xiddigta_waabberi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xiddigta_Waabberi
de: Venus, the Morning Star
initial: x
lx: Xiddigta Waabberi
ps: n0-loc-f
syn: Bakool, Sahra, Waxaraxir
key: Xiddigta_Waabberi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigta Waabberi
Waxaraxir; Sahra.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xiddigta Waabberi
pr. n., loc. Venus, the Morning Star
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakaal
(Bakaal-ka)
1. (cudur) bar cad oo isha birteeda ku dhalata.
2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo Dusaaga (Sahra); Xiddigta Waabberi; Waxaraxir; (ama Bakool).
3. Qof lixaad weyn; dhammays ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meere
(Meera-ha)
(meereyaal) Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal: Dusaa (Cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (Sahra), Dhulkeenna, Farraarre (Mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (Mushtar), Raage (Saxal), Uraano, Netuun iyo Buluto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahra
(Sahra-da)
(meere) Waxaraxir; Xiddigta Waabberi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxaraxir
(Waxaraxir-ta)
Meereyaasha qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexaysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka); sanadeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan-ku-dhowaad malyuun oo mayl; Xiddigta Waabberi; Sahra.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meere
meere¹: m.l (-rayaal, m.l/dh) Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun, Buluto.
meere²: m.l (-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waxaraxidh
-ka: (magac, lab, keli) xiddigta waabberi; meerayaasha qorraxda ku wareega midkood oo ah kolka dhulka laga jeedaasho kan ugu iftiinka badan wuxuna u dhexeeyaa dhulka iyo dusaaga 'cuddaar' sannadkiisunu waa 225 maalmood qorraxdana wuxuu u jiraa toddobaatan kun oo malyuun oo mayl. Dh: Waxaraxir, Sahra.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahra
-da: (magac, dhedig, keli) meere, xiddigta waabberi. Meeraha sahra mid uun baa ka xiga cadceedda. Dh: maqa-laxidh, waraxidhxidh, shuhuura.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Waxaraxir
de: Venus (the second planet)
initial: w
lx: Waxaraxir
pd: (-ta)
ps: n0-loc-f
syn: Bakaal ~ Bakool, Sahra, Xiddigta Waabberi
key: Waxaraxir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaaca-waaberi
m.l Xilliga iftiinka subaxnimo bilaabanayo.