa aan socon.